Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno yaraan soo food-saartay qoysas ka barakacay xiisadaha gobolka Hiiraan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 24, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Warbixin beeraleey ka soo barakacday Jubada dhexe 28 June, 2016

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

In ka badan 2,000 oo qoys oo bishii September ku soo barakacay degmada Jalalaqi ee gobolka Hiiraan cabsi ay ka qabeen in ciidanka Itoobiya iyo Al-Shabaab ay ku dagaallamaan deegaannadooda ayey soo food-saartay xaalad cunno yari, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha degmadaas ee maamulka Hir-shabeelle Ibraahim Madoobe Nuur.

Qoysaskan ayaa ka kala yimid tuulooyinka Bilcilley, Buur-weyn, Raaxoole, Biyo-neef, Jibiley, Fiidaay iyo kuwo kale. Dadkaas waxay isugu jiraan xoolo-dhaqato iyo beeraley wax ku tacbada roobka.

Barnaamijka cuntada adduunka ee WFP, ayaa raashin gargaar ah ah siiyey markii ay Jalalaqsi ku soo barakaceen sida guddoomiyuhu sheegay, balse wixii xilligaas ka dambeeyay ma jiro kaalmo kale oo ay heleen.

Dhinaca hoyga waxaa qoysaskan u dhisan aqallo maryo iyo jawaanno ka sameysan oo ay dusha ka saarteenn baco kuwa roobka laga jirsado .

Waxaa kamid ah dadkan, Faadumo Nuur Maxamed qoyskeedu  ka kooban 18 qof. Markii ay soo degeen Jalalaqsi waxay heleen raashinka kaalmada ah, laakiin wax bil ka yar ayey ku dhameysteen, waxayna u sababeysay in qoyskeedu uu badan yahay.

“Raashinkaas annagoo isbuucii labaad joogno ayaa nala siiyay, wuxuuna isugu jiray caag saliid ah, 25 kiilo oo bariis ah, 25 kiilo oo bur ah, 10 kiilo oo baasto ah. Kaddib waxaa noola sheegay in gargaar kale aan heleyno walina maan helin,” ayey tiri.

Faadumo qoyskeeda oo ahaa beeraley waxay ka soo soo barakaceen tuulada Buur-weyn oo 30km galbeed kaga began Jalalaqsi. Haatan waa mul, iyadoo 20-kii bishan xero barakac oo ay ku deggan tahay Jalalaqsi ku dhashay wiil.

Waxay sheegtay in aysan shaqeyn karin. Markii ay dhashay dad ay ehel yihiin ayaa u keenay raashin ka kooban digir iyo masago oo hadda qoyska cunno u ah hal wakhti oo keliya.

Faadumo seygeeda wuxuu qabaa xanuunka kelyaha sida ay u sheegeen dhakhaatiir, markii uu xanuunkaas Muqdisho u tagay dhowr bilood ka hor. Xanuunkaas dartii uma shaqeyn karo qoyskiisa.

Guddoomiyaha Jalalaqsi ayaa sheegay in maamulka degmada uusan waqtigan awoodin in uu wax kaalmo ah dadkaas siiyo, qorshana aysan u heynin.

Dadka tuulooyinkooda ka soo barakacay ee Jalalaqsi ay cunto-yaraanta ku heysato waxaa kamid ah Muuse Odawaa Xaaji, oo ah aabbe uu qoyskiisa shan qof yahay. Tuulada Biyo-neef oo 33km galbeed ka xigta Jalalaqsi ayuu ka soo barakacay horraantii Sabtembar.

Qoyskiisa waxay ku nool yihiin kaalmo ay marar aan badneyn ka helaan dad ehelladooda ah.

“Ilmahaa iga baahan baan dhahaa, haddaan qof ama labo wax ka waayo mid baan ka helaa. Waxaa laga yaabaa hal waqti oo keliya inaan wax cunno oo ilmaha dabka loo shido. Cunto la’aan iyo hoy la’aanba way na heysataa,” ayuu yiri Muuse.

Wuxuu ahaa beeraley wax ku tacbada xilliyada roobka. Beertiisa oo 20 tacab ah waxaa dalag lagu beero ugu dambeysay xilligii gu’ga ee bilihii Abriil ilaa Juun ee sanadkan oo uu haruur uu  ku beertay.

Dalagaas ayuu sheegay in ay u isticmaaleen wax ay qoyskiisu cunaan iyo 4 jawaan oo ay iibsadeen. Waqtigii Dayrta ee sanadkan oo aheyd bilaha Oktoobar ilaa December ayuu xusay in uusan wax dalag ah tacban, waana markii uu ka soo barakacay tuuladiisa.

 

Previous Post

BARNAAMIJKA DALANDOOL

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo