Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Cudurka shuban-biyoodka oo soo ritay in ka badan 300 qof tuulada Ceeldibir

Radio Ergo by Radio Ergo
June 20, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cudurka shubanka oo carruur badan ku soo ridanaya xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Seddax boqol oo qof oo ku nool deegaanka Ceeldibir oo Gaalkacayo koonfurta uga beegan qiyaastii 180-km ayuu cudurka shuban-biyoodka soo ritay, sida uu Raadiyow Ergo u xaqiijiyay Dr Maxamed Cali Kaahiye.

Laba carruur ah oo kala ah wiil 7 jir ah iyo gabar 4 jir ayaa cudurka geeriyood bilowgii isbuucii hore.

Dr. Maxamed oo ka howl-galo Isbitaalka guud ee Galkayo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sababta uu cudurka u dilaacay ay tahay ah kuleel baahsan oo deegaanka ka jira iyo dadka deegaanka oo aan haysan biyo nadiif ah.

Dadka deegaanka ayaa biyo ka caba ceelal gacmeedyo gaagaaban iyo barkado oo aysan nadaafadooda fiicnayd.

Dr. Maxamed ayaa intaa ku daray in kiisas kale oo la xiriira shuban-yoodka in wali laga soo sheegayo deegaankaas.

Dadka uu xanuunkaas uu soo ritay waxay iskugu jiraan dadka reer guuraga ah iyo kuwa degan tuulada.

Dr Maxamed ayaa xusay in tuulada aysan lahayn xarun caafimad oo xamilu karto tirada intaas laeg ee bukaanada.

Wuxuu sheegay in 180 ka mid ah seddexda boqol ee xanuunku ay yihiin carruur halka inta kale yihiin dad waaweyn.

“Meesha marka aan tagnay, wax yaabaha ugu darnaa ee aan aragnay waa deegaanka oo aanan lahayn wax xarun caafimad ah. Waxaan kale oo aan aragnay bukaan aad u farabadan oo 300 kor u dhaafaya,” ayuu Dr Maxamed oo ka mid ahaa guddi booqday tuulada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in 8 qof oo ay xaaladooda adag tahay loo Soo gudbiyay magaalada Gaalkacyo.

Cabdulqaadir Mohamed Guuleed oo ah aabbaha qoys ka kooban 8 qof wuxuu cudurku ku waayay wiil yar oo ah 7 sano jir ah.

Waxa uu sheegay in 7 maalmood cudurku uu hayay inanka yar balse maalintii siddeedad uu geeriyooday.

“Waxaan marka hore ku arkay wiilka shuban. Waxaan kale oo aan ku arkay qandho xad dhaaf ah. Deegaanka dhaqtar baaro ma joogo. waxaan kale oo aan ku arkay in tabar dhan uusan cunuga lahayn,” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Cabdiqaadir ayaa xusay in dhowr jeer uu isku dayay in ay uu helo gaadiid uu Gaalkacyo ku gayso caruurtiisa, balse qarashka gaadiid oo lagu qayaaso lacag dhan $300 ay ku kaliftay in uu guri ku haayo wiilka yar.

Cabdiraxmaan Cali Axmed oo farmashi ku heysto deegaanka muddo 6 sano ah wuxuu bartay kalkaalinimo iyo cudurada.

Wuxuu Raadiyow Radio Ergo u sheegtay in maalinkii ay qaabilaan dad ku dhow 10 qof oo cudurku uu soo rito, isagoo intaa ku dartay in tiradu ay sii kordhayso.

“Waan qiimeeya marka hore qofka, kadib waxaan siiyaa wixii uu u qalmo haddii tabar la’aan heyso waxaan siiyaa faleembo, haddii aan wax ka qaban waayo, waxaan u diraa Gaalkacyo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayuu sheegay in ka badan 60 qof in uu qaabilay ku waasi oo xanuunka la’ ildarnaa.

Sacdiyo Maxamuud Cali waa hooyo qoys 11 qof ka kooban.

labo ka tiraan carruurteed oo Kala jira 12 iyo 3 jir ah ayuu xanuunku ka hayaa mudo 4 maalin ah.

Mudada xanuunka shubanka uu ka hayo carruurta Sacdiyo waxa ay maalin walba faleenbo $5 doller qiimaheedu yahay uga soo qaadaysay farmashiga deegaanka ku yaala.

“Isbitaal malihin, gaarina malihin. Wax kale awood uma lihin, waxaan cunaga hadda daawo u ah farmashigaas yarka ah. Wixii aan ka soo helno oo waliba lacag nagala sii qaado ayaan siinaa,” ayay tiri Sacdiyo.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka beeraha

Next Post

Abaaraha soo noqnoqday oo keenay in Farduhu ka dabar go’aan gobollada Sool iyo Sanaag

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Next Post
Abaaraha soo noqnoqday oo keenay in Farduhu ka dabar go’aan gobollada Sool iyo Sanaag

Abaaraha soo noqnoqday oo keenay in Farduhu ka dabar go'aan gobollada Sool iyo Sanaag

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-SEP-2026

IDAACADDA 25-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-SEP-2026
September 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo