Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xafiisyo qaab maxkamadeed oo kale uga shaqeeyo qabashada dacwadaha madaniga ah

Radio Ergo by Radio Ergo
December 21, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
HABACSANAANTA GARSOORKA SOOMAALIYA

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

ERGO – Lix magaalo oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa ka shaqeeya xafiisyo qaabilsan wax ka qabashada kiisaska dacwadaha madaniga ah iyo xallinta khilaafaadka bulshada dhexmara, waxaana xafiisyada ka howlgala kooxo odayaal dhaqameed ah oo xalliya arrimahan.

Wasaaradda caddaaladda Puntland, oo taageero dhinaca dhaqaalaha ka heleysa ururka horumarinta sharciyada caalamiga ah ee IDLO ayaa lixdii bilood ee u dambeysay  xafiisyadan ka hirgelisay magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo, Badhan, Boosaaso, Buuhoodle iyo Dhahar.

Ujeeddada loo sameeyey ayaa ah in culeyska qaadista kiisaska madaniga laga wareejiyo maxkamadaha iyo in garsoor xeer-beegti dhaqanka la hirgeliyo si odayaasha ay qeyb uga noqdaan.

Maxamed Bashiir oo ah u qeybsanaha wasaaradda ee dabagalka iyo howlgelinta xafiisyadan, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay qabtaan kiisaska dhaawacyada fud-fudud ee dadku isu geystaan, muranka dhulalka, arrimaha qoyska sida dhaxalka iyo furriinka

“Xafiisyadan kiis walba ma galaan, kiisas aysan gelin baa jira sida kufsiga, kiisaska dambiyada culus iyo kiis walba oo xukun ciqaabeed u baahan,” ayuu yiri.

Marka ay dadku arrin isku qabtaan, halkii ay maxkamad ka aadi lahaayeen si ay xal uga gaaraan murankooda waxay tagaan xafiisyada. Magaalo kasta xafiiska ka furan waxaa ka shaqeeya 12 qof oo ka kooban siddeed oday oo garta qaada, qofka mas’uulka guud ah, xogheyn diiwaangeliya xogta howl-maalmeelka xafiiska iyo labo qof oo culimaa u diin ah oo wixii shareecada Islaamka ku saabsan go’aamiya.

Cabdirisaaq Axmed Aadan oo kamid ah dadka deggan Buuhoodle ayaa bartamihii bishii hore xafiiska odayaasha Buuhoodle geeyey dacwad madani ah oo la xiriirta dhul ah ay isku qabteen isaga iyo nin ay deris yihiin.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ninku dhulkiisa ilaa 10 mitir uu ku soo durkay.

“Dacwad caadi ah baa naloo qaaday. Waxaan sheegtay inuu igu heysto dhul anigu aan leeyahay. Kaddib markaan cadeymihii iyo markhaatiyadii keenay waan helay dhulkeygii, isagiina waa aqbalay”, ayuu yiri Cabdirisaaq.

Marka la eego dhaqanka Soomaalida, waxaa muddo dheer soo jirtay in odayaasha ay xallinta khilaafaadka bulshada ku goyn jireen in ay fariistaan geedaha hoostooda.

Nabadoon Siciid Faarax Xirsi oo ka tirsan odayaasha dhaqanka Puntland ee caanka ku ah garsoorka dhaqanka oo ka howlgal xafiiska degmada Badhan ee gobolka Sanaa oo la furay bishii September, ayaa sheegay in habkan cusub ay dadku ku kalsoon yihiin.

“Kalsooni ayaa laga qaadaa labada dhinac oo laga saxiixo in wixii lagu garnaqo oggol yihiin. Marka laga saxiixo mid walba waxaa la dhahaa ehelkaaga soo kaxeyso si ay goobjoog uga noqdaan wixii la go’aamiyo. Sida ay caddaaladdu tahay ayaa loogu garnaqaa,” ayuu yiri Nabadoon Siciid.

Wuxuu tilmaamay in garta xafiiska lagu qaado ay wax badan ka wanaagsan tahay tii hore ee geedaha hoostooda lagu goyn jiray oo uu xusay in xaalado adag lagu shaqeyn jiray sida boorka, dabeysha, iyo gogol lagu fariisto oo aysan lahaan jirin.

Dad badan ayaa habkan cusub door-bidayo sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in kiisaska wakhti hore lagu kala baxo, halka marka dacwadaha maxkamad la geeyo ay muddo qaadato in go’aan laga gaaro, sida uu qabo Cali Maxamed Cabdi oo Buuhoodle ku nool, kaasoo kiis dhinaca xoolaha oo qof kale ay isku heysteen oo uu maxkamadda magaalada geeyey bishii July ay ku qaadato in go’aan laga gaaro muddo 10 maalmood ah.

Waxaa uu xusay in kiis kale oo khilaaf ganacsi ah oo uu xafiiska odayaasha ee Buuhoodle geeyey bil ka hor lagu xalliyey labo cisho oo keliya.

Xafiiska odayaasha ee Badhan ayaa ah kan ugu badan ee qabtay dacwadaha madaniga ah, wuxuuna tan iyo markii la furay qaadday 45 kiis, sida maamulka xafiiska noo sheegeen.

Odayaasha xafiisyada ka shaqeeya ayaa la siiyaa tababarro ku saabsan noocyada kiisaska aysan qaadi karin, waxaana tababarradaas bixiso wasaaradda cadaaladda Puntland.

Previous Post

Qaxootiga Dhadhaab oo la siiyey gaaska cuntada lagu karsado

Next Post

Dad u geeriyooday cudurka shuban biyoodka oo ka dillaacay Baraawe

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
Next Post
Shuban-biyood ku faafaya baydhabo iyo tuulooyinka u dhow

Dad u geeriyooday cudurka shuban biyoodka oo ka dillaacay Baraawe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 01-MAY-2026

IDAACADDA 01-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 01-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo