Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dagaallada Yemen oo sababay in Soomaalida laga takooro in ay shaqo helaan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 23, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo rajo xumo ka muujiyay xabad-joojinta 5ta maalmood

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen, ayaa wajahayo duruufo cunno iyo hoy, oo ay ka dambeysay markii raashinkii gargaarka ee ay heli jireen la dhimay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee muddada saddexda sano ka socda dalkaas.

Dagaallada ayaa saameyn ku yeeshay dekedihii dalka ee uu gargaarka ka soo degi jiray, waxayna taas keentay in kaalmadu yaraato oo raashinkii yaraa ee dalka yaallay loo qeybiya qaxootiga iyo dadka Yemen u dhashay ee gudaha dalkooda ku barakacay.

Cabdiqaadir Maxamed Nuuradiin oo ah aabaha saddex carruur ah, wuxuu ku nool yahay magaalada caasimadda ah ee Sanca, isagoo dhawaan ka soo barakacay magaalada kale ee Cadan. Qoyskiisu waxay hadda nolol ahaan ku tiirsan yihiin dhaqaale aan badneyn uu ka soo urursaday shaqo nadaafad meel xafiis ah oo uu ka shaqeynayey ka hor intii uusan ka soo barakicin Cadan

Wax shaqo ah oo uu hadda hayo ma jirto, marar badan oo uu isku dayey in uu shaqo raadsado, wuu ku guuldareystay, iyadoo loo shaqeeyeyaasha ay u diideen in ay shaqo siiyan, taasoo uu kala siman yahay Soomaalida kale ee Yemen ku nool.

“Shaqo nalama siiyo, iyadoo qof Yemeni ah joogo. Soomaalida waxay leeyihiin waa tuugo. Qof walba wuxuu isku dayayaa inuu shaqo helo, cid siineysana malahan”.

 Dhibaatada ku heysato Yemen awgeed, wuxuu ka door-bidi lahaa Cabdiqaadir in uu Soomaaliya oo ay ugu dambeysay 26 sano dib ugu laabto.

“Berri diyaarad ayaa taagan dadka qaadeysa haddii la i dhihi lahaa waa raaci lahaa, meeshaan wax lagu hayo malaha”.

Hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga, UNHCR, oo qaxootiga siisa raashinka gargaarka ah ayaa dhintay mucaawinnada, taasoo keentay in gargaarku ku filnaan waaya qaxootiga sida uu Raadiyo Ergo u sheegay, guddoomiyaha xerada qaxootiga Alkharaz, Cabdiqaadir.

Shaash ayaa sheegay in xerada aysan ka jirin adeegyada bulshada ee aas-aasiga ah, sida biyaha iyo caafimaadka, laakiin wali adeegga waxbarashada la heli karo oo ay iskuulladu furan yihiin.

Qunsuliyadda Soomaalida ee Yemen, ayuu xusay in ay gaarsiiyaan codsi ka yimid qaar kamid ah qaxootiga oo ay ku dalbanayeen in dalkooda lagu celiyo, hase yeeshee wali wax jawaab ah kama aysan helin.

Xaaladda nolosha oo ku adag awgeed, waxay qaxooti badan ku khasabtay in ay waddooyinka ka dawarsadaan. Waxaa kamid ah dadkaas Faadumo Baashe Cabdillahi, oo ah 42-jir heysato afar carruur ah. Waxay sheegtay in si ay u hesho wax ay siiso carruurteeda ay ka dawarsato magaalada Sanca.

Kuma filna qoyskeeda raashin dhan 12 kiilo oo bur ah oo labadii bilba mar ay hesho, mana jiro meel kale oo daqli ka soo gala.

Hay’adaha samafalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dalbaday kooxaha dagaallamayo Yemen in ay dekedaha dalka u furaan gargaarka bani’aadanimo, si loo gaarsiiyo qaxootiga iyo dadka ku barakacay gudaha dalka.

Qaramada Midoobey ayaa ka digeysa suurtagalnimada macquul ka dillaacda Yemen, oo saameyn karta malaayiin dadka waddankaas.

 

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Qoysas ku barakacay dagaal ka dhacay Galgaduud

Related Posts

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 16, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

Qoysas ku barakacay dagaal ka dhacay Galgaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-JUN-2026

IDAACADDA 16-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo