Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Xoolo-dhaqato la baray sida ay uga gaashaaman karaan abaaraha

Radio Ergo by Radio Ergo
November 19, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Jamaad Cali Yusuuf oo deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo Dhuusa-mareeb 55 km waqooyi uga beegan ku heysata 50 neef oo ari ah ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay roobkan dayrta beeranayso calafka xoolaha si ay u keydsato oo xilliga jiilaalka u siisato xoolaha.

Waxaa fikraddan ku dhaliyay Jamaad markii siddeed maalmood oo tababbar ku saabsanaa u adkeysiga abaaraha uu siiyay Guddiga Badbaadada Caalamiga ah ee IRC bartamihii bishii hore ee Oktoobar. Waxay sidoo kale keydinaysaa biyaha roobka oo ka mid ahaa sida ay sheegtay, waxyaabihii ay tababarka ka baratay si marka uusan roobku da’aynin ay uga maaranto inay biyo gadato.

“Waxaa nala baray keydin baa la sameynayaa, waxaa la qodaa meelaha biyuhu ay ka dhow yihiin, meelaha togga ah ayaad ka abuuraneysaa beer. Abaaraha waxaad uga badbaadi kartaa ayaa la dhahay waxaa jira cows la abuuro. Keydkaas waxaad uga bixi kartaa dhibaatada xooluhu ku sugan yihiin,”ayay tiri Jamaad Cali.

Boqol iyo toban qoys oo reer miyiga ah kuna nool gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa la siiyay tababarka u adkeysiga musiibooyinka kaddib markii qorshe la’aanta xoolaha ee reer guraagu keentay inay qoysas badan oo xoolo badan lahaa ceyrtoobaan sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Cabdinaasir Yaxye oo warbaahinta u qaabilsan IRC.

Waxaa lagu baraarujinayay xoolo-leyda sida suuq loogu yeeli karo xoolaha inta aanay abaartu ku imaan sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Cabdinaasir.

“Waxaan xoolo-dhaqatada u sheegnay, koow inay u diyaar garoobaan abaarta haddii ay wax ka baaba’aana aysan xoolahoodu ka wada baabi’in ama kuli ay u badbaadaan. Waxa ugu weyn ee aan hadda barnay waxay aheyd calafka iyo nuuca la beeran karo iyo dhulka ku haboon in lagu beerto. Waxaan geynay meelaha lagu beeran karo si ay uga faa’iidaystaan,” ayuu yiri Cabdinaasir.

Galey, masego iyo cowska dhaadheer ayaa loo sheegay xoolo-dhaqatada in kuwo ugu sahlan ee ay beeran karan ay yihiin marka la joogo Galgaduud, maaddaama carrada halkaas oo tijaabooyin laga qaadayay ku wanaagsan tahay inay ku baxaan nuucyada raashinka iyo cowska ah.

Intii tababarku socday ayuu sheegay Cabdinaasir in dadka xoolo-dhaqatada ah ay iyaguna keeneen fikrado kala duwan oo ay qeyb ka ahayd inay xoolo-dhaqatadu ay xoolaha uga dhammaadaan filashada roobka, iyagoo ku nagaan jiray deegaannadooda oo abaarsaday.

Axmed Samatar Faarax oo xoolo-dhaqato ah kana mid ahaa dadkii tababarka ka qeyb galay wuxuu abaartii hore ku waayay 230 neef, wuxuu 65 neef oo isugu jira, ari iyo geel  u roob raaciyay 31-kii bishii hore inta u dhexeysa deegaanka Huurshe iyo degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Wuxuu sheegay in la isku afgartay intii tababarku uu socday in dadku ay xoolahooda la raadiyaan meel ay uga heli karaan roob iyo daaq taas oo xoolo-dhaqatada ah ay ka gaabiyeen sanadihii dambe.

Axmed oo deggan deegaan u dhow magaalada Dhuusa-mareen oo uusan roob ka da’in wuxuu sheegay in la joogo xilligii ay sameyn lahaayeen oo hadda ay ka faa’iidaysanayaan.

“In marka hore xoolaha la dhaqaaleeyo. Tusaale ahaan hadda roob yari ayaa jirta aniga kula hadlaya waxaan wadaa arigii oo geeddi ah ma garatay. Dhuusamareb meel 6 km u jirta ayaan ka raray, roob ayaan la raadinayaa maareyntii na lagu tababaray ayaan ku jiraa,” ayuu yiri Axmed Samatar.

Waxyaabaha ugu badan ee khasaarada ku rida dadka reer guraaga ah waa in iyaga oo xoolo badan heysta ay abaartu ku timaado kaddibna xoolihii sannadaha badan la soo dhaqaaleynayay muddo gaaban ay ku baaba’aan iyagoo aan suuqa geyn, sida uu sheegay Cabdinaasir Yaxye.

“Sidoo kale suuqa waxaan ka barnay waxaa ka mid ah in neefka ay suuqa geynayaan xilli hore, qaarkood waxay sameeyaan inay neefka baaniyaan oo kale, waxaan barnay inay neefka inta uu baansan yahay suuqa la geeyo oo neefkii oo baaba’ ah aan suuqa la geyn”.

Jamaad Cali Yuusuf oo xoolaheeda inta hadda u joogta uga soo bixisay abaartii raashin ay u siin jirtay sida dadka ayaa Raadiyaha Ergo u sheegtay inay taasi ku qabtay dhibaato aad u weyn maaddaama raashinka ay heli kartay uusan ku filneyn reerkeeda iyo ariga balse ay hadda wax weyn iska beddeli doonaan habkii hore.

“Halkaas waxay ka sameynayaan dadka calooshooda wax galeen waaye xoolo calooshooda wax galeen, waxay iigu badbaadeen deyn iyo deeq, badar ayaan siin jiray sida ilmaha badarka loo siiyo. Dad walaalaheyga oo Xamar jira ayaan ilmaha iyo xoolaha u kala qeybin jiray. Ileen ceyr waa dhib leedahaye”, ayay tiri Jamaad Cali.

Dadka xoolo dhaqatada ah ee Raadiyo Ergo la hadlay waxay isku raaceen in aysan jirin qorshe ay reer guraagu u dajiyaan xoolaha ka hor inta aysan abaari imaan, taas oo caqabad ku ah hab-nololeedka dadka xoolaha dhaqda, oo abaarta kaddib xoolo kale raadiya.

 

Previous Post

Balcad: Nolol adag oo ay wajahaan dadka ku nool tuulooyin ay fatahaad go’doomisay

Next Post

Dhageyso: Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Xoolo ku dhow labaatan kun oo laga dhoofinayo dekeda Muqdisho

Dhageyso: Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo