Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Diinsoor: Carruur u geeriyootay jadeeco iyo qaar badan oo laga daweynayo

Radio Ergo by Radio Ergo
December 27, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur aan horey tallaal u helin oo jadeeco laga dawaynayo

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Saddex carruur ah oo da’dooda ay u dhexeyso 3-10 sano jir ayaa muddo labo toddobaad  gudahooda cudurka jadeecada ugu geeriyooday deegaanka Gurbaan oo 45 km dhanka waqooyi ka xiga degmada Diinsoor ee gobolka Bay, sida ay Raadiyo Ergo u xaqiijiyey Dr. Ibraahim Maxamed Ibraahim oo ah dkahtar ka howlgala xarun caafimaad oo degmadaas ku taalla.

Dr ayaa sheegay ilaa 120 qof oo u badan carruur oo uu cudurku hayo ayaa bishan gudaheeda la keenay xarunta caafimaadka Degaras ee Diinsoor. 50 carruur ah oo kamid ah dadka xanuunka qabo ayaa daweyn loo sameeyey kaddib xarunta laga saaray, waxaana hadda lagu hayaa guryahooda.

“Tuulooyinka ay jadeecada ka jirto waa meelo ay Al-shabaab maamusho, way adag tahay in xog sax ah laga helo, laakiin intii aan xaqiijinnay waa tirada aan kuu sheegay. Tallaalna ma gaarin muddo siddeed sano ah goobaha ay hadda jadeecada ka jirto,” ayuu yiri Dr.Ibraahim.

Tuulooyinka ay jadeecadu ka dillaacday waxaa kamid ah Abag-teet, Cadaad, Gari, Raaxoole, Shiid-kuus, Gurbaan iyo Kor oo ku yaalla galbeedka degmada Diinsoor. Tuulada ugu darran ee jadeecada ku jira waa  Gurbaan.

Waalidiinta ku nool tuulooyinka ay jadeecada ka jirto ayaa carruurtooda ku daweeyo daawo dhaqameed ay horay u isticmaali jireen, maaddaama aysan tuulooyinkaas ka jirin xarumo caafimaad, halka qaarkoodna ay keenaa degmada Diinsoor. Waalidiintaas waxaa kamid ah Muumino Cabdullaahi Axmed oo ay jadeecada toddobaadkii hore uga dhacday wiil saddex sano jir ah.

“Geed hoostiis ayaan seexiyaa, maro ayaa loo qooyaa oo korka laga saaraa. Caanaha ariga ayaan ku shubaa, wax aan intaas aheyn oo aan ku daaweeyo ma jirto. Shan carruur ah oo kale ayaa ii joogto, weligoodna lama tallaalin,” ayey tiri Muumino.

Carruurteeda kale way caafimaad qabaan oo kuma dhicin jadeecada, waxayna da’dooda u dhexeysaa 5 iyo11 jir. Muumino waa hooyo ku nool tuulada Raaxoole, waxay Raadiyo Ergo khadka taleefanka ugu sheegtay in haddii ay carruurta kale uga dhacdo jadeecada ay sidaas oo kale u isticmaali doonto daawo dhaqameedka, maaddaama deegaankeedu aysan ku oollin xarun caafimaad.

Waalidiinta qaar waxaa u suurta gashay in carruurtooda ay jadeecada ku dhacday ay u soo qaadaan Diinsoor si ay daawo ugu helaan. Waalidiintaas waxaa kamid ah Faadumo Axmed Cabdi oo tuulada Gurbaan ka soo qaadday labo carruur ah oo ay dhashay oo jadeeco ay ku dhacday.

Waxay sheegtay in ay go’aansatay in ay soo qaaddo markii qoysas ay deris yihiin ay jadeecada ka dishay labo carruur ahaa. Waxay la soo lugeysay lix saacadood, waxaana caawiyay gaari-dameer u soo jeeday Diinsoor, kaas oo ay dhexda ku kulmeen.

December 20 ayaa labadeeda cunugba ay soo ridatay jadeecada, saddex cisho kaddibna waxay keentay Diinsoor.

“Afar maalmood ayay heysaa gabadha iyo wiilka ay jadeecada ku dhacday. Waxaan ku arkay qandho aan joogsi lahayn. Nabarro badan, afka oo gaduutay”

Agaasimaha isbitaalka guud ee degmada Diinsoor, Cabdulqaadir Cabdinuur Cabdiraxmaan, ayaa dhanka kale u sheegay Raadiyo Ergo in labadii maalmood  ee u dambeysay kiisas cudurka jadeecada lagu arkay gudaha Diinsoor.

Wuxuu tilmaamay in isbitaalka guud ee degmada uu bishaan qaabilay 24 carruur ah oo jadeeco ay ku dhacday, kuwaasoo laga keenay tuulooyinka.

Olole tallaal waxaa degmada ugu dambeysay siddeed bilood ka hor, laakiin xarumaha caafimaadka iyo isbitaalka guudba waxay tallaalka jadeecada siiyaan waalidiinta carruurtooda u keensada.

Previous Post

Dadka ku nool xeebaha Lughaye oo ka cabanaya dhurwaa xilliyada habeenkii soo weerara

Next Post

Sababaha hortaagan in gabdhaha ay garsoorayaal noqdaan

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
HABACSANAANTA GARSOORKA SOOMAALIYA

Sababaha hortaagan in gabdhaha ay garsoorayaal noqdaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo