Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Burco: Qoys barakac ah oo rabo in dib loogu celsho deegaanadoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
May 26, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas ka soo barakacay gobollada koonfureed ee Soomaaliya oo saddex iyo tobankii sanadood ee ugu danbeeyey ku noolaa laba xero barakac ku yaal bariga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa maamulka Soomaaliland ka codsaday in dib loogu celiyo deeganadoodii.

Gudoomiyaha dadkaan barakacayaasha Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay in ay dhowr goor ay u tageen maamulka degmada iyo kan gobolka Togdheer si looga caawiyo in ay dib ugunoqdaan deegaanadoodii.

“Maamulka waxay na dheheen waxba idiinma qaban karno oo awood dhaqaale uma hayno, laakiin waan idinla dadaalaynaa” ayuu yiri Cabdillaahi.

Wuxuu sheegay in dadka xeryahaan ku jiraa ay maalitii raggu u shaqo tagaan muruq maal.

Maamulka degmada Burco ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay la kala hadlaan hay’adaha gargaarka dib u celinta dadkan, sidoo uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Xildhibaan Axmed Maxamed Cali oo ah gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshda ee dawlada Hoose.

“Dhowr goor ayey gudiyo noogu yimaadeen dadkaani iyagoo codsanaya in lagu caawiyo inay dib ugu noqdaan deeganadoodii. Dadkan in laceliyaa waa mihim. Niinna gurigiisa looma dhaamo, waayo halkaan culays bay kala tegayaan, iyaguna dhulkoodii iyo beerahoodii bay tegayaan,” ayuu yiri Axmed.

Soomaaliland uma aqoonsana dadka gobollada koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay in ay yihiin dad gudaha ku barakacay, taasoo keentay inaysan helin dadkaani xuquuqo ay ka mid yihiin dhul ay degaan.

Xeryahaan oo ku kala yaal xaafadda Hodan iyo Oktoobar ayaa waxaa ku nool 400 oo qoys oo dhammaantood ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya.

Bile Cabdi Xasan waa 80 jir, 2006dii ayuu ka soo barakacay degmada Waajid ee gobolka Bakool markaas ay dagaallo ka dhaceen.

Wiil uu dhalay oo agab yar yar oo tusbaxyo iyo cadaro ku iibsha suuqa Burco ayaa Bile ka caawiyo dhnaka masaarta.

Bile ayaa ku hanweyn in mar un uu u laabto deegaankii uu marki hore ka soo barakacay.

“Waxaanu hadda codsanaynaa in dib naloogu celiyo guryaheennii. Meeshaan waa ku dhibaataysanahay. Iyadoo hoyga nagu xun yahay, ayaa haddana maalin kasta naloogu yimaadda guryaha oo la dhahaa dhulka ka guura,” ayuu yiri Bile.

Xilligii uu imanayay Burco, waxaa Bile uga soo horeeyey qayb ka mid ah qoyskiisa, oo markii dambe dib ugu noqday degaankoodii saddex sano ka hor,,

Magaalada Burco helitaanka dhulku waa qaali, siduu sheegayo Cabdilaahi Cumar oo ah nin ka shaqeeya arrimaha kala iibinta dhulka.

“Dhulalka waa la dhisanaayaa weliba qaybaha ay deggan yihiin dadka Barkacayaasha ah. wuxuu dhulka qiimo ahaan marayaa ilaa $7000 doolar,” ayuu yiri Cabdilaahi.

Waxaana bishii Maarso laga raray 370 qoys oo ka mid ah dadkii ku soo cayrtoobay abaaraha gobolka dhulkii ay deganaayeen.

Qoysaskan ayaa degenaa dhul ay dad leeyihiin oo ay ka dhisteen cooshado iyo balbalooyin roobka iyo qoraxda aan midna wax badan ka tarin, Dawladuna aanay dhul dejin.

Xaliimo Maxamuud oo ah hooyo 45jir ah haysatana lix carruur ah waxay degentahay xerada Oktoobar.

Ninkeedu waxa uu ku shaqaystaa samaynta alaabta guryaha halka iyaduna ay xaafadaha magaalada dharka u maydho.

Hadda waxay raadinaysaa sidii ay dib ugu noqon lahayd, waayo ma awooddo dhaqaalaha uga baxaya gaadiidkay u raaci lahayd Bay, oo qofkii uu u baahan yahay lacag laba boqol oo doolar ah.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 26-MAY-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 27-MAY-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 27-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo