Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Imtixaanka dugsiyada sarre iyo dhexe oo ka bilowday Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
May 18, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, WARBIXINNO MAQAL AH, Waxbarashada
0
Dugsiyada waxbarashada Gaalkacyo oo dib u furmay

Photo: Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Imtixaanka dugsiyada sarre iyo dhexe ayaa si rasmi ah uga bilowday dhamaan deegaanada Puntland ka dib markii uu maanta daah furay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa goor hore shaacisay in imtixaanaadka kama dambaysta ah ee fasalka afraad ee dugsiga sarre iyo fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe ay gaareen dhamaan deegaanada loo qorsheeyay in lagu galo. Waa imtixaan midaysan oo ay iskuullada Puntland oo dhan galaan kaas oo ay Wasaaraddu soo wadday sagaalkii sano ee u la soo dhaafay.

“Waxaa maanta imtixaanka u fariisanaysa ku dhowaad 16,000 kun oo arday, wuxuuna ka dhacayaa boqol iyo lix xaruumood oo lixdan iyo afar ka mid ah ay yihiin dugsiga dhexe ama fasalka siddeedaad, afartan iyo labana ay yihiin fasalka afraad ee dugsiga sarre, dhammaan deegaannada Puntland oo dhan imtixaankaas waa uu taabanayaa”,  ayuu yiri Agaasimaha Imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Saahid Warsame.

Inta badan ardayda dugsiyada sarre ee deegaannada ayaa badankood imtixaanka ku gelaya goobo aan ahayn iskuuladoodii, dugsiyada dhexe qudhooda ayaa meelaha qaar sidaas ay ka jirtaa waxaana arrintaas ay badanaa wasaaraddu u samaysaa in ay isku misho ardayda iskuulada kala duwan.

Roobab xoog leh oo da’ay asbuucii la soo dhaafay ayaa saameeyay isku socodka deegaanada qaar, waxaana laga cabsi qabay in saamayn ay ku yeelato gaarsiinta deeganada qaarkood imtixaanka sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Agaasimaha Imtixaanaadka Wasaaradda.

“Ilaa hadda wax caqabad ah ma hayno, waxaan ka baqaynay roobabkii gu’ga ee da’ayay isbuucii la soo dhaafay oo togaga jaray, laamiyana gooyay. Wasaaradda waxbarashadu iyadoo kaalmaysanaysa Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga waa la dhaafiyay imtixaanka toggaagaas fatahayay”.

Ammaanka imtixaanka ayaa aad looga taxadaraa inta uu socdo, Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa khamiistii ku amartay gudoomiyaasha gobolada iyo kuwa degmooyinka imtixaanku ka dhacayo in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada si habsmi u socodka iyo ammaanka imtixaanka loo xaqiijiyo.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in ciidamo xoog leh ay ka qayb-qaadanayaan illaalinta imtixaanka ee sannadka., Sidoo kale tababaro ku aadan habka qaadista iyo illaalinta imtixaanka ah la siiyay macalimiinta iyo kormeerayaasha, Culimada diinta ayaa ka qayb qaatay tababaradaas oo baraarujin ku aadan ammaanada siiyay macalimiinta iyo kormeerayaasha.

Imtixaankan ayaa ku soo beegmaya xili ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya hakisay imtixaankii guud ee ka socday Koonfurta iyo Bartamaha dalka muddo saddex maalmood ah, kadib markii si hoose loo dusiyay maadooyinka la galay oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay joojin doonto internet-ka marka uu imtixaanku dib u bilawdo 27k bishan, laakiin imtixaanka ka bilwday deeganada Puntland wax saamayn ah kuma yeelan adeegsiga Internetka.

halkan ka dhagayso Warbixinta oo maqal ah.

https://radioergo.org/wp-content/uploads/2019/05/Imtixaanada-Puntland.mp3
Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 18-May-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 19-MAY-2019

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 19-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo