Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qulqulatooyinka Dirirdhabe oo saamayn ku yeeshay ganacsiga iyo waxbarashada

Radio Ergo by Radio Ergo
May 15, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Boqollaal arday ah oo ku guuleystay fursado shaqo barasho ah

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Rabashadaha dhinaca qawmiyadaha ku salaysan ee ka socda magaalada Dirirdhabe ayaa saamayn ku yeelatay waxbarashada, ganacsiga iyo nolosha dadka magaladaas ku nool. 

Khadar Baxar Cabdi, sanadkii afraad ayuu marayaa jaamacadda Dirirdhaba, wuxuu sheegayaa in rabshahadahaani inay hakiyeen waxbarashadiisii, ardaydiina ay ka kala tagtay waxbarashadii. 

“Waa marka (ardayda) waalidiintooda way u baqayaan oo waxay leeyihiin ‘iskaga soo taga rabshado ayaa ka jira magaalada. Madaama dhibaatooyinkaa jiraanna Jigjiga u soo bedesha ama jaamacad dhan iska daaya oo meelahaan iska imaada’ saameynta ugu weyn ee aan hadda dhihi karo weyaan oo ardayda Soomaaliyeed ee meeshaan heysata. Dad badan baa wax-barashadooda uga tagay rabshadaha awgood,” ayuu yir Khadar.

Waxaa ka baaqday ardayda imitixaankii ay geli lahaayeen bishii Abriil ee sanadkaan rabshadaha dartood, iyadoo arday badanina dantu ku khasabtay inay ka soo bixi kari waayaan jaamacadda gudaheeda.

“Ardaygii Jaamacadda deganaa, markuu suuqa inuu ka soo adeegto uu rabo, waxaa suurta gal ah in uu la kulmo rabshada ay Xabashada ama Oromada ay wadaan. Ardayga suuqa u doontay inuu wax ka soo iibsado oo kale uma kala qaadayaan kani Jaamacad buu dhiganayey ama ma dhigto. Soomaali waa u Soomaali. Mida labaad waxa weeye, jaamacadda waxay ku taala dhinaca ciidanka ama askarta. xaafadda jaamacadda ku taalo ama xaafadda Maarso la yiraahdo, markay rabshad ka dhacdo oo ciidanka yimaadaan dadka xaafadi degenaa iyo ardaydi degenayd iyo ardaydi masaajidka Maarso ku soo dukaday oo kale ciidanka ma kala soocayaan oo arday badan baa la xiraa,” Khadar u sheegay Raadiyo.

Khadar wuxuu sheegay in boqolaal arday oo ay isla dhiganayeen jaamacadda oo Soomaali ah ay isaga tageen waxbarashada cabsi ka dhalatay rabshadaha tirada badan ee magaalada ka jira, isagoo ka hadlaya siday ardayda dhibaatada u soo gaarto wuxuu sheegay.  

Magaalada Diridhabe waxaa kuwada noolo qawmiyadaha Oromo, Soomaali iyo Amxaaro, rabshaduhuna waxay dhex maraan saddexdaan qawmiyadood, waxayna bilowdeen rabshadahaan 20kii Diiseembar 2018, ilaa wakhtigaanna weli waa socdaan, iyadoo rabshadihii ugu danbeeyeyna dhaceen 2dii bishaan.   

Axmed Xaaji Nuur waa madaxa ardayda Soomaalida ee Jaamacadda Diridhabe, isaga wuxuu ka hadlayaa caqabadaha ka haysta waxbarashadooda. 

“Ardaygii isagoo hooyadii la joogay waligii oo carqalad iyo xabsi iyo jirdil aan soo arag, challenge-yo fara badan iyo wax-barashada oo ku adag iyo amnigi oo daran, marka ay arkaan ayey mustaqbalkoodi wayaan,” ayuu yiri Axmed.

Dhinaca ganacsiga ayaana ah hadda meelaha kale ee rabshaduhu saamaynta ku yeesheen.

Maxamed Daahir Axmed waa nin ganacsade ah, wuxuu iibiyaa raashinka, wuxuu sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay in ganacsigiisii istaagay. 

“Sokorta iyo saliida ayaan ka soo qaadi jirnay, dad nabad ah oo xur ahaa ayaan ahaan jirnay oo cid aysan weydiin oo cid aan ka cabsan. Marka cooladihii markay dheceen, waxay noqotay inaan sida ugu dhaqsiyaha badan aan uga baxno. Marka haddii aan nabadba aan helayn oo si xur ah aad u dhaq dhaqaaqeenin, meel kasta aan tagi Karin, ganacsigaaga saameyn weyn bay ku yeelaneysaa,” sidaasi waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed.

Dirirdhabe waa magaalada labaad ee ugu weyn Itoobiya, dawladdii dhexe ayaana wakhti ka dhigtay magaalooyinka aan maamulna raacsanayn ee toos u hoostaga dawladda dhexe, taasina waaa tan keentay in maamuladu isku qabsadaan cidda rasmi ahaan u yeelanaysa magaaladaan oo leh  muhiim dhaqaale oo dhinaca ganacsiga, waana goobta uu ku hakado tareenka ka yimaadda Jabuuti.  

Previous Post

Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Next Post

Roobka Sanaag: Dad ku haraad baxay iyo kuwa ku guryo beelay

Related Posts

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Next Post
Boqollaal kun oo qof oo ku barakacday dadaad ku rogamaday xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo

Roobka Sanaag: Dad ku haraad baxay iyo kuwa ku guryo beelay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo