Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gabadha keliya ee Puntland uga shaqeysa injineernimo koronto

Radio Ergo by Radio Ergo
May 31, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Gabadha keliya ee Puntland uga shaqeysa injineernimo koronto

Siciido Xasan Aadan oo ka shaqaysa shirkada korontada ee NECSOM

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Inkasto oo ay jiraan rag injineero ah oo ku taqasusay xiriirinta korontada, cilad bixinta iyo weliba isu dheelitirka tamarta, ayaa haddana waxaa aad u yar kaalinta dumarka ay kaga jiraan shaqooyinka ku tacaluqa dhalinta tamarta guud ahaan Soomaaliya.

Siciido Xasan Aadan oo 26 jir ah waa gabadha keliya oo ah injineer koronto ee ka shaqaysa mid ka mid ah shirkadaha tamarta ee maamul goboleedka Puntland.

Waxay ka hawlgashaa qaybta dab dhalinta oo ku tiirsan ilayska cadceeda, tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo tan matoorada ee loo isticmaalo shidaalka ee shirkadda korontada NECSOM ee Garowe.

Shaqooyinka ay qabato waxaay u badan yihiin naqshadayn, qorshayn, hagid shaqadda farsamada iyo kormeerid.

Saciido ayaa xustay in xilligeedii waxbarashada dugsiga sare aysan marnaba ku jirin niyadeeda in ay u weecato dhinaca injineeriyada balse fursadda ah in ay noqoto injineer ay ku timid kadib marka ay aragtay in loo bahan yahay dad ka shaqeeyo qaybtaas.

“Shaqooyinka abuuran ee wadanka (ka jira) way yar yihiin. Sectorkan tamarta iyo korontadu waa qayb aad u koraysa (ee ka jirta wadanka). Markaa waxaa ii muuqatay in ay xoogaa dhici karto jaaniska ah in aan shaqo ku helaa kuliyadan,” ayay tiri Siciido oo ka qalinjebisay kuliyadda cilmiga injineeriyada korontada (electrical engineering).

Siciido waxay Raadioyow Ergo u sheegtay in ay caqabado kala kulanto bulshada xilliyada ay ku guda jirto qabashada howlaheeda injineernimo.

“Waxaa hadda ka hor igu dhacday inta aan meel soo galay, ayaa la igu yiri maxaa tahay, oo aan (aniguna ku) iri injineer baan ahay, korontaan ka shaqeeyaa.  Waxay igu yiraahdeen ‘maxaa adna fursadda isaga luminaysay, waalidkaana lacagta uga luminaysay. Gabar baad tahay’,” ayay tiri xilli ay wariyaha Raadioyow Ergo ugu sheekaynaysay caqabadaha ay la kunlantay.

Ka sokow shaqada ay hayso, Siciido waxay sidoo kale ku dadaashaa in ay ka miro dhaliso helitaanka injineero kale oo iyada mustaqbalka badelo.

Tan iyo horraantii sannadkan, Siciido waxay u ol’olaynaysay in la dhaqan-geliyo manhajka la yiraahdo STEM oo ah hannaan waxbarasho oo cusub oo sannadkii 2001 laga hirgeliyay Maraykanka.

Hanaankaan ayaa ah mid loogu talagalay in ardaydayda dugsiyada lagu ogaado sida ay ugu kala fiican yihiin sayniska, tiknoolajiyada, injineerinka iyo xisaabaadka, si loo helo dad hammi u haayo qaybahaas.

Ololehaan oo ay Siciido ku wehliyana saddex gabdhood ayaa lagu tagaa iskuulada, waxwayna halkaas ardayda ugu sharaxaan waxyaabo la xiriira maadooyinkooda hab ay u fahmi karaan.

“Sawiro baan qaadanaa, waxaanu tusnaa (ardaydayda) sawirrada xirfadaha dadku bartaan. Ilmihii qaar baa injineerinka u leexday, qaar baa Kombuterka u leexday, qaarna  mkacalinnimada ayaa doortaan,” ayay tiri iyada oo sharxaysa sida ay ardayda ugu dhiirageliyaan kala doorashada xirfadaha.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 30-May-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 31-MAY-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 31-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo