Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Haween ka faa’iideytay lacago la siiyay oo ganacsiyo ay ku furteen

Radio Ergo by Radio Ergo
December 10, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Somalia latest news today

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Salaad Fiidsay waa hooyokorsata toddoba carruur ah oo biilkooda iyo waxbarashadooda ay ka soo saartodhaqaalaha ay ka hesho dukaan yar oo ay ku iibiso raashin, dhar iyo bagaash.

Dukaanka waxay ku leedahay degmada Hobyo ee gobolka Mudug oo ay deggan tahay. Bishii Jannaayo ee sanadkii 2016 ayay $700 oo la siiyay ka furatay ganacsiga.

Faadumo waxay ka mid tahay 120 haween ah oo muddo saddex sano oo isku xigtay ka faa’iideystay barnaamij hormarineed oo fursado ganacsi loogu abuurayay haweenka dan yarta ah.

Lacago caddaan ah ayaa la siiyay haweenka si ay ganacsiyo ugu furtaan waxaana maal-gelisay dowladda Britain oo guddiga caalamiga ah ee samafalka ee magaciisa loo soo gaabiyo IRC u wakiilatay fulinta barnaamijkaas, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed Cumar Xasan oo ah madaxa mashaariicda hay’addaas ee gobolka Mudug.

Faadumo waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ganacsigaan yarka ah uu wax weyn ka baddelay nolosha qoyskeeda. Waxay sidoo kale mar mar caawisaa qoysas ay ehelo yihiin oo ay siiso wax ay cunaan.

Maalinti waxaa ka soo gala dukaanka 200 oo kun oo shilin Soomaali ah oo faa’iido ahaan ay u hesho. Lacagtaas ayayxustay in qaarna ay qoyska isticmaalaan, qaarna ay u keydiso si ay ugu dabbertowaxbarashada carruurta.

Saddex ka tirsan caruurteeda ayay marki ay billowday ganacsigaan gaysay dugsiga hoose Dhexe ee Hobyo, waxayna bil kasta ka dhiibtaa wadar ahaantoo $24, taas oo ka dhigan in midkiba ay ka bixiso $8. Ganacsigaan hortiis wax carruur ah waxbarasho maaddi ah uma dhigan jirin Faadumo, dhaqaale la’aan qoyska haysatay darteed.

Waa hooyo keligeed ayaa korsata carruurteeda, waxayna tilmaanta in seygeeda uu naafo yahay oo aanu shaqeyn karin.

Ka hor intaysan furan ganacsigaan lagu taageeray, Faadumo waxay salad ama dambiil ku wareejin jirtay ganacsi fudud, sida uunsi, kareen iyo waxyaabo kale. Celcelis ahaan maalinti oo dhan waxay ganacsigaas ka gheli jirtay 15,000 oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $0.5. waxaa ku adkeyd in qoyskeeda ay hal waqti helaan wax ay cunaan.

Hay’adda IRC ayaa bishii Nofembar ee sanadkaan sameysay qiimeyn lagu ogaaday in haween badan ay si fiican uga faa’iideysteen barnaamijkii lagu taageeray ayna haweenkii ka faa’iideystay gaareen isku filnaansho.

Mid kasta oo ka mid ah haweenka la taageeray ayaa labo jeer oo kala duwan la siiyay mind $300 iyo $400 qofkiiba. Haweenkaas ayaa isugu jira kuwo korsada carruur agoon ah, qaar raggooda aysan shaqeeyn oo iyaga taageera qoysaskooda iyo qaar abaarihi ka dhacay gobolka Mudug ku xoolo beelay.

Axmed Cumar Xasan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in Hobyo oo ah dhul xeebeed ay ku nool yihiin boqollaal dumar keligood korsada carruur aabbahood dhintay ama lagu furay, taasna ay tahay sababta lagu doortay haweenka dhaqaalaha lagu taageeray.

Barnaamijka lagu taageerayo haweenka ayaa qorshuhu yahay in la sii wado ilaa bartamaha sanadka dambe ee 2019 laga gaaro, waxaana la beegsanayaa in tirada la gaarsiiyo 200 oo haween ah.

Haweenka ganacsiyada loo sameeyay ayaa la siiyay tababar 15 maalmood ah ku saabsan habkii ay u ganacsan lahaayeen.

Previous Post

Baydhabo: Carruur iskuullada looga saaray beero falasho

Next Post

Kismaayo: Haween lagu sameeyay qalliin looga daweynayay isku-furan

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Kismaayo: Haween lagu sameeyay qalliin looga daweynayay isku-furan

Kismaayo: Haween lagu sameeyay qalliin looga daweynayay isku-furan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo