Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Galmudug: In ka badan labo kun oo xarumo ganacsi oo la diiwaan geliyay

Radio Ergo by Radio Ergo
January 14, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
NIYADSAMIDA MUQDISHO IYO CAWEYSKA HABEENKII

Photo| Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo kun iyo siddeed boqol oo xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamarreeb iyo Guriceel ayaa la diiwaan geliyay labadii bilood ee u dambeeyay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha wasaarradda Maaliyadda ee maamulka Galmudug Cumar Xasan Xaaji.

Wuxuu tilmaamay in ujeeddadu tahay sidii loo heli lahaa hannaan wanaagsan oo qaadista canshuuraha ee dhanka maamulka ah.

“Labo iyo toban xubnood oo ka socda wasaaradda Maaliyadda ayaa magaalo kasta ka diwaan gelinaya, waxayna u diwaan gelinayaan hannaan ay macluumaadka ku kaydinayaan kaambiyuutar,” ayuu yiri Cumar.

Ganacsatada ayaa horay ugu eedeyn jiray maamulka in habka looga qaado canshuurta aysan ahayn mid cad.

Cali Mahad Cabdi Xasan ganacsade ku nool magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in habkaan diwaan gelinta loogu sheegay in uu yahay hannaan ay wasaaraddu kula soconayso canshuuraha ganacsatada laga qaado iyo halka ay ku baxayso.

Wuxuu sheegay in ganacsatadu ay rabaan inay ogaadaan in loo caddeeyo qofka ganacsadaha ah waxa canshuur ahaan looga qaadayo iyadoo loo eegayo awoodda ganacsigiisa.

“Anniga waxaa la ii sheegay inaan sanadkii bixiyo $150 oo canshuur sanadeed ah, aniga taas ma diiddani, laakiin maxaa lagu bixinayaa weeye su’ashayda,” ay uu yiri.

Cali wuxuu ka ganacsadaa raashinka maalinlaha loo isticmaalo oo uu ka keeno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wuxuu xusay in dukaankiisa la diiwaan geliyay labo toddobaad ka hor.

Dhaqaalaha canshuurta ku baxaya ayuu sheegay Cumar Xasan in maamulku uu u adeegsanayo ammaanka, aysanna waqtigaan awood u lahayn inay ku kabana kaabeyaasha kale ee ay bulshadu u baahan tahay.

Wuxuu sheegay in goobaha ganacsiga laga qaadayo lacag u dhexeysa $5 ilaa $50 oo canshuur ah ayna qaadeyso wasaaradda maaliyadda ee maamulka Galmudug. Horay waxaa ganacsatada canshuurta uga qaadi jiray maamullada degmooyinka.

Cabdulaahi Macallin oo mehrad ku leh degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu diyaar la yahay canshuurta laakiin taas baddelkeeda uu filanayo ammaan, caafimaad, waxbarasho iyo waddooyinka oo loo hagaajiyo.

Diiwan gelinta ay sameynayso wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Galmudug waa tii ugu horreysay ee laga sameynayo magaalooyinka waaweyn ee maamulku ka taliyo, iyada oo goob ganacsi oo kasta laga qaadayo shan milyan oo shilin Soomaali ah oo diiwaan gelinta ah.

Previous Post

In kabadan labo kun oo xarumo ganacsi oo uu diiwaan geliyay maamulka Galmudug

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Reer-miyiga ay abaartu saamaysay oo sayladaha Galgaduud ka iibsanaya xoolo-dhaqaal ah

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo