Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Dhaqashada shinida oo ku sii kordhaysa gobolka Galgaduud

Radio Ergo by Radio Ergo
October 30, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhaqashada shinida oo Galgaduud ku sii badanaysa

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Cumar Daahir Cismaan oo 24 jir ah, horay wuxuu u ahaa xoolo dhaqato, wuxuuse hadda ka shaqeeyaa xanaanaynta shinida oo uu ka xoogsanayey todobadii bilood ee la soo dhaafay.

Wuxuu ka qataa lacag 300 oo dollar ah bishii taasoo u sahashay in qoyskiisii oo cayrtoobay uu u raro Guraceel. Wuxuu ka mid yahay Cumar 63 xoolo dhaqato ah oo hadda ka xoogsada beero shini oo sanadkaan ku sii kordhaya Galgaduud.

“Waxaan shaqadaan bilaabay bishii Maarso ee sanadkaan, barakac ayaan ku ahayn Lebile, wax aan cunno, hoy iyo nolol toona ma aanan haysan, hadda intaan shaqadaan bilaabay waan guursaday, Guraceel ayaan guri ka degey, qoyskii waalidkay oo 6 qof ka koobanna oo cayrtoobayna magaladaan guri uga kireeyey, waana biilaa” ayuu yiri Cumar.

Galgaduud oo ah gobol dadku ku tiirsan yihiin nolol ahaan dhaqashada xoolaha ayaa sanadkaan laga hir geliyey 10 beerood oo shiniya, taasoo fursad shaqo u noqotay xoolo dhaqatadii cayrtowday.

Cumar iyo qoyskiisu waxay deganayeen miyiga tuulada Labiley oo 20km dhinac koonfureed ka xigta degmada Guraceel, abaartii 2017 ayaana dhaafisay 200 oo neef oo ariya oo ay lahaayeen.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqsitii xoolaha ay in badan ka dhib yartahay shinidu, markii uu bilaabay uu la yaabanaa sida wax looga helayo, haddase uu la qabsaday uuna ogaaday wax soo saarkeeda.

Wuxuu sheegay in dhaqista shinidu ay meelo kala mid tahay xoolaha, sida xoolaha loo naq raaciyo iyadana loo naq raaciyo hadba meeshii roob ka ka da’o, iyadoo meelaha abaarta ah aysan shinida malab badan ku samayn karin.

Dadka beeraha shinida ka hir geliyey Galgaduud waxaa ka mid ah Cabdicasiis Daahir Maxamuud oo ah aas aasaha shirkadda malabka ee Aaran oo Dhuusamareb ku taala, jaamacadda Muqdisho ayuu horay uga bartay culuunta beeraha, wuxuuu bilaabay in uu dhaqado shinida 2017, isagoo maal gelin ku sameeyey 15 kun oo dollar oo ku taagay beertii shini ee ugu horaysay ee Galgaduud.

Hadda wuxuu leeyahay 7 beerood, midiiba waxaa yaal 60 sanduuq oo midkastaa boqorkiisa iyo shinidiisa leeyahay, iyadoo halkii beerba shan qof.

“Shinida waxaan ka keenay gobolka Hiiraan iyadoo sanduuqyo ku jirta, oo aan ka soo iibsaday beeralay iyaguna shinida dhaqda, waxaan rajaynayaa in aan gaarsiiyo boqolaal beerood oo gobolkoo dhan ku fidiyo” ayuu yiri Cabdicasiis.

“Shinida wax soo saarkeedu waa fiicanyahay sanadkii 7 ilaa 8 mar ayaa miiritaan lagu sameyaa oo malab laga soo saaraa, waxaa laga yabaa il 2 ilaa 3 bil in ay aysan waxba soo saarin sanadkoo dhan 3 ilaa 4 kun oo dollar oo faa’iido ah ayaanan ka helaa markii ay dhashaba” ayuu yiri Cabdicasiis.

“Halkii boqor marka uusan waxba soo saarin halkii boqor ugu yaraan 5 litir oo malab ah ayuu dhalaa” ayuu yiri Cabdicasiis.

Cabdicasiis ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in shaqo la,aanta dalka ka jirta ay ku dhalisay fikradan uu hadda ku shaqeysto, dadkalena uu shaqo ugu abuuray, wuxuuna aaminsan yahay in dadka jaamacadaha ka baxay ay fursado banan heystan oo ay iskood isku shaqaleysiin karaan, wax soo saarka dadkana muhiim u tahay.

Wuxuuna sheegay in todobada beerood ee shinida ahi ay hadda ku kala yaalaan Dhusamareeb, Ceeldheere iyo Guriceel oo kawada tirsan Galgaduud, waxaana kiiladii malabka ah laga siistaa beerta dhexdeeda 7 dollar.

Cabdi Daahir Cismaan waa qofkii ugu danbeyay ee hirgaliya nidaamka shini dhaqashada isaga iyo koox dhalinyaro reer miyiga iyo reer magaal ah ayaa maalgalin shirko ah oo 10,000 oo doolar ah ku sameyay, iyadoo halkii beerba ay taallo 60 boqortooyo oo shini ah.
“Sagaal bilood ka hor ayaan sanduuqii ugu horeeyey dhigeen Guraceel, waxaan arkay inay leedahay fursad dhaqaale iyo shaqo, runtiina waa shaqo ka fudud dhaqashada xoolaha, kana manafacaad badan” ayuu yiri Cabdi Daaahir.

Wuxuu intaas ku daray in 28 dhallinyaro shaqaale ah iyo 7 maamulayaal ah ay ka shaqeeyaan 7 beerood, shaqalahaas oo dhamaantood ah qoysaskii soo cayrtoobay oo iyana ay u noqotay shaqo abuur, qofkiina uu siiyo 200 oo dollar oo mushar ah bishii, iyadoo beertiiba saddex bilood kasta soo saarto 250 litir oo malab ah.

“Shaqaalaha hadda waxay qabtaan shaqo kala duwan, markii hore waxay ahayeen dadka iska shaqo la,aan, shaqaalaha waxaan ku qaataa in uu yahay qof karti leh oo ka bixi kara socodka dheer, tababarna waan siiyaa ku aadan habka shinida loo xanaaneeyo iyo sida malabka looga guro” ayuu yiri Cabdi Daahir.

Ka sokow dadka shaqada ka helay waxaa iyana wax soo saarka malabka faa’iido ka helay dadka ganacsatada ah oo iyagu beeraha shinida malabka ka iibsada siina biic geeya
Daa,uud Cabdilaahi oo ku nool Dhuusamareb, kana ganacsada malabka ayaa sheegay in ay horay uga keeni jireen malabka ay gobolka ku iibiyaan dalka Itoobiya, kaasoo ugu imaan jiray qiimo halkii litir 15 dollar, haddase ay shirkadaan kaga helaan kala bar lacag u dhiganta litirkii.

“Anniga shirkadaan ayaa malabka aan u baahnahay aan ka iibsanaa, annigoo u qaybiyo dukaamo magaalooyinka Galgaduud ka kala furan, kuwaasoo dadku ka sii iibsadaan, waxaanan ku siinaa 10 dollar litirkii” ayuu yiri Daa’uud.

Wuxuu sheegay in malabka ka soo baxaa badan yahay, wakhti kastana laga helo shirkada malab ay soo goysay, dadka culimada iyo kuwa kale ee daawo dhaqameedka wax ku daaweeya ee gobolka ayaana aaminsan in malabku uu daawo yahay, cunistiisana ay taasi dhiiri geliso.

Previous Post

Dhaqashada shinida oo Galgaduud ku sii badanaysa

Next Post

Dadka xeryaha Dhadhaab ku jira oo aan diwaan gashanayn oo hoy la’aani haysato

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dadka xeryaha Dhadhaab ku jira oo aan diwaan gashanayn oo hoy la’aani haysato

Dadka xeryaha Dhadhaab ku jira oo aan diwaan gashanayn oo hoy la'aani haysato

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo