Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Afgooye: Beeralay ku hungoobay abuurkii guga

Radio Ergo by Radio Ergo
June 17, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Cadaado:-Xoolo-dhaqato-beeraley-noqoneysa

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Laba boqol iyo konton higtar oo beero ah oo ku yaal tuulooyin u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaan xilligan gu’ga ah wax dalag ahi u soo bixin, iyagoona sheegay in duur-joog iyo shinbiro ay kala baxeen abuurkii ay dhulka ku rideen.

Shimbiraha iyo duurjoogta raxan-raxanta u socota ayay beeralayda sheegeen in ay ka dhaxleen khasaaraha ugu badan ee ay sanadkan la kulmeen.

Dalagga ugu badan ee sanadkan ay ku khasaareen ayaa isugu jira Galey, digir gaduud, iyo digir cagaartooy ama salbukada. Beeralaydaan ayaa ku nool tuulooyinka Takulosho iyo Tuulo Sagaalaad oo galbeedka Afgooye ku yaala.

Faadumo Maxamed Aadan oo ka mid ah beeralayda ku nool deegaanka Tuulo-Sagaalaad ayaa waxaa ay sanadkaan galeyda ku beeratey dhul-beereed baaxadiisu ay tahay sedex hektar. Waxay sheegtay in lacag gaareysa $450 in ay ku qarashgaraysay beerteeda taa oo ay ku abuurtay galay. Lacagtan ayaa kaga baxday shaqaalaha beerta, abuurka beerta iyo cagafcagaftii beerta loogu caragediyey.

Xilliga ay beerteeda waxay shaqaalaysay saddex qof  kuwaa oo midkiiba ay siisay lacag dhan $50.

Iyadoo ku hamiweyneyd in ay gugan kaga faa’ideysan doonto galeydii ay beeratey ayaa way ku dartay hal hektar oo dheeri ah ay tacabkeeda ku soo kordhisey sanadkan. Balse waxaa uur-kutaalo ku noqotey inuusan waxba ugu soo dhalan galeyda ay ku kharash gashey.

Waxaa ay sidoo kale Radio Ergo u sheegtey in ay jiraan beero badan oo iyada deris la ah kuwaasi oo ay tiradooda noogu sheegtey in ay tahay sedex beer oo ku fadhiya masaafo dhan lix hektar.

Faadumo waa hooyo dhashey labo wiil oo mid kamid ah sanooyin badan ku xanuunsan baadiyaha afgooye, midna uu ardey yahay.

“Maya malaga yaabo in aan wax abuurto, maxaa yeelay khasaarihii isoo gaarey ayaanba dhoweyn (xilli aan ka Soo kabsado), maxaa yeeley sabatoo ay tahay abuurkii aan abuurtey hadda mid aan ku khasaarey ayuu noqdey. Wax ilaa hadda sanadka aan ku gaaro ma heysto, waayo waxaan heystye waan beeray. Waxaan is dhahaayey wey kuu soo bixi doonaan,” ayay Tori Faadumo oo walaac ka muujisay in ay mar labaad wax abuurato sanadkan.

Beeralayda qaarkood ayaa dib u abuurey dalagyada markii laga faagtey beerohooda, balse ay khasaarihii hore mid lamid ah kala soo kulmeen.

Xasan Maxamed Xuseen waa gudoomiyaha iskaashatada beeralayda tuulada sagaalaad oo afgooye ka tirsan, waxaa uu Radio Ergo u sheegay in ay aad uga xun yihiin qasaaraha Soo gaaray beeralayda.

“Dhibaatadaasi saameysay, walaahi, haddii dhibaatadaasi ay saa’ido, roobkiina sidaas ku yaraado, dadkii meesha deganaa culeys ayaa soo food saari karo,” ayuu yiri.

Aqoonyahan Saciid Yuusuf Maxamed oo jacadda Udurmaan ee wadanka Suudan ku soo bartay culuunta dhaqaalaha ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dadka inta badan roobka wax ku beerta ay yihiin kuwa soo saara raashinka quutal daruuriga ah, haddii ay khasaaraanna helitaanka cunadda iyaga iyo xoolo dhaqatadaba ay ku yeelanayso.

“Raashinka ay soo saaraan keligood kuma noola, dadka oo dhan ayaa ka faa’iidaysta, beeralaydii marka ay wax u soo baxaan suuqii geynayaa isagoo ku bedelanaya wixii kale, sidaas ayuu suuqiina raashin ku keena isna wax ku heli,” ayuu yiri Siciid.

Beeralayda roobka wax ku beerata ayaa xilliga gu’ga waxay xoogga saaraan beerashada gelayda, digirta iyo salbukada, halka dayrtana ay beertaan sisin iyo mesego.

Cumar Xaaji Xuseen Akila oo ah aqoon yahan dhinaca beeraha ah kana tirsan ururka aqoonyahanadda beeralayda Soomaaliyeed ee SATG kuna sugan Afgooye ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in beeralayda shinbiraha iyo duurjoogta abuurka kala baxayso ay ugu wacan tahay abuurkay isticmaaleen oo ah mid aan sumaysnayn.

“Xayawaanka marka uu abuurka sumaysan yahay wuu u urayaa, mana cunayaan, beeralayduse waxay isticmaaleen abuuro ay iyagu meelaha ka hagaajisteen, waxaanan kula talinayaa in sunta loogu tala galay ay meel kasta taalo oo aysan abuur aan sumaysnayn isticmaalin” ayuu yiri Akila.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, AXAD 16-06-2019

Next Post

IDACAADDA MAANTA, ISNIIN 17-06-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

IDACAADDA MAANTA, ISNIIN 17-06-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo