Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Togdheer: Carruur agoon iyo danyar ah oo waxbarasho ka helay iskuul cusub

Radio Ergo by Radio Ergo
November 2, 2018
in Arrimaha Bulshada, LATEST POSTS, Waxbarashada
0
Togdheer: Carruur agoon iyo danyar ah oo waxbarasho ka helay iskuul cusub

Macalin sabbuur cashir ku sharaxaya. Sawir/Khadar Cawl/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Aamina Maxamuud Faarax waa hooyo ay saddex carruur ah oo agoon ah ay u dhigtaan iskuul laga dhisay Buuhoodle. Markii u horreysay ayay carruurteedu waxbarasho ka heleen.

Afar boqol oo arday ah oo 325 ay agoon yihiin oo carruurteedu ay ku jiraan, kuwa kalana ay kasoo jeedaan qoysas barakac ku jooga Buuhoodle iyo kuwo danyar ah ayaa ka faa’iidaysanaya waxbarashadan lacag la’aanta ah oo laga siiyay iskuulka oo hay’adda Deniz Feneri oo ka socota dalka Turkigu ka hirgelisay duleedka magaalada Buuhoodle.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in carruurtu ay iskuulka xaadireen bishii hore, waxay da’doodu u dhaxeysaa 8-12 jir aan fursad waxbarasho helin, sababo la xiriira duruufaha nololeed ee qoyskeeda haysta.

“Labo gabdhood iyo wiil ayaa ii dhigta iskuulka oo waxbarasho hore may dhigan. Waan u awoodi waayay inaan iskuul geeyo. Waxaan rajeynayaa inay heer waxbarasho oo wacan gaaraan,”ayay tiri Aamina.

Iskuulkan oo u dhisan qaab casri ah oo ka kooban yahay toddobo dhisme oo isugu jira 20 fasal, xafiisyo iyo qolal jiif, wuxuu dhismihiisa billowday sanadkii hore iyadoo la dhammeystiray bishii siddeedaad ee sanadkan. Waxaana u jeedka loo sameeyay ahaa inay waxbarasho helaan ardayda aysan waaliddiintoodu awoodin lacagta iskuulaadka.

Aamina oo bogaadinaysa fursaddan ay heleen carruurteeda, waxay iibisaa shaah ay ka raadiso nolol maalmeedka carruurteeda iyadoo ii sheegtay inay ka hesho shaaha maalintii $4-3 aysanna u qaybsami karin waxbarashada iyo masaariifta sidaasna ay markii hore ugu go’aansatay inaysan wax iskuul ah geyn carruurteeda.

Sida laga soo xigtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO, ku dhowaad 4.4 milyan oo carruur ah ayaa haysan waxbarasho.

Iskuulkan carruurtu ka helayaan waxbarashada bilaashka ah ayaa ku bixi doona manhajka waxbarashada Soomaaliga oo ay weheliso luuqadda Turkishka. Hirgelinta mashruuca lagu dhisay iskuulkan oo ay ku baxday in ka badan $400 oo kun, waxaa deegaanka keenay Maxamuud Cali Xasan oo hadda maamule guud ka ah xaruntan.

Maxamuud ayaa kamid ahaa ardaydii ugu horeyssy oo Turkiga deeq waxbarasho u aada, wuxuu dedaal dheer kaddib ku guulaystey in hay’ada Deniz Feneri ay shismaha xaruntan weyn ee waxbarasho ka hirgeliso Buuhoodle.

Waxbarashada Buuhoodle oo dugsiyada lacag lagu dhigto marka laga reebo dugsi hoose oo 300 oo arday agoon ah wax ka bartaan ayay adkayd in dadka danyarta ah ee aan lacagta iskuulka la bixi karin ay waxbarasho helaan.

Waxaa carruurta lagu soo xulay daruufaha haysta iyadoo xoogga la saaray agoomaha aan haysan cid kafaala qaadda. Waxaa jira carruur kale oo weli u baahan inay waxbarasho ka helaan iskuulka inkastoo maamulku sheegay inaysan hadda haynin daqli ka badan ardayda hadda dhigata, hase yeeshee ay ku dedaali doonaan inay buuxiyaa iskuulka oo ay dhigan karaan 750 arday.

Macalimiin 24 ah ayaa hadda wax ka dhiga iskuulka kuwaas oo ay mushaharka siiso hay’adda dhistay iskuulkan, sida uu sheegay Maxamuud

“Waxay u badan yihiin dugsi hoose weliba fasalka koowaad, laakiin dugsiga dhexe fasalka 5aad weeye, aad bay u yar yihiin ilaa 30 arday baa dhigata, halka fasalka koowaad uu yahay 150. Dadka markay danyar yihiin inta badan waxbarasho ma helaan taas ayaa sababtay inay ku yaraadaan ardaydu dugsiga dhexe,”ayuu yiri Maxamuud.

Iskuulkan cusub wuxuu fursad u siiyay inay waxbarashada dib ugu noqdaan carruur waaliddiintoodu ay ka bixin waayeen oo dhiganayay fasallada dugsiga dhexe, waxaana marka agoonta laga tago 45 carruur ah ay yihiin barakac halka soddonna ay ka soo jeedaan qoysas danyar ah.

Faadumo Jaamac Xasan waxay ka mid tahay hooyooyinka carruur waxbarshada ka haray oo iskuulkan dhigta. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in labo wiil oo xaruntan u dhiganaya ay sanadkii hore ka hareen waxbarashada xiligaas oo midi ahaa fasalka afraad ee dugsiga hoose, kan kalana ahaa fasalka 3-aad.

“Waan u awoodi waayay iskuulkii lacagta ahaa oo qaali igu ahaa, markaas ayay ka hareen haddana waxbarasho bilaash ah ayay heleen mid walbana fasalkiisii ayuu tegay aad baan ugu faraxsanahay runtii ma sii koobi karo farxadayda,” ayay tiri Faadumo.

Waxaa iskuullada hoose iyo dhexe lagu dhigtaa buuhoodle siddeed doolar halka dugsiga sarena lagu dhigto $15.

Dhismahan ayaa leh qayb loogu talagalay in ardayda lagu xareeyo oo aysan ka rawixin balse qaybtaas ayaan weli shaqo billaabin taas oo loogu talagalay in 350 arday lagu xareeyo kuwaas oo ka imaan doona tuulooyinka ka fog magaalada Buuhoodle.

Waxaa carruurta qeybta jiifka laga soo xuli doonaa deegaannada aysan iskuulladu u dhoweyn ee ka durugsan magaalada Buuhoodle.  250 ayaa noqon doona agoon halka 100 ardayna laga soo xuli doono dadka danyarta ah.

Xulista caruurtan ayaa hadda socota iyadoo deegaan walba laga soo xulayo dadka ugu liita dhaqaale ahaan ee agoomaha ah iyo kuwa iskuulka ka haray dhaqaale la’aan darteed, iyadoo xogta dhabta ah ee caruurtaasi laga qaato odayaasha deegaanka ee meelaha la tagayo.

Previous Post

400 oo arday ah oo waxbarasho ka helay iskuul cusub oo laga dhisay Buuhoodle

Next Post

Halkan ka dhegeyso sheekada Lama Huraan

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

November 19, 2025
Next Post
blank

Halkan ka dhegeyso sheekada Lama Huraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo