Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Radio Ergo by Radio Ergo
May 15, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ayadoo weli aynu wadno barnaamijkii texanaha ahaa ee xeryaha, ayaa weriyaha Raadiyo Ergo, Maryan ay booqatay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe. Maryan oo booqatay xerada Sheekh Cumar oo la aasaasay sanadkii 2005, ayaa waxay ku soo aragtay qoysas badan oo ku tiirsan carruur ka shaqaysa xirfada kala duwan.

Cali Muuse Cali oo ah 12 sano jir, waxay deganaayeen tuulada Geedo-barkaan oo bariga Jowhar ku taalla.

Cali oo dhagaha ka culus ma dhigto iskuul iyo dugsi midna, aabbahiis  iyo hooyadiis waxay  ku hafteen wabiga Shabeelle sanadkii 2013 xilli ay ka yimaadeen beer.

Waalidiinta Cali ayaa waxay u socdeen in ay carruurtooda ka soo wadaan kaddib markii gadaashood dagaalad ka dhacay halkii ay degenaayeen balse nasiib darro waxay ku dhinteen webiga Shabeelle.

Cali wuxuu ka mid yahay carruurta ka aruurisa garaabada suqyada jaadka lagu ibsho ee magaalada Jowhar.

Waa kan Cali oo ka sheekeeynaya nolosha dayacan ee ay ku nool yihiin isaga iyo siddeed carruur ah oo la dhalatay cod.

“Garaabada ayaan aruursadaa, marar ka qaar waa lagu haraantinaayaa, mar waa lagu kal gamaa bar aan isyeelo ma lahan, wax yar ayaan soo helaa, mar 10,000, marna 20,000, marna waan waayaa, dariska ayaan isaga tagayaa, si aan u helo waxaan cuno,  marka aan wax soo helnana aniga iyo walaalkeey oo isna caseeye ah,  waxaan soo iibsananaa kiilo bariis iyo goob calooleey, sidaas  ku karsanaa. waan noolosha aan ku nool nahay, dhibaato ayaan u dhigan waayay iskuul, maraashiin baan raadsadaa mise iskuul,” ayuu yiri Cal.

Waxaa ka iibsada garaabada qaadka dadka danyarta ee aan gadan karin jaad nadiif ah ee xoogooda ku xamaasha.

Dadka ku nool kaamkan, waxay ku hoydaan guryo cooshado ka sameysan, mana heystaan gargaar hay’adaha ah iyo caawimaad dhanka maamulka ah.

Sidoo kale, ma lahan MCH oo dhanka caafimaadka ah, marka laga reebo carruurta nafaqo darradu heysato oo Axadkasta la siiyo buskutka nafaqada, waxaana soo booqata oo bixisa hey’adda IMC oo ah hay’ad caafimaad.

Dadka degan xeradan ayaa u badan kuwa danyar ah, agoon iyo kuwa baahiyaha gaarka qabo.

Hooyooyinka ku nool xeradan waxay ka shaqeeyaan dhardhaqid iyo xaabo gurid halka aabashuna ay inta badan yihiin kuwa ku shaqaysta xamaali.

Maxamed Isaaq waa 10 sano jir, aabahii wuxuu dhintay sandkii 2015.

Hooyada dhashay Maxamed waxay muddo sanadyo ah ahayd qof muddo xanuunsanaayo.

Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed, Reerkooda waxaa kaamka ku dhaqaaleysa habaryartood oo lagu magacaabo Ruqiyo.

Qoyska Maxamed ayaa ka kooban shan carrur ah oo uu isaga ugu weyn yahay.

Maxamed wuxuu aroortii ka soo baxaa reerka, si uu maalin-jooga reerka uga soo saaro.

Maxamed waa baalashle ka shaqeeyaa magaalada Jowhar.

“Aroortii ayaan soo baxaa, waxaan soo noqdaa laba iyo tobanka maqribnimo, waxaan soo  gataa shan kun oo luujito gaduud ah iyo shan kun mid madow, si aan kabaha ugu kala luujiteeyo  iyo qajacle ayaan biyo iyo omo ku soo shubtaa, si aan kabaha ugu dhaqo inta aan luujiteeynin.  Waxaan tagaa askarta meelaha ay fariistaan, waxaan helaa dad kalyanti ah. Mararka qaar, wax fiican soo ma helo, halka joog ee kabah, laba kun sh Somali ayaan  ku mariyaa. 20 kun (shilin Soomaali) ilaa 10 kun (Shilin Soomaali) ayaan la soo noqdaa, walaakeey iga weyn ayaa maqaaxi ka shaqeeyo, xoogaa bariis ayuu noo keenaa.  Hadii aan helo wax lacag iga dhiibo dugsi iyo iskuul ayaan dhigan lahaa,” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed waxaa uu sheegay inuu dhigan jiray dugsi quraan in uu san aabahii dhiman. 

Xaliimo Cali Faarax oo 13 jir waxa u shaqaysaa reer.

Hooyadeed iyo aabaheed waa ay kala tageen.

Xaliimo iyo gabar kale oo ka yar waxay la nool yihiin hooyadood.

Labada gabdhood waxay u shaqeeyaan qosas ku nool magaalada Jowhar.

Waxay bishii midiiba qaadataa 400 oo kun shilin Soomaali ah.

“Waxaan la joogaa cid heysata 8 carruur ah. Subax walbo aroortii,  marka salaada la dukado ayaa la iga soo kacshaa, si aan u guda galo howsha guriga. Habeenkii afar saac ilaa shan saac ayaan seexdaa. Salka dhulka ma dhigo, mararaka qaar anigoo cunug dusha ku wado ayaa dhibaato la ii gaystaa. Hooyada ayaa roon,” Xaliimo Cali Faarax.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 14-MAY-2019

Next Post

Qulqulatooyinka Dirirdhabe oo saamayn ku yeeshay ganacsiga iyo waxbarashada

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Boqollaal arday ah oo ku guuleystay fursado shaqo barasho ah

Qulqulatooyinka Dirirdhabe oo saamayn ku yeeshay ganacsiga iyo waxbarashada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo