Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ku barakacay dagaallo ka dhacay xadka Sh/dhexe iyo Hiiraan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 29, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

In ka badan 1,000 qoys oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jiro ayaa ku barakacay dagaal qabiil oo bartamihii bishan  ka dhacay deegaannada Galcad, Qoryaale iyo Xalfaley oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha degmada Ceelbaraf Cabdullaahi Xaaji Maxamuud. Qoysaskan oo 10-kii maalmood ee u dambeeyey soo gaaray degmada Ceelbaraf iyo tuulooyin ku dhow-dhow ayaa cunno yari iyo hoy xumo ay heysataa.

Maryan Caddow Maxamuud oo ah hooyada saddex carruur ah,  kan soo barakacday January 17 tuulada  Xalfooleey oo Ceelbaraf 55Km dhinaca waqooyi uga beegan, waxaa qoyskeeda ku adag in ay helaan wax ay cunaan, waxay dulsaar ku yihiin qoys ay ehel yihiin oo deggan tuulada Miirtuugo oo duleedka Ceelbaraf ku taalla.

Markii muddo afar maalmood oo is-xigta uu deegaankeeda dagaal ka socday ayey go’aansatay in ay la soo barakacdo carruurteeda. Waxay soo kireysteen gaari dameer ay lacagta ay ku soo kireysatay ay ka heshay markii ay iibisay shan ka tirsan 15 neef oo ari ah oo xoolo oo dhan uu qoysku ka lahaa.

“Wax yaroo ari 15 neef ayaan laheyn shan neef ayaan u iibiyay carruurta. Aabaha dhalay carruurta  safar waqooyi ayuu jiraa. Wax aan heysano malahan. Waxaan cuno ma heysano. Labo maalin iyo labo habeen ayaan soo soconay. Dad ayaan isla soconay oo gaaraya 400 ruux oo hadda ku sugan duleedka tuulada Miirtuugo. Qaraabada ayaan la degganahay,” ayey tiri Maryan.

Waxay hadda qoyskeedu helaan hal wakhti oo ay wax la cunaan qoyska ay ehelka yihiin ee ay ku soo dul-degeen. Waxay carruurteeda ku hoydaan aqal cooshad ka sameysan oo qoyska kale uu leeyahay, iyadana waxay seexataa bannaanka.

Dagaal qabiilka ka dhacay xadka labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kala qeybiya ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed iyo waro biyaha laga cabo oo labada qabiil ee diriray ay isku qabsadeen.

Dadka barakacay waxay ka soo tageen beerahoodii iyo qaar badan oo kamid ah oo xoolihii ay dhaqanayeen oo iyagoo ku maqan foof ka soo tagay markii ay dagaalladu xoogeysteen. Qoys kasta wuxuu go’aansaday in wixii uu awooda uu la soo baxsado.

Cabdullaahi Xaaji Maxamuud, guddoomiyaha degmada Ceelbaraf ee maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in dadka qaarba meel ay gaareen. Waxaa uu xusay in qoysaska soo gaaray Ceelbaraf iyo tuulooyinka hoostaga ay intooda badan ku soo kor-degeen ehelladooda.

Waxaa uu sheegay in ay abaabuleen qeybaha bulshada degmada si dadkan loogu gurmado, ayna rajeynayaan in maalmaha soo socda ay gurmad gaarsiiyaan qoysaskan.

“Tirada saxda aan ognahay waa 1,100. 500 qoys ayaa soo gaaray Ceelbaraf, Miirtuugo 400 oo qoys, 200 oo qoysna Caadleey. Dadku aad bay u dhibban yihiin. Wixii karaankeena ah ayaan sameyneynaa. Waa dad safar dheer soo galay oo rafaadka iyo dhibka uu ka muuqdo uu darran yahay”.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka soo barakacay ay u sheegeen in ay ku sugnaadaan deegaannada ay yimaadeen ilaa laga helayo xal nabadeed oo dagaal qabaa’ilka u dhexeeya laga gaarayo.

Cabdulle Jimcaale Calasoow oo 61 sano jir ah, qoyskiisuna uu ka kooban yahay 17 ruux, wuxuu ka soo barakacay tuulada Caadleey oo kamid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada Mahaddaay ee gobalka shabeelaha dhexe, markii dagaal uu ka dhacay 16-kii bishan.

“Labo habeen iyo hal maalin ayaan soo soconay duleedka Caadleey ayaan degnay. Ilmahii way shubmeen. Biyo la’aan ayaa jirta. Daawo malahan, cunto malahan. Dadka qaraabada meesha deggan ayaa waxyar noo keenay, laakiin dowlad ma heyno ama maamul wax nasoo gaarsiiyay,” ayuu yiri Cabdulle.

Cabdule ayaa intaas ku daray in ay ahaayeen dad reer guuraa ah oo hadba biyo baad u raadsado meelaha ay daaq ka heli karaan, colaadna aysan fiicneyn oo nabadfa ay dadka iyo duunyadaba u fiican tahay.

Waxaa dhanka kale jira in degmada Jalalaqsi iyo degaanno ka tirsan ee gobolka Hiiraan ay dad tiradooda aan la xaqiijin ku barakaceen, sida aan wararka ku heyno.

Maamulka degmada Jalalaqsi oo aan isku daynay in aan la xiriirno ayeysan noo suurtagalin inaan helno khadka telfoonka oo xumaaday  awgeed.

Inkastoo hadda uusan wax dagaal ah socon haddana waxaa jira waan-waan iyo dadaal nabadeed oo la rabo in looga baaqsado in dagaal dambe uu dhaco, kaasoo ay wadaan maamulada labada gobol ee Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka.

Heshiis xabbad-joojin ah ayaa la dhex-dhigay labada dhinac ee dagaallamay, waxaana qorshuhu yahay in heshiis rasmi ah colaadda laga gaaro maalmaha soo socda.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, ISNIIN 28-JAN-2019

Next Post

Amal – Sheeko Taxane ah

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Amal – Sheeko Taxane ah

Amal - Sheeko Taxane ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-APR-2026

IDAACADDA 20-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo