Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dumar ku ganacsan jiray hareeraha jidadka oo loo dhisay suuq cusub

Radio Ergo by Radio Ergo
March 6, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dumar ku ganacsan jiray hareeraha jidadka oo loo dhisay suuq cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol haween ganacsatada yaryar oo ku ganacsan jiray hareeraha waddooyinka deeganada Xarfo iyo Dan-garanyo ayaa lagu wareejiyey goobo ganacsi.

Haweenkan oo markii hore ahaa kuwa ku ganacsan jiray hareeraha wadada ayaa lagu wareejiyey suuq ka samaysan alwaax iyo jiingado la isku dhisay kuwaas oo har fiican iyo meel ay ku nastaan kuna ganacsadaan leh.

Labada suuq oo laga kala  hirgaliyey deegaanka Xarfo oo 70KM u jira magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo deegaanka Dan-goranyo oo 110Km u jirto caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka faa’ideeystay 60 haween oo kusugan Dan-goranyo iyo 40 kudhaqan degmada Xarfo.

Ganacsadataan ayaa dhib badan kuqabay inta ay kuganacsan jireen hareeraha jidadka iyagoo dhibaatooyin joogta ah kala kulmi jiray mehrada ay hor fadhiisan jireen .

Xamdi Cabdirisaaq Axmed oo deggan degmada Xarfo oo ka mid ah haweenka la siiyey goob ay ku ganacsadaan ayaa sheegtay in hadda ay heshay meel fiican oo ay ku ganacsato aysan hadda wixi ka dambeeya ka walwali doonin meel ay ku iibsato mehradeeda , iyadoo xustay in awal ay aheyd garab ku guur  maaddaama maalinba meel ay ku ganacsani jirtay.

“Waxaan gadaa hilibka, mehradii aan horfadhiistaba waxay i dhihi jireen  naga guur oo dhiigaada nala dhaaf, lakiin alxamdulillaah hadda meel laba mitir ah oo aan leeyahay baan heystaan,’’ sidaasi waxaa tiri Xamdi oo ah hooyada sagaal carruur ah.

Ganacsatdaan ayaa hadda sheegay in isbeddel weyn ay kadareemin mehradahooda inta la hirgaliyey labadani suuq , iyagoo tibaaxay in awal hore wax badan  ka sameeni jirin.

”Awal waxaan heli jiray 10,000Sosh maalintii balse hadda waxaan helaa 50,000Sosh sida aan suuqaan ugu soo guuray. Dadka deeganka oo idil inta ayey u suuq yimaadaan,” ayay tiri Xamdi.

Sido kale dadka mashruucani ka faa’iiday waxaa kamid ah Haween markii hore ku gancsani mehrado kira ah oo markii dambe ku adkaatay in ay bixiyaan lacagta ah bil walba.

Haweenkaasi waxaa kamid ah Idil Ciise oo goob ay ku ganacsan jirtay ay iyada iyo haweenay  kale bixin jireen $60, taasoo mararka qaar oo ay awoodi waayaan kirada laga xiran jiray goobta ay ku ganacsadaan.

”kirada dhib badan kuqabnay lakiin hadda lacagta kirada kubixin jiray dana kale kuqabsan karaa,’’ sidaasi waxaa tiri Idil Ciise oo joogta degganka Dangoronyo.

Suuqyadaan oo hirgalintooda ay ku baxday lacag gaareysa $37,000 ayaa waxaa dhisay Ururka Horumarinta ee Samo oo maxalli ah, kaas oo kaashanayay hay’adda Diakonia ee fadhigeeda yahay dalka Sweden, taas oo iyadana ka shaqeysa barnaamijiyada horumarinta.

Warbaahinta Ergo ayaa xirriir la sameesay hay’adda Dikonia si wax badan uga ogaato mashruucani balse hay’adda ayaa kasoo jawaabin qoraallada Ergo.

Abdulkadir Mohamed oo ah madaxa Hay’adda mashruucaan fulisay ee Samo ayaa sheegay in haweenka la guddoonsiiyay goobaha ganacsi lagu soo xushay sida ay kula darnaayeen dhinacyada dhaqaalaha iyo dayac ka haystay suuq la’aanta.

Mashruucaan ayay hay’adda uga gol leedahay in kor loo qaado ganacsiga haweenka danyarta ah isagoo sido kale la filaayo in uu kor u qaado dhaqliga mammulada deegganadsi oo ay canshuur ka helaan.

Labada suuq oo ah kuwii ugu horeeyey ay yeeshaan labada deegaan ayaa shacabka degmooyinka Xarfo iyo Dangoronyo u fududeeyay in ay helaan meelo ay u suuq tagaan.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA-MAR-6-2019

Next Post

IDAACADA MAANTA JIMCE-08-MARCH-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

IDAACADA MAANTA JIMCE-08-MARCH-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo