Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Arday badan oo ku biiray dugsiga Magaalo-cad wacyigelin la sameeyey kaddib

Radio Ergo by Radio Ergo
November 26, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
URUR DHALINYARO JAMACADAHA KA SOO BAXAY OO ISU TAAGAY TACLIIN INAY U RAADIYAAN ARDAYDA SABOOLKA AH

Photo | kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Wacyigelin dhinaca waxbarashada ah, oo laga sameeyey deegaanka Magaalo-cad oo 6km u jira magaalada Berbera ayaa dhaliyey in arday badan ay iska qoraan dugsiga hoose/dhexe oo si bilaash ah wax looga barta, kaasoo deegaanka laga furay September, 2018.

Wacyigelinta oo billaabatay bishii October, socotayna saddex toddobaad, ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey waaxda waxbarashada ee dowlada hoose ee Berbera, wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo hay’adda SOS ee ka shaqeysa waxbarashada. Waxay keentay in 82 arday oo cusub ay dugsiga Magaalo-cad ay ku biiraan. Horay waxaa iskuulka u dhiganayey 36 arday, waxayna tirade ku biirtay ka dhigtay in hadda ay iskuulka wax ka bartaan 118 arday.

Deegaanka oo ay ku nool yihiin dad xoolo-dhaqato ah, ayaa qaar badan oo kamid ah carruurta waxbarashada gaartay aysan u suurtagelin in ay iskuullada aadaan, iyadoo qoysaskooda ay marba meesha daaq iyo biyo laga sheego ula guuraan xoolaha.

Ayaanle Axmed Maxamed, madaxa qeybta wacyi-gelinta waxbarashada ee ha’yadda SOS oo dhistay dugsigan ayaa sheegay in 500 oo carruur waxbarashada gaartay ay Magaalo-cad ku nool yihiin, ayna wax kasta sameeyeen si looga mira-dhaliyo ololahooda.

“Waxbarashadu waa muhiim. Tuulo intaas oo carruur ah ay ku nooshahay oo aanay waxba baraneyn waa dhibaato. Markii la arkay tirada carruurta ee halkan ku nool ayaa la go’aansaday in dugsiga loo dhiso” ayuu yiri Ayaanle.

Aamina Maxamuud Ismaaciil, oo kamid ah dadka ku nool Magaalo-cad, ayaa afar carruur ah oo u gaaray da’da waxbarashada ay geysay dugsiga wacyigalinta kaddib. Waxay u sheegtay Raadiyo Ergo in markii hore ay carruurta raaci jireen 76 neef oo ari ah oo qoyskoodu leeyahay.

“Guriga ayaa la iigu yimid. Dugsiga ayaa kulamo aan ku galnay, waan qaadannay talooyinka ay na siiyeen maamulka dugsiga iyo dadka kale ee wacyigalinta la waday”, ayey tiri Aamina.

Waxbarashada dugsigan waxaa sidoo kale loogu talogalay in ay ka faa’ideystaan ardayda saddex deegaan oo kale oo u dhow Magaalo-cad. Wacyigelinta kaddib 21 arday ayaa isku dardar deegaannadaas uga soo biirtay iskuulka, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey Aadan Maxamed Cumar oo kamid ahaa guddi deegaanka ah oo loo sameeyay sidii ay carruurtooda u keeni lahaayeen dugsiga.

Dugsiga Magaalo-cad, waxaa u dhammeystiran qalabka waxbarashada sida buuggaagtii, casharada laga dhigayay, sabbuuradihii iyo agab kale.  Waxaa uu ka kooban yahay siddeed fasal, macallimiinta wax ka dhigayana waxaa mushaarkooda bixinaya dowlada hoose ee Berbera.

Isku-duwaha wasaaradda waxbarashada Somaliland ee gobolka Saaxil, Ibraahim Digaale ayaa sheegay in dugsigan ay ku dareen kuwa dowladda oo ay maamulkiisa la wareegeen.

“Waxaanu u sheegaynay in reerkii saddex carruur ah heysta ay labo keenaan marka hore si ay kan kale ay wax ugu dirsadaan. Arrintaasi way naga aqbaleen bulshadu. Hadda waxbarashadu inaanay ka istaagin ayaan ku han-weynahay, in uu noqdo dugsi dad aqoon leh ka soo baxaan”.

Ibraahim Digaale ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan wacyigelinta, ayna rajeynayaan in shan bilood gudahooda ay tiro ka badan kuwa hadda dhigta iska qori doonaan dugsiga Magaalo-cad.

 

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Bandhig wax soo saarka timirta oo lagu qabtay Garowe

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Bandhig wax soo saarka timirta oo lagu qabtay Garowe

Bandhig wax soo saarka timirta oo lagu qabtay Garowe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo