ERGO – 120 arday oo 75 kamid ah ay yihiin gabdho, ayaa ka faa’iideysanayo saddex iskuul oo bixinayo waxbarasho nooca dadban oo bilaash ah, kuwaasoo toddobaadkan laga furay deegaannada Xingalool, Ceelbuh iyo Damala-xagare oo ka tirsan gobolka Sanaag
Carruurta ka faa’iideysanaya waxbarashadan ayaa ka soo jeeda xoolo-dhaqatadii ku ceyroobay abaaraha ee magaalooyinka soo galay iyo qoysas danyar ah. Hirgelintooda waxaa iska kaashaday inka badan 100 dhallinyaro mutadawiciin, oo isugu jira qaar wali arday laf ahaantooda iyo kuwa waxbarashada dhameeyey, oo ku kala sugan dalka iyo dibaddiisa.
Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdixakiin Axmed Jaamac, oo guddoomiye u ah dhallinyaradan, sababta ay u fureen ayaa ah markii ay arkeen in dadka danyarta ah aysan u awoodin in carruurtoodu ay waxbarasho geeyaan xaaladooda dhaqaalaha oo aan u saamaxeyn awgeed.
Waxaa deegaankiiba laga hirgeliyey hal iskuul oo midkiiba uu ka kooban yahay labo fasal oo ay wax ka dhigayaan dhammaantood lix macallin, oo loogu talagalay in halkii iskuulba ay labo macallin wax ka dhigaan.
Lixda macallin ee wax ka dhiga iskuulkan, ayaa midkiiba waxaa uu bishii mushaar ahaan u qaadanayaa $100, halka lixda fasalka ee saddexda iskuul ay ka kooban yihiin ay dhallinyarada howshan hirgelisay ay kiro ahaan bil kasta ku bixin doonaan $30 midkiiba. Lacagtaas, oo Cabdikariin Axmed Jaamac uu xusay in ay tahay mid ay iyaga iska ururiyeen oo ay jeebkooda ka bixinayaan.
Ardayda ka faa’iideysanaya waxbarashadan oo da’doodu u dhexeysa 6 ilaa 11 jir, ayaa billaabay qaadashada casharada November 8, waxyaabaha ay baranayaana waxaa kamid ah af-Soomaaliga iyo xisaabta.
Waxaa kamid ah Maxamuud Axmed, oo 11-jir ah, horayna aan iskuul kale u soo dhigan.Waxaa uu ku faraxsan yahay in noloshiisa markii ugu horreysay uu fursad u helay in uu wax barta. Qoyskiisu waxay kamid yihiin dadka gudaha ku barakacay ee ku nool duleedka Xingalool.
“Waxaan rabaa in aan injineer noqdo – guryaha dhiso. Gurigaan awal iska dhex-fadhin jiray. Saaka buug iyo qalimaan ayaa la i siiyey. Waan faraxsanahay. Xisaab waxaan dhigtay 1, 2, 3, Soomaalina B, T, J”.
Iskuulladan oo ay isla dhallinyarada furtay maamulayaan, ayaa macallimiinta wax ka dhigayo ay yihiin kuwa deegaanka ku sugan, oo ay dhallinyarada mutadawiciinta ah soo xuleen.
Caasho Ceydiid Guuleed, saddex carruur ah oo ay dhashay oo ay labo gabdho yihiin ayaa kamid ah carruurta ka faa’iideyseneysa waxbarashadan bilaashka ah. Saddexduba waxay u fariisteen iskuulka laga hirgeliyey deegaanka Xiingalool.
Waxay dareemeysaa in waxbarasho ay carruurta heleen ay tahay fursad dahabi ah oo mustaqbalkooda kor u qaadi karto.
Markii ay qoyskeeda soo degeen Xiingalool dhammaadkii sannadkii hore, iyagoo miyiga deegaanka markii ay xoolahoodii abaaruhu ku le’deen, uma suurtagelin Caasho in ay carruurteeda ay iskuul geyso. Waxay sheegtay in taas ay ugu wacneyd in daqliga ka soo gala khudaar ay suuqa Xiingalool ku iibiso oo ay nolosha carruurta ka maareysa, aysan aheyn mid ku filan in ay kaga bixiso waxbarasho.
Iskuullada kale ee ku yaalla Xiingalool, oo ah kuwa gaar loo leeyahay ayaa ah kuwa lacag lagu dhigto.
Dhalinyarada iskuulladan hirgelisay, waxay rajeynayaan in ay fasallada kordhin doonaan haddii uu dhaqaalaha u saamaxo, waxaana ay doonayaan in ay dugsiyo noocaan oo kale ah ka hirgeliyaan deegaanno badan oo gobolka ah.










