Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Barakacayaal iyo danyar ka shaqeysta shirkad bacaha la tuuro wax soo saarka ka sameysa

Radio Ergo by Radio Ergo
November 20, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Laascaanood: Xoolo-dhaqato ka cabanaya bacda ku jira qashinka lagu daadiyo dooxooyinka xooluhu daaqaan

Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ubax Macallin oo heysata shan carruur ah waxay kamid tahay boqol iyo siddeetan qof oo danyar iyo barakac ah oo ka shaqeeya warshad caagadaha iyo bacaha la tuuro ka sameysa jileyga guryaha la saaro oo ku taalla deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Warshaddan oo lagu magacaabo African Solution waxaa u jeedka loo furay uu yahay in qashinka magaalada buux-dhaafiyay loo beddelo wax saar la isticmaalo si wax looga qabto faya-dhowrka deegaanka oo aad u liita iyo in fursad shaqo ay helaan dadka danyarta ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay maamulaha warshadda Cabdi Xirsi Cali.

Ubax iyo 69 qof oo kale, waxay soo uruuriyaan qashinka caagadaha bacaha iyo biraha gawaarida la tuuro, ma ahan shaqaale bishii lacag ka qaata warshadda, hase yeeshee waxaa loo cabbiraa inta kiilo ee ay maalintii la yimaadaan, waxaana ugu badnaan maalintii ay ka helaan $10.

“Waxaan qashinka ka soo uruuriyaa waddooyinka xaafadaha, maalintii waxaan keensadaa 30 kiilo, saddex kun ayaa kiiladii la iigu dhuftaa, waxay ii noqotaa lacag badan oo aan qaar meel dhigto, qaarna aan nolosha carruurta ku debbero,” ayey tiri Ubax.

Ubax oo muddo sanad ah ka shaqeysa warshaddan, waxay saddex sano deggan tahay magaalada Muqdisho. Waxay sheegtay in ay uga soo barakacday gobolka Shabeellaha hoose, markii ay weysay waxay siiso carruurteeda iyo shaqo ay qabato. Ka hor intii aysan  shaqadan helin waxay qaban jirtay shaqooyin dhar-dhaqistu ay kamid tahay.

Waxay sheegtay in gabar la dhalatay iyo mid ay dhashay ay ka bixiso iskuulka dugsiga hoose, iyadoo middiiba bishii ka bixisa $8, waxayna hadda dhiganayaan iskuulka toddoba bilood. Carruurteeda ayey xustay in ay ka caawiyaan in caagadaha kuwa waa weyn iyo kuwa yar yarba ay la soo ururiyaan.

Warshadda oo la aasaasay 2011, hase yeeshee loo waayay qarash ay howlgasho ayaa la qalabeeyay billowgii sannadkan, iyadoo suuq geynteedii ugu horreysay billowday bishii  Oktoobar. Maamulaha warshadda ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maalintii ay soo saaraan toddobo boqol ilaa siddeed boqol oo jiley ah.

“Waxaan ogaannay in muhiim ay tahay in qashinka laga faa’iideysto oo dad badan ay shaqo ka heli karaan, waxaan diyaarinnay qashin iyo caagado tira badan oo laga faa’iideysanayey, kaddib aan sidaas shaqadan ku billownay.” ayuu yiri Cabdi.

Caagadaha ayaa la geeya marka koowaad qeyb keyd ah, iyadoo la marsiiyaa makiinad shiidda, waxaa la isku qasaa ciid ama carro iyo shamiito, kaddibna waxaa lagu shubaa warshadda, sidaas ayaana lagu soo saaraa jileyga.

Jileyga ayaa inta badan waxaa isticmaala dadka ku nool meelaha xeebaha ah, wuxuuna kaga duwan yahay jiingadda inuusan u baahneyn in la beddelo waqti kaddib, halka dadka xeebaha deggan ay sanadkiiba iska beddelaan jiingadda ay saartaan guryaha.

Wuxuu ka raqiisan yahay midka dibadda laga keeno. Halkii xabbo waxaa suuqyada Muqdisho lagu iibiyaa $2, halka midka dibadda laga keeno lagu gado shan doolar sida uu sheegay Cabdi.

Dadka ka shaqeeya warshadda waxaa ka mid ah dad ku xoolo waayey abaaraha oo deegaannadoodii maciin biday in ay magaalooyinka ka helaan shaqo ay nolol maalmeedka ka helaan, kaddib markii ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen.

Cabdifitaax Xasan wuxuu ahaa reer guuraa ku  xoolo beelay baaddiyaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, labo bil oo uu shaqo la’aan ahaa kaddib imaashihiisii Muqdisho wuxuu sannad iyo saddex bil ka tirsan yahay shaqaalaha warshadda.

Cabdifitaax oo markii ugu horreysay qabanaya shaqo ka baxsan xoolo-raacidda, wuxuu sheegay in ka hor inta aanu shaqadan billaabin loo tababbaray qaabka qashinka iyo ciid la isku daray jilay looga soo saaro. $200 oo uu bishii qaato wuxuu ku maareeyaa nolosho qoyskiisa.

“Nolosheyda wax badan bay ka beddeshay oo cid baan dul saar ku ahaa, haddana guri kira ah ayaan degganahay, konton kiro ayaan isaga bixiyaa, boqol iyo kontonka soo harayna waxaan ku dabaraa biilka, waxbarashada carruurta, korontada iyo biyaha guriga. Marka mushaarkaas intaas ayuu iga kaafiyaa,” ayuu yiri Cabdifitaax

Wuxuu shaqada ku tagaa gaari ay leedahay warshadda oo dib ugu soo celiya xaafadda uu deggan yahay oo ku taalla degmada Hodan, taas oo uu kala siman yahay shaqaalaha warshadda, maaddaamaa meesha ay shirkaddu ku taalla ay ka yara fog tahay magaalada.

 

Previous Post

Dad barakacay oo ka shaqeysta ururinta caagadaha iyo bacaha la tuuro

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Ganacsiga xoolaha ee xeryaha Dhadhaab oo ay saameysay abaarta

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-OCT-2026

IDAACADDA 03-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo