Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

45 carruur ah oo nafaqo darri loo seexshay isbitaalka Banaadir

Radio Ergo by Radio Ergo
April 4, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
45 carruur ah oo nafaqo darri loo seexshay isbitaalka Banaadir

Mid ka mid ah carruurta nafaqo-darradu hayso ee lagu dawaynayo isbitaalka Benaadir ee magaalada Muqdisho/ sawir: Maxamed Cabdi/ Raadiyo Ergo/

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afartan iyo shan caruur ah oo ay da’dooda ka yar tahay shan sano ayaa tobankii cisho ee u dambeeyay la seexiyay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dr Aweys Colow Xasan oo ah madaxa qeybta lagu baxnaaniyo carruurta ay nafaqo-darrada hayso ayaa sheegay in ay u weheliyaan cudurro ay ku jiraan jadeeco iyo shuban-biyood.

Carruurta oo dhaqtarka uu noo sheegay inay hayso nooca daran ee nafaqo-darrada waxaa laga keenay xeryo lagu barakacay oo ku yaalla degmooyinka Dayniile, Dharkanley iyo Wadajir.

Dr. Aweys ayaa aaminsan inay xeryahaas ka jirto xaalad cunto-yari, taas oo qeyb ka ah sababaha nafaqo-darrada.

“Runtii Nafaqa darida noola keeno waa nuuca daran ee u baahan in cisbital la seexiyo,mahan kuwa xarumaha caafimaad la geynayay oo guryahooda loo diraayay ama nafaqa darida nuuca dhexe qaba,kuwaan daran anaga waxyaabo kala duwan ayaan u sameynaa oo tira badan si cafaimaadkooda sare loogu qaado,” ayuu yiri Dr. Aweys, isagoo intaa raaciyay “Hadii ay ahaan laheyd in caano la siiyo kadibna ilaa ay gaaraan in buskut la siiyo,oo aan fasaxso kadibna xarumaha kale ee caafimaadka aan u gudbino,marka laga soo tago xaga quudinta ,marka laga tago quudinta ilmaha nafaqadarida qaba waxa ay u nugul yihiin inuu ku dhaco xanuunka neef mareenka iyo wixii lamid ah,marka waxa ay u baahnaanayaan dawooyin kale oo ka baxsan quudinta,dawooyinkasna waan siinaa,maadama cisbitaalka uu yahay mid wax walbo laga heli karo.”

Carruurtaas oo aan ku booqday isbitaalka ayaa qaarkood waxaa ka muuqday barar saa’id ah, halka qaar kalena ay aad caato u ahaayeen. Qaarna waxaa sanka ugu xirnaa tubbooyin lagu quudiyo.

Waalidiinta carruurtooda la seexiyay isbitaalka waxaa ka mid ah Canab Aadan Nuur oo ku nool kaam ku yaalla deegaanka Weydow ee degmada Dayniile. Waxaa ka xanuunsan gabar shan bil jirta iyo wiil saddex sano jir ah. Waxay isbitaalka keentay 22-kii bishii hore.

Wiilkeeda yar oo dhamaan jirka ka bararay nafaqo-darrida awgeed ayay ii sheegtay in eeddadiis ay heysatay muddo labo bilood ah oo ay iyadu safar ugu maqneyd deegaanka Goofgaduud ee gobolka Bay oo uu ninkeeda ku xanuunsan yahay.

Waxay xustay in markii dambe loo soo sheegay in wiilkeeda uu xanuunsan yahay, isla markaana uu liito, taas oo keentay inay degdeg u soo noqoto si ay isbitaalka u keento.

Canab ayaa tilmaantay in sidoo kale gabadheeda yarta ah ay iyadoo shubmeysa ay horay u kaxeysatay markii ay safreysay. Waxay intaa ku dartay in xaaladda carruurta ay soo roonaaneyso, dawooyin la siiyay iyo nafaqo-celin bilaash ah oo loo sameeyay kaddib.

“Wiilka isaga waa bararsan yahay nafaqa la,aan ,sadex isbuuc waa xanuunsanaa aniga majoogin,gabdhaana iga xanuunsaneyd oo shuban iga dhacay,eedadiisa ayaan uga tagay oo aabihiis la dhalatay,asigoo saan ah ayaan u imid ,cisbitaalka hadan kaso baxay xogaa ayaan jogay MCH ayaan joogay. Waxaa la idhahay inta canuga uu sidaan noqonaayo xagee jirtay,ana waxaan dhahay eedadiisa heysay,ana gabaraa iga xanuunsaneyd,wiilka saasuu iga noqday eedadiisa heysatay,gabdhana shuban iyo matag ayaa iga dhacay indhaheeda ma fiicneen markaa keenayay,” ayey tiri Canab.

Hooyadaan ayaa labo sano ka hor ka timid deegaanka Goofgaduud. Waxay aheyd beeraley sanado aan wax beeran roob-yari darteed. Hadda nolosha reerkeeda waxay ka maareysaa miis yar oo ay khudaar ku iibiso maaddaama seygeeda uu sanad ku dhow hayo xanuun gacan iyo lug ka naafeeyay.

Waalidiinta caruurtooda kula jira Isbitaal Banaadir gaar ahaan kuwa ay haleeshay nafaqo-darrida ayaa ah dhamaan dadkii kasoo barakacay abaaraha iyo colaadaha ka jira goballada dalka.

Dr Aweys oo sidoo kale ah dhaqtar ku takhasusay caafimaadka carruurta ayaa sheegay in waalidiinta ay siiyaan talooyin ku aaddan sidii carruurtooda ay uga badbaadin lahaayeen in nafaqo-darri ay ku dhacdo.

“Talooyinka ugu muhiimsan aan siino waa in cunooyin la siiyo,inkastoo mararka qaar caqabad ay kugu noqoneyso hadii qoyska aysan heli Karin cunno markaas oo kale culeyskeeda ayey leedahay ,wixii qofka markaas uu heli karo ayaan weydiinaa. Waxaa laga fikiraayaa cunada ugu wanaagsan ee la dhihi karo nafaqa darida waa looga hortagi karaa iyadoo loo fiirinaayo waxa ay heystaan oo suuragal ah oo ay heli karaan,” ayuu ku taliyay Dr. Aweys.

Isbitaal Banaadir oo ay maamusho wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa caafimaadka carruurta ka taageerta hay’adda arrimaha bani’aadannimada ka shaqeysa ee Concern Worldwide, taas oo fadhigeedu uu yahay dalka Ireland.

Previous Post

Nugaal: Odoyaasha deegaanka Yoombays oo ganaaxay dad dhir jaris ka waday deegaanka

Next Post

IDAACADA MAANTA KHAMIIS-04 April-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADA MAANTA KHAMIIS-04 April-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo