Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Sidee ayay xilliyada adag ee jiilaalku saamayn ugu yeeshaan noolosha macaashlayaasha ariga qaliinka ee sayladaha Garowe?

Radio Ergo by Radio Ergo
April 23, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qiimaha xoolaha

Sawirrada kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qiimaha ariga imaanaya sayladaha magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal oo kor u kacay tan iyo bishii Maarso ayaa saamayn ku yeelanaya maaraynta nolosha qoysas badan oo laga masruufi jiray iibka ariga. In ka badan toban gacmood ayaa si joogta ah uga faaiidda iibinta neefka ariga ah ee loogu talagalay qaliinka.

Xaalad jilaal ah oo ka jirta miyiga deegaannada Puntland ayaa saamayn ku yeelatay noolosha dadka. Waxaa yaraaday xoolaha laga keeno dhulka miyiga ah ee gobollada Nugaal, Mudug iyo Sool waxaana loo sababaynayaa biyaha iyo daaqa oo yaraaday taa oo keentay inaan la helin ari sarrar wanaagsan oo iibsami kara.

Sayladda oo lagu kala iibsan jiray in ka badan 250 neef oo ari ah maalintii ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa maalintiiba la keenaayay ari qayaas ahaan ka yar 50 neef iyadoo qiimaha neefka ariga ah ee hilibka fiican leh uu gaaray saddex milyan oo shillin Soomaali ah halka markii hore uu ahaa labo milyan iyo afar boqol oo shillin Soomaali ah.

Waxaa sayladda ku tiirsan dad kala duwan sida dadka xoolaha leh ee miyiga deggan, baabuurta ariga soo qaada, Ilaaliyayaasha xeryaha daabaxa lagu hayo, dallaaliinta adhiga kala iibiya, macaashlayaal kale oo Garowe looga yaqaan faashle oo iibka neefka ka sii macaasha, kawaan-layaasha, shaqaale nadaafadeed oo shaqo ka hela markii neef la qalo, iibka harraga iyo dowladda oo laba jeer cashuurta neefkiiba.

Aamina Maxamuud Nuur waxay 10kii sanno ee u dambeeyay faashle ka ahayd sayladda Garoowe waxa ay dallaaliinta ka iibsataa xoolaha iyadoo ka sii iibisa kawaanlayaasha, neefka ariga ah ee ay sii iibiso waxa ay ka faa’iidi jirtay celcelis ahaan lacag dhan 50 ilaa 100 kun oo shillin Soomaali ah.

Aamina ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in isbedelka suuqa ku yimid ka hor ay maalinitiiba ka faaiidi jirtay ilaa lix neef balse saddexdii maalmood ee u dambeeyay aysan helin xoolo ay ka macaashto maadaama ay yaraadeen xoolihii suuqa la keeni jiray taas oo keentay in ay qaaliyoobaan.

“Markuu kor u kaco dhibaato badan baanu dareennaa, waayo xoolihii dadkaanu siin jirnay qayb baa naga tagta markay xoolihii waayaan, anigii laftigaygu waan waayaa neefkii aanu wax ka dayan jiray, adigu xoolihii is deberayay ee aanu waxna soo qaadanaynay waxna naga baxayeen ma helno, wakhtiga ayaa keenay xoolihii baa yaraaday,” ayay tiri.

Waxa ay dhashay toddobo carruur ah oo lix ka tirsan ay dhigtaan iskool iyo dugsi Quraan.

Carruurta ayaa  mid kiiba waxay ka bixisaa lacag dhan 20 doolar oo u dhiganta lix boqol oo shilinka Soomaaliga ah, sidoo kale waxa ay kabtaa nolosha qoyskeeda iyo tan waalidkeed.

Jaamac Axmed Xarreed oo 11 sano dallaal ka ah sayladda Garowe ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in si adag lagu helayo lacagtii lagu kala iibsaday neefka, maaddama aysan mararka qaar sararta neefku bixin karin qiimahii lagu soo gaday sababtuna ay tahay neefka oo aanan lahayn hilib fiican oo gadmaya

“Noolosha dadka waa iska fiicnaan lahayd haddii wax la helaayo oo wixii qofka laga gadto ay soo baxayaan, dhaqalihii baan dadkii wada haysan. Deyn bay wax walbo noqdaan. Dayntaasna waxaa ku dhib qaba qofkii neefka laga soo iibiyay wax buu u baahan yahay, kii qaatay ee suuqii ka gatayna naf baa u geysay, isagiina wax baa laga waayay oo wax buu soo saari waayay,” ayuu yiri.

Previous Post

Wasiirka Bay’ada ee Koonfur-Galbeed oo sheegay in deegaannada maamulkaas uu si aad ah uga jiro xaalufka dhirta

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 23-APR-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 23-APR-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo