Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Isbitaal cusub oo laga furay deegaanka Gawaan

Radio Ergo by Radio Ergo
May 11, 2019
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
DEGAANKA GERIJIR OO LAGA HIRGELIYEY XARRUN CAAFIMAAD

Keydka Sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)- Dadka ku nool deegaanka Gawaan iyo deegaano kale oo hoos yimaada degmada Hobyo ayaa markii ugu horeysay adeegyo caafimaad oo bilaash ah ka helaya Isbitaal laga hirgaliyay halkaasi dhawaan.

Bukaanadan ayaa markii hore safar dheer u gali jiray xarumo caafimaad oo ku yaala maagalada Gaalkacyo oo deegaanka Gawaan u jirta 230km, iyadoo uu dhaqaale badan kaga bixi jiray qaarkoodna inta la sii wado dhexda halis ay ku gali jireen.

Muddo saddex toddobaad ah oo uu isbitaalkan shaqaynayo waxa ay dadka deegaanadan kaga kaaftoomeen safarkii ay ku aadi jireen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Farxiyo Cali Rooble, waa hooyo haysata labo carruur ah waxa ay ka mid tahay dadka ka faa’iideysanaya adeegyada caafimaad ee bilaashka ah, kuwaa oo uu bixiyo isbitaalka.

Waxa ay wajahaysay dhibaato dhinaca dhalmada ah iyadoo muddo sadex sano gudahooda ah laba ilmood ay ka dilmeen.

Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in iyada oo xaalad halis ah ku jirta la keenay isbitaalka Gawaan and haddana xaaladeeda caafimaad lagu dabiibayo maalinkii labaad.

“Miyiga deegaanka Wisil ayaa la iga keenay anigoo dhiig baxaya, uur ayaan lahaa ilmihii iyaga oo dhintay ayay iga soobaxeen kadib dhiig ayaa hoos iga socday, wuuna joogsan waayay, aniga oo miyir la ayaa halkan la i keenay oo dhiig baxaya, waxaana la igu shubay 1,500ml oo dhiig ah maadama aan aad u dhiigbaxay, cirbado dhiig joojin ah na waan qaatay. Hadda xaaladayda caafimaad way soo hagaagaysa waana roonahay,” she said.

Dad la dagan miyiga ayaa u sheegay ehelada Farxiyo in adeega caafimaad ee ay u baahantahay gabadhooda ay ka hali karaan Isbitaalka Gawaan, xilli ay isku diyaarinayeen safar ay Gaalkacyo ugu qaadi lahaayeen gabadhooda.

Bartamihii sanadkii 2018, Farxiyo ayay sheegtay in ilmo ka dilmay looga soo xaaqay isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Waxay sheegtay in lacag dhan $975 ay kaga baxday safarkeedii iyo dawayntii ay u aaday magaalada Gaalkacyo sanadkii hore.

300 oo neef oo ari ah oo ay lahaayeen waxaa uga badbaaday 50 kadib markii ay abuur xun ku dhufatay deegaankii ay daganayd.

Intii u soo hartay ayay hadda ku dhaqanaysaa miyiga Gawaan, waxa ay xustay inkastoo roob aan badnayn uu ka da’ay halka ay daganyihiin xoolahooduna aysan waxtar badnayn xiligan.

Agaasimaha isbitaalka Gawaan, Cumar Maxamed Cilmi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in isbitaalka uu daboolay baahida caafimaad ee ka jirtay deegaanada hoostaga degmada  Hobyo.

Waxa uu xusay in hadda si joogta ah ay u shaqaynayaan qaybaha qaliinka, umulisada, bukaan-eegtada, iyo gargaarka deg dega ah, balse wali aysan si fiican u shaqayn qaybaha quudinta iyo bukaan jiifka.

Jaaliyada Galmudug ee ku nool qaarada Yurub ayuu sheegay in isbitaalka ay hirgaliyeen islamarkaan mushaarka shaqaalaha iyo adeegyada ku baxa iyagu ay bixiyaan.

“Maalintii 180 bukaan ayaa noo timaada sida maanta oo kale oo intaas aanu qaabilnay, basle maalmo ay ka yaraadaan tiradaas way jirtaa. Bukaanada ugu badan ee noo yimaada waa haweenka dhiig la’aantu ku dhacdo oo sababtaas darteed awoodi waaya in ay dhalaan, dhiig ku shubida dadka waxaan u marnaa shuruucda dhiig baarista ka hor intaanan ku shubin, ma haysano dhiig kaydiye balse qaabab kale ayaan ku helna sida in dad dhiig bixiyaal ah ay ku deeqaan ama dadka bukaanada ah eheladooda ayaa u shuba, waxaan daboolnay baahidii caafimaad ee loo aadi jiray Gaalkacyo, dagmada Hobyo iyo dhamaan inta hoostimaada xaruntan ayay ku tiirsan yihiin,” agaasimaha ayaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergo.

13 shaqaale ah iyo 3 dhaqtar ayaa isbitaalka deegaanka Gawaan ka howl gasha ku waasi oo mushaarkooda ay bixiyaan Jaaliyadda.

Naxwa Maxamed Cismaan, oo 29 jir ah waa hooyada qoys 5 qof ah.

Naxwa markii ugu horeysay ayay fursad u heshay in ay isbitaal ku dhasho.

Waxa ay sheegtay in sadexda ilmood ee kale ay ku dhashay miyiga deegaanka Gawaan ee gobolka mudug iyadoo markasta loo gayn jiray umuliso dhaqmeed maadama aysan awood u lahayn dhaqaalaha gadiidka gaynayn lahaa Gaalkacyo.

Saddex maalmood ayey ku foolanaysay miyiga taas oo kaliftay in markii danbe loo soo qaado Isbitaalka deegaanka Gawaan halkaas oo ay ku dhashay, dhiig ku shubidna loogu sameeyay.

Naxwa ayaa sheegtay in 500ml oo dhiig ah looga shubay qof ehelkeeda ah maadama ay dhaqatiirtu u sheegeen in si deg deg ah dhiig ay ugu baahantahay si ay awood ugu yeelato dhalmada.

“Markii dhiiga la igu shubay, waxaan awood u yeeshay in aan dhalo markii hore awoodaas malahayn, 6 saac gudahoos ayaan ku dhalay markii adeega caafimaad la ii sameeyay hadda aniga iyo wiilkayga waan caafimaad qabnaa, todoba maalin ayaan dhalanahay,” ayay tiri Naxwa.

“waxaana ka maray rafaad iyo dhiig bax ilaaheey ayaa ibad baadiyay, Balse qofkasta wuu garankara farqiga udhaxeeya in aad isbitaal ku dhasho iyo in aad meel cidlo ah kudhasho oo aad rafaad marto, Wax lacag ah maanan bixin sibilaash ah ayaa waxkasta naloogu qabtay,” ayay raacisay.

 

Previous Post

Jubbaland oo dadka ku dhiirigelinaysa cunista kalluunka

Next Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 12-May-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 12-May-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo