Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Gobolka Shabeelle Dhexe: Webiga oo ku fatahay beero ku yaalo toban tuulo

Radio Ergo by Radio Ergo
June 7, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba’ay fatahaad

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Seddex todobaad ka hor Webiga Shabeelle fatahaad uu sameeyay ayaa waxaa ku baaba’ay beero ku fadhiya dhul cabirkiisu celcelis ahaan uu dhan yahay 8,350 higtar oo ku yaala toban tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Sida laga soo xigtay maamulka iyo iskaashatada beeralayda ee deegaanadaas, beeraha ku baaba’ay fatahaada webiga ayaa waxaa ku tiirsanaa qoysas gaaraaya 2,470.

Wasiirka ku-xigeenka Wasaarada Beeraha ee Hirshabeele, Maxamed Bashiir Qaasin Daqare ayaa sheegay in khasaaraha daadadka ka soo gaaray beeralayda ay adag in dhawaan laga soo kabsado, isagoo raaciyay in fatahaada ay ku beegantay xilli beeralayda ay ku hanwaynaayeen in la geli doono barwaaqa-sooran.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in inta badan dadkii degenaa tuulada Dhaa’ifo u barakeeen deegaanka Cabdulle todobaad ka hor.

“Tuulada Daa’ifo 1 iyo 2 waxaa ku noolaa 600 qoys. Dadkaas dhamaantood way barakaceen sida la xaqiijiyay,” ayuu yiri Maxamed.

Cali Maxamed waxaa uu ka mid yahay gudiga iskaashatada beeralayda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in fatahaadan ay ka dhalatay biyo xireen lagu magacaabo Faaw oo gebiyada jabsaday.

Cali wuxuu xaqiijiyay in ay well wadaan tira koobka qasaaraha beeralayda soo gaaray.

Cabduqaadir Muuse Cumar oo ah 63 sano jir, wuxuu ka mid yahay 50 qoys ka soo barakacay deegaanka Mareeray oo ka mid ah tuulooyinka uu wabigu ku fatahay.

Waxaa fatahaada uga baaba’ay tacab ay ka mid yihiin galay, digir iyo bocor oo uu ku abuuray beertiisa oo ah 11-Higtar.

Cabdiqadir oo beertiisa ku maalgaliyay 8 Malyan oo shilinka Somaliga ah, hadda wuxuu dulsaar ku yahay asaga iyo qoyskiisa oo 10 qof ka kooban reer kale oo dagan tuulada Axmed-Ciyow.

“Beerta waxaan galiyay qarash badan balse biyaha soo fakaday ayaa baaba’shay, taasina waa qasaaro weyn. Waxay ahaayeen biyo aad u tan weyn oo aanan awoodin in aan iska celino,” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Tuulada Axmed-Ciyow oo ka mid tahay tuulooyinka taaga ah kana durugsan webiga ayaa waxay gabaad siinaysaa dad ka Soo barakacay fatahaada webiga.

Cabdiqaadir oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in hadda ay reerkiisu ku tiirsan yihiin raashin deyn.

Waxaa sidoo kale isna uu Soo gaaray qasaaro Faarax Xassan Xallane oo lahaa beer 11-hirtar oo uu ku maalgaliyay lacag dhan 13-malyan oo shilin soomaali ah.

Beerta Faarax ayaa waxay ku taalaa deegaanka Dhaa’ifo.

Faarax ayaa xusay in hadda ay ku nool yihiin xero barakac oo ku taala duleedka magaalada Jowhar.

Previous Post

IDAACADD MAANTA JIMCE 7-JUNE-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 07-JUNE-2019

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 07-JUNE-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo