Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Beledweyne: Dadka danyarta ah iyo barakacayaasha oo ka fadaa’iidaystay ceelal soo maaxday

Radio Ergo by Radio Ergo
May 29, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Gudoomiyaha degmada Cadaado oo dadka uga digay godadka magalada laga dhex qodo xilliga roobka

Qaar kamid ah ceelasha afka banaan/ Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka danyarta ah iyo kuwa soo barakacay ee magaalada Beledweyne ayaa saddexdii toddobaad ee u dambeysay ka dhaansanaya ceelal yaryar oo muddo ay biyo-la’aan ahaayeen kaddib dib u soo maaxday.

Biyo-yari ayaa saddexdii sano ee u dambeysay magaalada dhacaysay mar kasta oo uu webigu guro.

Hal ceel oo keliya ayaa biyo lahaa intii uu webigu gurnaa, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Raadiyo Ergo.

Dadka awooda waxay biyo ka iibsan jireen booyado ka soo dhaamiya ceel riig ah oo ku yaalla deegaanka Ceelgaal oo u jira 15 km.

Fuustada biyaha ah ayaa waxay ku iibinayeen lacagta dhan $5.

Fartuun Xasan Maxamed oo barakac ku ah magaalada Beledweyne waxay ka mid tahay dad ay ku adkeyd in ay biyahaas qaaliga ah iibsadaan.

Waxay sheegtay in ay biyaha ka dawarsan jirtay qoysas la deris ah oo booyadaha ka shubanayay.

“Waxaa igu darneeyd in biyaha sugistooda an malin malin shaqadii aan ka daaho oo aan shaqo seego. Hadaan shaqo ukalahana biyahii ayaa i dhaafaya oo aan waynaya. Biyaha 3 liitir ama 4 liiter ayaan heli jiray maalintii kuwaa ayaana u yaryareyn jiray caruurtayda,” ayay tiri Fartuun.

Fartuun oo deggan xerada Buula-Yacquub waxaa nolosha qoyskeedu ku tiirsan yahay dhaqaale aan badneyn oo ay ka hesho dhar-dhaqis ay subax waliba ugu jarmaaddo xaafadaha magaalada.

  Waxay sheegtay in lacagta ay ka hesho shaqadaas aysan ka badneyn nolol maalmeedka qoyskeeda.

Seygeeda oo xamaali ka ahaa baabuurta khudaarta-rarta ee magaalada Beledweyne waxaa ku dhacay shaqo la’aan.

Qoyska Fartuun oo markii horeba la daalaa dhacayay nolol maalmeedka, hase yeeshee waxay saddexdii toddobaad ee u dambeysay dareemeysaa culeys ka haray maaddaama ceelashu ay sidoodii hore ku soo laabteen.

Iyada iyo qoysaska kale ee xerada deggan waxay biyaha ka cabaan tubbo ugu dhex taalla xerada oo laga soo jiido ceelasha shaqsiyaadku leeyihiin.

Qoyskii ba wuxuu baxshaa siddeed doolar bil walbo.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in markii uu webigu biyo-yareeyay ay dhanaan noqdeen biyaha ay tubbada uga keento ceelka.

Fartuun oo horay u ahayd xoolo-dhaqato waxay ka soo barakacday degmada Xudur ee gobolka Bakool markii abaar ay ka dhacday sannadkii 2011.

Prof Muuse Shaaciye waa qabiir dhanka biyaha ah, waxaa uu sheegay in looga baaqsan karo in biyaha ceelasha ay guraan in la qodo ceelal dhaadheer oo marka webigu qallalo sii hayn kara biyaha ay horey u haysteen.

Wuxuu sheegay in biyaha ceelasha ku hara haddii xitaa webigu biyo-yareeyo ay dhanaan noqonayaan dadkuna aanay cabi karin.

“Ceelasha waxay dhanaan noqon karaan haddii dhagaxa ay ku fadhiyaan uu yahay dhagax biyaha ku milmi kara oo dhagaxaasi leeyahay milix, markaasi ayay ceelasha biya dhanaan noqon karaan. Haddaanu laheyna marka biyuhu dhanaan ma noqonayaan. Ceelasha kuwa wabiyada Baledweyne ku agyaala way dhici kartaa sidaas oo kale in maaxdooda iyo tan wabiga ay aad sameyn isugu yeeshaan. Haddii wabiga, inta biyo laga waayo ceelka biyahii soo galayay way yaranayaan, taasina hadba waxay ku xeran tahay muda dheer markan roob la helin,” ayuu yiri.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka tacab

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 30-May-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 30-May-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo