Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Galgaduud: Jadeeco ka jirta Xananbuure iyadoo ay xirantay xaruntii caafimaadka deegaankaas

Radio Ergo by Radio Ergo
January 12, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Kow iyo toban carruur ah oo ay da’doodu u dhexeyso 4 jir illaa 10 jir ayay ku dhacday jadeeco labo toddobaad ka jirta deegaanka Xananbuure oo 55km dhanka waqooyi ka xiga degmada Dhuusamarreeb ee gobolka Galgaduud sida uu Raadiyo Ergo u sheegay dhaqtar Calinuur Cabdiqaadir oo ku sugan deegaanka.

Deegaanka ma laha xarun caafimaad, waxayna waaliddiinta ay carruurtooda ku daweeyaan biyo lagu kariyo geedka mareerka la yiraahdo, oo ay ku uumiyaan, uguna qubeeyaan, waxay sidoo kale isticmaalaan maro qoyan oo ay saaraan ilmaha si ay qandhaha uga jabiyaan.

Waalidiintaas daawo dhaqameedka isticmaalo waxaa ka mid ah Faadumo Xaashi Cabdi oo lix ka tirsan siddeed carruur ah oo ay dhashay oo muddo hal toddobaad ah ka xanuunsan kula tacaasho daawo dhaqameedkaas, maaddaama aysan awoodin inay caafimaad ahaan ugu qaaddo Dhuusamarreeb oo ah halka ugu dhow.

Waxay Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegtay in carruurteeda ay u maleynayso inay hayso jadeeco ayna ku aragtay calaamado ay ka mid yihiin nabro badan oo ka soo yaacay carruurta korkooda, qardho daran iyo afka oo gaduutay.

“Gaarigii ayaa caqabad kugu ah. Mir kaniini ah oo aad tuulada ka heleyso ma lahan. Haddana gaari yar marka la sii raaco kharashkii baan la heleynin, waxaa ka daran waddadii oo raf ah dhib badan ayaa jira. Inta isbitaalka naga xiran yahay tallaal ma aanan helin, hay’ad ma anan helin wax caawiso,”ayay tiri Faadumo

Calaamadaha ay noo sheegtay Faadumo oo aan weydiinnay dhakhtar Calinuur wuxuu noo xaqiijiyay inay calaamadahaas leedahay jadeecada oo hadda ka jirto deegaanka Xananbuure.

Deegaanka Xananbuure ma laha xarun caafimaad oo dadku ay ka heli karaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin, waxayna dadka intooda awoodda caafimaad u doontaan degmada Dhuusamarreeb. Gaadiidka loo raacayo Dhuusamrreeb ee lagu qaadayo qofka xanuunsada waxaa lagu kireystaa $50, taas oo ah lacag aysan awoodin inta badan dadka ku nool deegaanka oo u badan dad danyar ah.

Xananbuure waxaa ku nool qiyaasti 1,500 oo qoys, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha deegaanka Cali Xaashi Faarax. Waxaa sidoo kale deegaanka hoos taga 13 tuulo oo ay ku nool yihiin in ka badan 4 kun oo qoys.

Sababta dadka deegaanka ay adeeg caafimaad ugu doonanayaan Dhuusamarreeb ayaa ah in muddo 10 bilood ah ay xiran tahay xaruntii caafimaad ee keliya ee deegaanku lahaa, kaddib markii ay dhammaatay shaqadii hay’ad NGO ah oo la yiraahdo Swisso Kalmo ay ka haysay halkaas. Waxay hay’addu xarunta maamuleysay muddo labo sano ah sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Calinuur Cabdiqaadir oo ka mid ah dhakhaatiirta xarunta ka howlgali jiray oo hadda ku sugan deegaanka.

Dadka gaadiidka kireystay si kuwooda xanuunsan ay u geeyaan Dhuusamarreeb waxaa ka mid ah Madiino Xirsi Maalin. 30-kii bishii Diseemaer ee la soo dhaafay ayay wiil ay dhashay oo 4 sano jir ahaa ku qaadday gaari $50 looga kireeyay. Waxay Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegtay in saq dhexe oo habeenkii ah uu wiilkeeda ay ku soo boodeen shuban iyo matag ayna xilligaas u wayday gaari ay ku qaaddo oo ay ku geyso Dhuusomarreeb si daawo ay ugu hesho.

Toban saacadood ayuu shuban iyo matag waday wiilka yar ka hor inta uusan dhiman, waxaana dhaqtar Calinuur uu sheegay in qofka uu shubanku ku dhaco uu ku dhiman karo 6 saacadod gudahood haddii uusan helin adeeg caafimaad oo degdeg ah. Shubanka ayaa sidoo kale la arkay dabayaaqadii bishii la soo dhaafay. Dhaqtarkaayaa xusay in uu og yahay labo kiis oo shuban ah inay hadda deegaanka ka jiraan.

Madiino ayaa tilmaantay in muddo afar saacadood ah ay ku qaadatay inay hesho gaari. Laakiin marki ay gaartay Dhuusamrreeb ayay sheegtay in wiilkeedi uu ku dhintay albaabka hore ee laga galo isbitaal la yiraahdo Xannaano oo ku yaalla magaalada.

“Si weyn ayay noo saameysay sababtoo ah wax walba oo dhakhatiir looga baahan yahay oo deg deg ah lama helayo, ma heleysid cid wax kuu qabaneysa habeen dhoweyd waan cararay meel walba ayaan tagay wax waan soo waayay wax xitaa daawo i siiya, markii waagu baryay oo addinka hore ahayd ayaan dad kiciyay waa ay i caawiyeen oo gaarigii ayay ii keeneen,”ayay tiri Madiino.

Gaadiidka yaryarka ah ee la kireysto waxay Xananbuure iyo Dhuusamarreeb u kala socdaan muddo labo saacadood ah, waddada oo aan hagaagsaneyn iyo bacaad badan oo gaariga uusan sahal ku mari karin dartood.

Madiino waxay sheegtay inay baahi weyn u qabaan adeeg caafimaad inay ku helaan deegaankooda, iyada oo walaac ka qabto in haddii cudurro ay ka dillaacaan deegaanka ay dadku saameyn weyn ku yeelan karaan.

“Qofkii canug shuban uga soo boodo qofkii dhiig baxaya qofkii xanuun qabto waa baabuur raadi oo intaas oo waqti ay qaadaneyso magaalada oo kiilo mitir badan noo jirta oo waqti badan nagu qaadaneysa.”

Calinuur ayaa sheegay in ka hor inta aysan xarunta xirmin dadka deegaanka ay si bilaash ah ku heli jireen tallaal carruurta, dhalmada haweenka, baaritaanka iyo daweynta bukaannada xanuunno daran aysan haynin. Adeegyada ay xarunta bixin jirtay waxaa ka faa’iideysan jiray dhammaan dadka ku nool deegaanka Xananbuure iyo tuulooyinka u dhow.

Wuxuu xusay in bukaannada xaaladaha degdegga ah ku jiro iyo kuwa adeeg caafimaad oo dheeri ah oo aan laga heli karin xarunta u baahan ay ku qaadi jireen gaari ambalaas ah oo ay lahayd hay’adda, kaas oo u gudbin jiray isbitaalka Dhuusamarreeb, laakiin hadda xataa gaarigaas lagama helo deegaanka, oo hay’adda ayaa la guurtay.

“Isbitaalka xilligi aan joogay wuxuu ahaa mashquul dadkuna waxay ka imaan jireen tuulooyin badan, waxaa soo gaari jiray ilmo badan oo nafaqo la’aan ah, dad badan ayaa inoo imaan jiray maalinta uu ugu mashquul badan yahay 60 ilaa 70 qof ayaa inoo imaan jirtay maalinta ay ugu yar tahayna ilaa 20 qof ayaan qaabili jirnay,”ayuu yiri Cabdinuur

Muddada ay xiran tahay xarunta caafimaadka ee Xananbure waxaa adeeg caafimaad la’aan u geeriyootay 6 qof kuwaas oo 4 ka tirsan ay ahaayeen carruur u dhintay jadeeco, shuban biyood, gabar yar oo gudniin lagu sameeyay oo ay u dhiig baxday u dhimatay iyo haweeney u geeriyootay mallaariyo, sida uu noo xaqiijiyay dhaqtar Calinuur.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 12-JAN-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 13-JAN-2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 13-JAN-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo