Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Haween lagu sameeyay qalliin looga daweynayay isku-furan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 13, 2018
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Haween lagu sameeyay qalliin looga daweynayay isku-furan

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Yurub Cali Xuseen oo ah hooyo 28 ah ayuu u muuqdaa inuu u furmayo bog cusub oo Mustaqbal wanaagsan ah, kaddib markii lagu sameeyay qalliin guuleystay oo looga daweynayay isku-furan ay la nooleyd 8 sano oo cimrigeeda ka mid ah.

Wuxuu isku-kuranku ku dhacay markii ay saacado dhowr ah foolaneysa ayna waysay dhakhtar ama umuliso khibrad leh oo caawisa. Tuuladii ay ku nooleyd ee Cabdalla-biroole oo ka tirsan magaalada Kismaayo ayay ku qabsatay dhibaatada.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in haweeney umuliso-dhaqameed ah oo la joogtay ay ku caawin waysay inay si caadi ah u umusho iyadoo aysan dhibaato ka soo gaarin dhalmada. Deegaanka wakhtigaas kuma oollin wax xarun caafimaad ah.

“Muddo markaan guriga joogay oo aan ogayn sida wax iga yihiin ayaan u tagay dhakhtar, wuxuu ii sheegay inaan isu go’ay, waxay igu noqotay sida qodax oo kale,” ayay tiri Yurub oo inay isku-furan qabto uu u sheegay dhakhtar jooga Kismaayo oo ay booqatay muddo kaddib markii ay dhibaatada soo gaartay.

Qoys ahaan Yurub waxay ka soo jeeddaa reer sabool ah, waana sababta ay siddeed sano ula nooleyd isku-furanka.

Hooyadaan maysan awoodi karin inay ceshato kaadida ama saxarada, waxayna ahayd mid mar kasta dhibaato ay ka haysatay dhankaas. Hadda waxay rajeynaysaa inay si caadi ah ula noolaan doonto bulshada iyo eheladeedaba.

Horraantii bishaan Yurub ayuu qof ehelkeeda ah ku war geliyay in isbitaal gaar loo leeyahay oo la yiraahdo Daryeel lagu sameynayo qalliin bilaasha ah oo lagu sameynayo haweenka isku-furanka qabo.

Waxay xustay inay tagtay isbitaalka, maalin kaddibna waxaa lagu sameeyay qalliinka, oo ay hadda rajeynayso inay ka bogsan doonto.

“Waxay ii tahay fursad dahabi ah, Ilaahay baa mahad leh. Waxaan rajeynaa inaan caafimaado,” ayay tiri Yurub.

Qalliinka bilaashka ah waxaa ka faa’iideystay 20 haween ah, waxaana dhaqaalaha bixiyay jaaliyadda deegaanka ee dalka Australia.

Cabdicasiis Cabdifataax Faarax oo xubin ka ah jaaliyaddaas ayaa sheegay in $12,000 kharash ah uu ku baxay qalliinka lagu sameeyay dumarkaas.

Haweenkaas waxaa ka mid ah Faadumo Cabdiqaadir Xasan oo ah hooyo 25 jir ah haysatana labo carruur ah. Afar sano ka hor ayuu ku dhacay isku-furanka iyadoo joogta tuulada Caleen oo ka tirsan deegaannada ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo ay umusho, waxayna xilligaas dhashay labadeeda gabdhood oo mataano ah.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ilmaha mid ka mid ah ay si caadi ah u umushay, kan labaadna ay ku adkaatay dhalmada, xilligaas oo ay ka kala carareen haween umuliso-dhaqameed ah oo caawinayay.

“Keligay baan noqday, aad baan waan u tabar darnaa, cunugga ayaa marki dambe xoog ku soo baxay waanan isu go’ay,” ayay tiri Faadumo.

Muddo kaddib waxay u soo guurtay magaalada Kismaayo, halkaas oo xaafadda Farjanno oo ay ka deganeyd ay ka maqashay codbaahiye baabuur saarnaa, kaas oo haweenka la nool isku-furanka ku ogaysiinayay inay qalliin bilaash ah ka heli doonaan isbitaalka.

Agaasimaha isbitaalka Daryeel Dr. Axmed Maxamed Xuseen, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ololaha uu ahaa mid lagu soo celinayay rajada iyo sharafta ay haweenka la nool isku-furanka ku dhex lahaayeen bulshada.

Bilaha hore ee sanadka soo socda ayay guddiga jaaliyadda iyo dhakhaatiirta qalliinka sameeyay qorsheynayaan in sidaan oo kale qalliin bilaash ah ay u sameeyaan 70 haween ah oo la nool isku-furanka.

Previous Post

BARNAAMIJKA TACAB

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo