Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Reer miyi billaabay in ay dib u dhaqdaan xoolo muddo ka badan labo sano kaddib

Radio Ergo by Radio Ergo
November 28, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer miyi billaabay in ay dib u dhaqdaan xoolo muddo ka badan labo sano kaddib

kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Inka badan 60 qoys, oo ku xoolo beelay abaar labo sano ka hor ka dhacday gobolka Mudug ayaa billaabay in ay dib ugu noqdeen miyiga, oo ay ay xoolo dhaqdaan kaddib markii ay ka faa’iideysteen xoolo qeybin ay bartamihii bishan u sameysay hay’adda Cesvi oo ah hay’ad samafal ah oo fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga.

Qoysaska helay deeqdan, ayaa tan iyo markii xoolahoodi ay abaaraha ku le’deen waxay barakac ku ahaayeen xeryo ku yaalla deegaannada Wisil iyo Ceel-guula ee koonfurta gobolka Mudug ah.

Sida mas’uuliyiinta maamulka labadan deegaan ay u sheegeen Raadiyo Ergo, waxaa xoolo-dhaqatadan qoyskiiba la siiyey shan neef oo ari ah lagu xushay in ay diyaar u ahaayeen, in haddii ay xoolo helaan ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay markii hore ka soo barakaceen oo roobka deyrta si fiican uu uga da’ay.

Si gaar ah dadka ka faa’iideystan barnaamijkan waxay u badan yihiin dadka nugul, sida haweenka keligood korsada carruurta.

Waxaa kamid ah haweenkaas Istaahil Cilmi Kheyre, oo ah hooyada toban carruur ah. November 17 ayaa la siiyey shan neef oo ari ah oo labo ka tirsan ay irmaan yihiin, kuwaasoo caanaha ay ka hesha ay hadda carruurteeda shaaha ugu cadeyso, raashinkana ugu darto.

Muddo labo sano ayey  qoyskeedu ku noolaayeen xero barakac ah oo ku taalla Wisil, kaddib markii 200 oo neef oo ari oo qoysku lahaa ay ku waayeen abaar miyiga Wisil ka dhacday.  Lixdii neef oo abaarta ka badbaaday oo ay xerada la soo gashay ayaa calaf la’aan u le’day March 2016. Intii ay xerada joogtay waxayna noloshooda ku tiirsaneyd kaalmo raashin ah oo ay hay’adaha ka bixiyaan xerada barakaca.

Hadda oo ay miyiga Wisil ay dib ugu laabatay, ayaa Istaahil waxay rajeyneysaa in xoolaha la siiyey ay tahay billowga dib u soo noqoshada nolosheedii xoolo-dhaqatonimo. Waxay qabtaa rajo ah arigan uu u tarmi doono.

“Xoolaha la i siiyay aad ayey ii anfacayaan, sababtoo ah markii hore qof ceyr ah ayaan ahaa, haddana si kastoo ay u yar yihiin waxaan ahay qof xoolo shinsaneysa. Halkii aan ka soo barakacay meel ku dhow ayaan xoolaha la jooga oo roob fiican uu ka da’ay nacfi fiican oo xooluhu ku dhargaanna leh” ayay tiri Istaahil.

Istaahil ayaa u sheegtay Raadiyo Ergo, in xerada barakaca Wisil ay wali ka qaadaneyso raashin gargaar ah oo barakacayaasha la siiyo dhamaadka bil kasta. Hay’ado samafal ah oo Cesvi iyo IRC ay kamid yihiin ayaa xerada raashinka ka bixiya.

Deeqo Faarax Xasan oo heysata siddeed carruur ah, ayaa kamid ah dadka kale eek a faa’iideystay xoolo qeybinta.

Waxay saddex sano barakac ku ahayd xero ku taalla deegaanka Ceel-guula. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in bartamihii bishaan November la siiyay shan neef oo ari ah, ayna ula guurtay miyiga Ceel-guula oo markii hore ay ka soo barakacday.

“Durba ri ayaa ii irmaan oo ii dhashay. Markii horaba danta ayaa nagu khasabtay ee dad magaalo ma ahayn mana jeclayn ku noolaanshaheeda, haddana waxaan heystaa fursad aan nolosheenii hore dib ugu billaabo,” ayey tiri Deeqa.

Waxay Raadiyo in sheegtay in boqol neef oo ari ahaa oo ay ku dhaqan jirtay miyiga ay abaarti ka leysay, haatanna waxay ku dedaaleysaa sidii ay neefafka la siiyay u dhaqaaleysan laheyd si ay ugu tarmaan.

Axmed Daahir Cali oo kamid ah mas’uuliyiinta Cesvi ee gobolka Mudug oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyey in hay’adoodu bixisay xoolaha. Inkastoo aan isku dayno in aan xog intaas sii dhaafsiisan ka helno, haddana kama uusan jawaabin wicitaanno aan sameynay.

Previous Post

Caabudwaaq: Gargaar loo qeybiyey qoysas ka soo barakacay Itoobiya

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo