Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Carruur reer miyi ah oo geed hoostiisa wax burata

Radio Ergo by Radio Ergo
April 24, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
1
Carruur reer miyi ah oo geed hoostiisa wax burata

A teacher attending children learning

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saynab Faarax Maxamed oo 11 jir ah waxay ka faa’iidaysanaysaa waxbarasho si tabaruc ah looga furay deegaanka Jiingadda oo 30km u jirta magaalada Xingaloolee gobolka Sanaag horraantii bishii hore. iyada iyo 49 arday oo 30 gabdho yihiin oo kasoo jeeda dadka ay xoolohoodii abaaruhu dhaafiyeen ayaa dhigta dugsigan oo geed hoostiis wax lagu barto.

Ardeyda oo la baro maadooyinka Soomaaliga, xisaabta, sayniska iyo cilmiga bulshada waxay iskuulka dhigtaan shan saac iyagoo sida iskuullada kale dhigta shan maalmood todobaadkii.

“Waa markii iigu horaysay oo aan wax barto, geed hoostii ayaan wax ku dhigtaa” ayay tiri Saynab, “Waxaan marayaa bilowga, waxaan rabaa in ilaa jamaacad gaadho kadibna aan noqdo dhakhtarad dadka daweeya, oo dhakhtar furto, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, geed hoostii ayaan ku dhigta waxaan jeclaan laha in guri nalo dhiso, sida magaalooyinka kale oo kale.”

Dugsigan waxa furitaankiisa iska kaashaday dadka deegaanka oo doonayay inay waxbarasho u helaan carruurtooda markii xoolohoodii abaarihii is xigxigay ee dalka ay dhaafiyeen iyo maamulka waxabarashada ee magaalada Xingalool, waxaa carruurta hadda dhigata ay u tahay shaqo maaddaama markii hore ay xoolaha ku mashquuli jireen.

Guddoomiyaha waxbarashada ee magaalada Xingalool Macallin Mursal Siciid Cali ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dadka deegaankan aysan hore u helin fursad waxbarasho oo asaasi ah tanina ay ku kalliftay baahida waxbarasho ee ka jirtay deegaanka.

“Waxbarashadu dadka xooluhu ka dhaamdeen waxay u noqonaysaa wax wax tararaya, hadda waa billow asaas ah, dowladdana waan la hadlalnay, dadka dhulkan inta badan ma helaan waxbarasho, waxaan ugu baaqeynaa cidkasta in ugu yaraan labo fasal ay helaan dadkan geedka hoostiisa ku jiraa”.

Mursal iyo koox macallimiin ah ayaa dugsiga ku caawiyey sabbuurad, buugaag ardayda wax looga dhigo iyo labo macallin oo si tabaruc ah tuulada wax uga dhigaya.

Barayaasha ardaydan mutadawac-nimada wax ku bara waxaa kamid ah Maxamuud Jaamac oo Raadiyaha Ergo u sheegey in geedka hoostiisa ay caqabado ku haystaan arayda kuwaas oo ay kamid tahay cidhiidhiga geedka, qorraxda, dabeysha iyo roobka oo ay bannaan yaal u yihiin.

“Ardayda waxay isugu jiraan waaweyn iyo yaryar, wixiiba geedka hoostiisa ayay wax ku dhigtaan, ardayda waxa kaloo naga haysta casharadii oo isku qalmadaya oo ciyaalku casharka qofka weyn loo dhigay ayay akhrinayaan oo casharadii ayaan u kala sixi la’nahay”.

Maxamuud wuxuu tilmaamay in gabdhaha oo ah kuwa ugu badan ay haystaan dhibaatooyin ka badan kuwa haysta wiilasha. Wuxuu xusay inay jiraan arday ay u waayeen meel ay geedka ka fadhiisiyaan oo iska noqday kuwaas oo tiro ahaan gaadhaya ilaa 20 carruur ah. Wuxuu intaa ku daray in waaliddiinta wata hal iyo labo carruur ah ay u sheegaan in ay midl keensadaan iskuulka maaddaama aan loo hayn meel ay wax ku bartaan.

Ardayda dugsigan dhigata qaarkood ayaa miyiga kasoo jarmaada subaxdii galabtiina u carraaba sida uu sheegey Macallin Maxmauud.

Kaltuun Daahir Cali oo ay saddex carruur ah u dhigtaan iskuulkan kana mid ah qoysaska ay abaaruhu dhaafiyeen xoolaha, waxay ku faraxsan tahay fursaddan waxbarasho oo ah abid tii ugu horraysay ee uu ubadkeedu helo.

“Ilma wax bartay waa ilma iftiin ku jira, waxaan rabaa in carruurtayda iyo kuwa duniduba wax bartaan si ay isu anfacaan annana noo anfacaaan, geed hoostiisa waxbarashadiisu waa adag tahay, waxa aan ugu barnaa ubadka waa aad ku meel gaadheen, waxaan codsanaynaa in hoy’ wax lagu dhigto iyo biyo caruurta loo helo iyo suuliyo, wixii iskuul la haan jiray malaha meeshani.’’

Kaltuun waxay magaalada soo degtay sanadkii hore markaa oo 100 neef oo ari ah abaarta ku ay waysay. Hadda nolosha qoyskeedu waxay ku tiirsan tahay $70 oo dad ay qaraabo yihiin ay u soo diraan, waxa ay sheegtay in waxbarashadan ka hor ay carruurta guriga isaga joogi jireen balse haatan ay rajaynayso mustaqbal wanaagsan maaddaama ay carruurtu waxbarasho aadaan.

Deegaanka Jiingadda oo dhaca meel Qoor ah ama halka ay iska galaan dhulka soolka ah iyo dhulka banaan ah, muddo shan sano ah roobab kama di’in waxaana haatan ku nool 350 qoys oo ah kuwa ay saameeyeen abaarihii kala dambeeyay ee gobolka, balse furitaanka iskuulkan ayaa ubadkooda u noqonaya mid u xaadhaya mustaqbalka waxbarasho inkastoo aysan haysan tasiilaadkii waxbarasho oo ay geed hoostiisa hadhsadaan.

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 23-APR-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARABACA 24-APR-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARABACA 24-APR-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo