In ka badan 2,000 oo qoys oo bishii September ku soo barakacay degmada Jalalaqi ee gobolka Hiiraan cabsi ay ka qabeen in ciidanka Itoobiya iyo Al-Shabaab ay ku dagaallamaan deegaannadooda ayey soo food-saartay xaalad cunno yari, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha degmadaas ee maamulka Hir-shabeelle Ibraahim Madoobe Nuur.
Qoysaskan ayaa ka kala yimid tuulooyinka Bilcilley, Buur-weyn, Raaxoole, Biyo-neef, Jibiley, Fiidaay iyo kuwo kale. Dadkaas waxay isugu jiraan xoolo-dhaqato iyo beeraley wax ku tacbada roobka.
Barnaamijka cuntada adduunka ee WFP, ayaa raashin gargaar ah ah siiyey markii ay Jalalaqsi ku soo barakaceen sida guddoomiyuhu sheegay, balse wixii xilligaas ka dambeeyay ma jiro kaalmo kale oo ay heleen.
Dhinaca hoyga waxaa qoysaskan u dhisan aqallo maryo iyo jawaanno ka sameysan oo ay dusha ka saarteenn baco kuwa roobka laga jirsado .
Waxaa kamid ah dadkan, Faadumo Nuur Maxamed qoyskeedu ka kooban 18 qof. Markii ay soo degeen Jalalaqsi waxay heleen raashinka kaalmada ah, laakiin wax bil ka yar ayey ku dhameysteen, waxayna u sababeysay in qoyskeedu uu badan yahay.
“Raashinkaas annagoo isbuucii labaad joogno ayaa nala siiyay, wuxuuna isugu jiray caag saliid ah, 25 kiilo oo bariis ah, 25 kiilo oo bur ah, 10 kiilo oo baasto ah. Kaddib waxaa noola sheegay in gargaar kale aan heleyno walina maan helin,” ayey tiri.
Faadumo qoyskeeda oo ahaa beeraley waxay ka soo soo barakaceen tuulada Buur-weyn oo 30km galbeed kaga began Jalalaqsi. Haatan waa mul, iyadoo 20-kii bishan xero barakac oo ay ku deggan tahay Jalalaqsi ku dhashay wiil.
Waxay sheegtay in aysan shaqeyn karin. Markii ay dhashay dad ay ehel yihiin ayaa u keenay raashin ka kooban digir iyo masago oo hadda qoyska cunno u ah hal wakhti oo keliya.
Faadumo seygeeda wuxuu qabaa xanuunka kelyaha sida ay u sheegeen dhakhaatiir, markii uu xanuunkaas Muqdisho u tagay dhowr bilood ka hor. Xanuunkaas dartii uma shaqeyn karo qoyskiisa.
Guddoomiyaha Jalalaqsi ayaa sheegay in maamulka degmada uusan waqtigan awoodin in uu wax kaalmo ah dadkaas siiyo, qorshana aysan u heynin.
Dadka tuulooyinkooda ka soo barakacay ee Jalalaqsi ay cunto-yaraanta ku heysato waxaa kamid ah Muuse Odawaa Xaaji, oo ah aabbe uu qoyskiisa shan qof yahay. Tuulada Biyo-neef oo 33km galbeed ka xigta Jalalaqsi ayuu ka soo barakacay horraantii Sabtembar.
Qoyskiisa waxay ku nool yihiin kaalmo ay marar aan badneyn ka helaan dad ehelladooda ah.
“Ilmahaa iga baahan baan dhahaa, haddaan qof ama labo wax ka waayo mid baan ka helaa. Waxaa laga yaabaa hal waqti oo keliya inaan wax cunno oo ilmaha dabka loo shido. Cunto la’aan iyo hoy la’aanba way na heysataa,” ayuu yiri Muuse.
Wuxuu ahaa beeraley wax ku tacbada xilliyada roobka. Beertiisa oo 20 tacab ah waxaa dalag lagu beero ugu dambeysay xilligii gu’ga ee bilihii Abriil ilaa Juun ee sanadkan oo uu haruur uu ku beertay.
Dalagaas ayuu sheegay in ay u isticmaaleen wax ay qoyskiisu cunaan iyo 4 jawaan oo ay iibsadeen. Waqtigii Dayrta ee sanadkan oo aheyd bilaha Oktoobar ilaa December ayuu xusay in uusan wax dalag ah tacban, waana markii uu ka soo barakacay tuuladiisa.