Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Biyo-gelin laga sameeyey Burtinle oo wax ka beddeshay habkii ay dadku u biyaha u heli jireen

Radio Ergo by Radio Ergo
November 22, 2018
in Arrimaha Bulshada, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo)- Inka badan 500 oo qoys oo ku nool degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, ayaa ka faa’iideysanaya biyo-gelin markii ugu horreysay guryahooda la geliyey bishii October, kaasoo qiimihii ay dadku biyaha ku heli jireen wax weyn ka beddelay.

Mashruuca biyo-gelinta Burtinle oo socday muddo saddex sano ah, ayaa waxaa ku kacday inka badan $2,000,000 (Labo milyan oo doolar), waxaana maalgeliyey ganacsato deegaanka ka soo jeeda, iyadoo ay gacan ka geysteen hay’adda tamarta iyo biyaha Puntland (PSWEN) iyo UNICEF, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed Cabdullaahi Cabdulle, maamulaha shirkadda biyaha ee Maahiigaan oo mashruuca fulisay.

Burtinle ayaa kamid aheyd deegaannada oomanaha ah ee xilliyada abaaraha ay sare ugu kici jireen qiimaha biyaha, oo looga keeni jiray tuulooyinka Bacaadweyn oo gobolka Mudug ka tirsan iyo Rabaable oo Nugaal ah, kuwaasoo mid kasta ay 80-km u jirto degmada. Si looga baxo biyo la’aanta dhacda ayaana loo hirgeliyey mashruucan.

Cumar Xuseen Faarax, oo qoyskiisu ka kooban yahay 12 qof, wuxuu kamid yahay dadka ka faa’iideysanaya biyo-gelinta. Biyaha gurigiisa la geliyey ayuu sheegay in ay u baajineyso dhaqaale badan oo uga bixi jiray in uu biyo iibsado.

Biyo-gelinta ka hor, xilliga qaboobaha waxaa isticmaalka biyaha qoyskiisu ugu kici jirtay $13 booyaddii, halka xilliyadda jiilaalka ilaa $30 dollar uu booyaddii ku iibsan jiray. Hadda waxaa booyadii biyaha bishii kaga baxda $6.

“Waan ku qanansanahay in laga baxay biyo la’aantii degmada ka jirtay. Xilligii iigu adkaa wuxuu ahaa markii abaartu taagneyd oo booyaddii biyaha 40 qaadka uu ahaa $100”, ayuu yiri Cumar.

Inka badan 7,000 oo guri ayaa biyaha la geliyey, iyadoo ay biyuhu ka helayaan tuubooyin dhulka hoostooda maro oo guryahooda loogu xiray.

Maaddaamaa dadka Burtinle ay hadda helayaan biyo nadiif ah, Dr. Cabdinuur Yuusuf Faarax oo ah dhakhtar cudurrada guud oo ka howlagala isbitaalka weyn ee degmada, wuxuu rajeynayaa in xannuunadii sida shuban biyoodka ee ka dhalan jiray biyaha aan nadiifka aheyn ee ay dadku cabi jireen ay hadda meesha ka bixi doonaan.

“Inka badan 75% wax bay ka beddeli kartaa, sababtu waxaa weeye biyaha waxaa laga soo saaray dhulka hoostiisa oo aan soo marin dariiq ay ku wasaqoobaan”, ayuu yiri Cabdinuur

Ka hor intii aanan biyo-gelintan la sameyn dadka Burtinle, waxaa kaloo ay biyo aan badneyn ka heli jireen labo ceel biyood oo qodaal ah oo ay ganacsato deegaanka ah ka hirgeliyeen 2014.

Degmada Burtinle waa meesha ay ku nool yihiin xoolo-dhaqatada ugu badan ee gobolka Nugaal, kuwaas oo lagu qiyaaso in ay ka badan yihiin 109,000 oo qof, sida lagu sheegay xog uruurintii u dambeysay ee qiimeynta dadka oo ay wasaaradda qorsheynta Puntland soo saartay 2014.  Dadkaas ayaa iyaguna kamid ah kuwa biyo-gelinta Burtinle ka faa’iideysanaya.

Maalin kasta 25 booyadood ayaa biyo dhaamin u sameeyo dadka iyo duunyada ku nool miyiga Burtinle, waxaana halkii booyad ay deegaannadaas biyaha ku geysaa $50.

Qiimahaas oo ah mid ka sareeya kan gudaha degmada biyaha looga iibsado, sababta sidaas loo yeelanayna waxay tahay saacadaha ay booyaddu safarka tahay iyo shidaalka ku baxa, sida milkiilayaasha booyadaha ay noo sheegeen.

Gobollada Puntland oo dhan waxaa dadku ay cabasho ka muujiyaan ku filnaansho la’aanta biyaha, taas oo sii kororta marka ay abaarurhu jiraan.

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Beeraleyda Balcad oo ka cabanaya cayayaan galay beerahooda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
DHOBLEY FARMERS SEE BENEFIT OF WATER CONSERVATION

Beeraleyda Balcad oo ka cabanaya cayayaan galay beerahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo