Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sanaag: Dhallinyaro toddobaad-kiiba mar cunno u geeya qoysas barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
November 12, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Sanaag: Dhallinyaro toddobaad-kiiba mar cunno u geeya qoysas barakacay

Dhalinyarada oo guddoon siineysa cunno qoyska/ Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhalinyaro wax ka barata jaamacadda magaalada Ceerigaabo iyo kuwa dhigta dugsiyada sare, ayaa maalin kasta oo jimco ah waxay adeeg khudrad ah iyo lacag dhan US $10 ay toddobaad isticmaalaan gaadhsiiyaan qoysaska soo barakacay.

Taageeradan waxaa toddobaadkiiba mar la siiyaa qoysaska soo barakacay iyo kuwa danta yar ee magaalada.  Hawshan waxey dhalin yaradan soo wadeen saddexdii bilood ee ugu danbeysay.

Xaliimo Cabdullaahi, ayaa toddobaadkan waxaa la guddoon siiyey lacag ay cunto ku iibsato iyo khudaar, taasoo ay siiyeen dhalinyaro is abaabushay oo kunool Ceeri Gaabo.

Xaliimo waa hooyo haysata shan carruur ah oo labo gabdho yihiin, waxey kamid tahay dadka danta yar ee Ceerigaabo.

“Saaka waxay ii keeneen khudrad kala duwan, 3 kiilo oo baradho ah, 2 kiilo oo basal ah, kiilo tamaandho ah, iyo adeeg kale, iyo lacag cadaana.

Asbuucii waxa igu baxa adeeg $4 dollar, raashiin kana marka lagu daro waa 60 kun ilaa 70kun Sh Somali land ah, una dhiganta ($6), adeegan iyo lacagtan waa mid nagu filan toddobaad”, ayey tiri Xaliimo.

Xaliimo, waxey kasoo barakacday baadiyaha Ceerigaabo, iyadoo wiilka curadka u ah carruurteeda uu yahay mid qaba cudurka dhimirka.

Waxey sheegtay iney tahay qof aan shaqeyn, oo la joogto qoys ay qaraabo yihiin, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in gargaarkan uu ku filan yahay toddobaad.

blank
Dhalinyarada oo sii wada cuntada ay qoys guddoon siinayaan/Maxamed Saalax/Ergo

Dhalinyardan oo ah kuwo iskood isu abaabuley, ayaa leh guddi gaar ah oo soo xula qoyska ay toddobaadkaas gargaarka gaadhsiinayaan, waxay la tashi la sameeyaan guddoomiyeyaasha xaafadaha magaalada Ceerigaabo.

Jaamac Xuseen Saalax guddoomiyaha dhalinyaradan, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay la kulmeen qoysas aan haysan nolol maalmeed, taasna ay keentay inay howshan u istaagaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay mararka qaar kaalmo ka helaan culumaa’udiinka dhalinyarada ee kunool magaalada, laakiin aaney jirin cid kale oo dhaqaale siisa.

Kiilada burka, bariiska iyo sonkorta ayaa lagu iibiyaa US $1 Ceerigaabo.

Kharashaadkan dhalinyaradu waxay ka bixiyaan jeebkooda, hase yeeshee waxay la kulmaan caqabado, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Jaamac Xuseen.

“Marka aad subixii kallahdo oo adeeg doonto, waxaa lagu dhahayaa dadkaa is tuseysaan, oo wax ku filan oo deeqa ma siin kartaan, oo way na niyad jabiyaan, sidaas waxaa na dhaha dadka qaarkood, halka ay jiraan kuwo noo mahad celiyo, oo ugu yaraan hadaanay wax na siineyn, aan na carqaladeyn”.

Barnaamijkan dhalinyaradu waxey ku magacaabeen “Caawi qoys tabaaleysan”, iyagoo hiigsanaya iney balaariyaan haddii awoodda u saamaxdo.

Dhalinyaradan is abaabushay ayaa ka kooban 17 qof oo 5 gabdho yihiin, waxay rajadoodu tahay inay gargaarkan jimcaha gaadhsiiyaan dhammaan deegaanada gobolka Sanaag.

 

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Sanaag: Dhallinyaro siisa cunto toddobaad waliba qoys

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Sanaag: Dhallinyaro toddobaad-kiiba mar cunno u geeya qoysas barakacay

Sanaag: Dhallinyaro siisa cunto toddobaad waliba qoys

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo