Koox dhallinyaro mutadawiciin ah, ayaa guuleystay in saddex iskuul oo nooca bixiya waxbarashada dadban ay ka hirgeliyaan saddex deegaan oo ku yaalla gobolka Sanaag.
Iskuulladan oo ay wax ka baranayaan carruurta qoysaskii ku ceyroobay abaaraha ee magaalooyinka soo galay iyo kuwa danyarta ah ayaa waxaa wax ka baranaya ilaa 120 arday oo 75 kamid ah ay gabdho yihiin.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Xiingalool Maxamed Saalax ayaa warbixintan noo faahfaahinaya.










