Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dadka degmada Dhahar oo dhaqan-gelinayo joojinta dhuxusha

Radio Ergo by Radio Ergo
October 9, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Shir dhinaca joojinta dhoofka dhuxusha ah oo lagu soo gebagebeeyey Muqdisho

Sawiirrada keyda Ergo

21
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Iyadoo la dhaqan-gelinayo heshiis dadka deegaanka degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ay ka gaareen joojinta dhuxusha ayaa toddobaadkan waxay meel fagaare ah ku gubeen ilaa 10 kiish oo dhuxul ah oo laga keenay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dhuxusha oo la rabay in magaalada laga dhexgado ayaa dadka deegaanku ku gubeen goob fagaare, iyadoo arrintan ay ka dambaysay markii dadku isku raaceen xilligii la joojinayay jarista dhirtay in magaalada aan laga isticmaali karin dhuxusha. Waxaa deegaanka laga dareemay isbeddelo ballaaran kuwaas oo ay kamid tahay soo laabashada bilicda deegaanka iyo duurjoogta.

Xeer dadka deegaanku ay dhigteen ayaa sheegayay qodobbo ay kamid yihiin hal sano la xirayo qofkii la arko isagoo geed goynaya ama dhuxul keenaya magaalada, in la ganaaxayo gaarigii keena dhuxul iyo in la gubayo dhuxul kasta oo laga helo magaalada.

Guddi iskood isu xilmaaqay oo dadka deegaanku sameystay ayaa isu taagay joojinta dhuxusha, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Ismaaciil Cabdi Shabeelle oo kamid ah guddiga joojinta dhir jarista ee deegaannada Dhahar hoostaga.

“Deegaanku waa dhul xoolo dhaqaoa ah, dhir buu leeyahay dhirtaas haddaan la ilaalin dhulku xaaluf buu isku beddelayaa, si arrintaas looga hortago waxaan sameynay sharci, kaas oo noqday in wax walboo deegaanka dhib u keeni kara laga hortago.’’

Kulan guddiga iyo dadka deegaanku dhammaadkii bishii hore isugu yimaadeen ayuu sheegay Ismaaciil, in dadka loogu sheegayay baraarujin ku saabsan in xeerkii lagu soo dhaqmayay uu yahay mid sidiisii u sii jiri doono.

Horumar badan ayuu xusay in laga sameeyay Dhahar oo cid dhir jari kartaa aanay jirin, iyadoo la mamnuucay dhuxushii deegaanka laga isticmaalayay si aan dhirba loo jarin.

Wuxuu sheegay in dhuxusha laga shido dhirta laga jaro deegaanka laga dhoofin jiray dekedaha waddanka oo dhuxusha degaanka laga shido keliya aanay ku ekeyn waxa deegaanka xaalufinayay xilligii xeerka la sameeyay.

Xeerka waxaa dhaqan gelistiisa leh guddigan joojinta jarista dhirta ee degmada Dhahar oo isugu jira 25 gole fulin ah, 84 haween ah iyo 100 ilaaliyaal ah, kuwaas oo soo xirista dadka ka kaashada ciidamada booliska degmada.

“Mid dhulka lagu iibiyo iyo mid magaaladu isticmaasho ilaa hadda ma jirto, guddigaas oo kaashanaya dadweynaha deegaanka ayaa joojiyey, khatar weyn ayaa la dareemay, gudigan keliyana wax ma qabane ummadda oo dhan ayaa garab taagan” ayuu yidhi  Ismaaciil”.

Wuxuu xusay in ay soo mareen heerar kala duwan oo markii hore wacyigelin ay sameeyeen ka hor inta aanay tallaabo qaadin, kaddibna ay qabanayeen howllagada lagu celinayay dhir jarista taas oo aanay jirin caqabad ay kala kulmeen intii howlahan ay wadeen.

Cawil Dhiilood Samatar oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in deegaanka oo saxare ahaa markii laga jari jiray dhirta uu hadda yahay mid doog leh oo roob iyo la’aanba xooluhu ay ku nacfiyaan.

”Waxaa aad isku beddelay dhulka, wuxuu noqday dhul keyma ah oo roobku mar kasta ku da’o, xoolihii baa naafac yeeshay,  wax badan baa soo noqday, noloshii ayaa soo noqotay xataa ugaadhii waxay gaadhay heer aad moodo in iyaga iyo ariga iyo dadkiibu ay saaxiib yihiin oo ay  isku soo dhawaadeen”.

Muxubbo Maxamed Cismaan oo kamid ah dadka deegaanka, horayna u isticmaali jirtay dhuxusha waxay sheegtay in Dhahar aan laga shidan wax dhuxul ah oo dadku isku dayeen in ay ka maarmaan si deegaanka aanu u nabad guurin.

“Dadka qeybi waxay shidataa gaas, qeybi waxay shidataa bahal yar oo shoolad la yiraahdo oo gaas lagu shubo, qeybina waxay shitaan xaabo laga soo guro duurka oo ka dhaca marka geeduhu duqoobaan, isbaddal waxaa noo muuqda dhulkii oo hagaagay dhirtii oo baxday xoolihii oo daaq heley “

Muxubbo ayaa sheegtay in dadka deegaanka oo carruurtu ku jirto ay la qabsadeen in deegaanka aan dhir laga jari karin dhuxul laga sameeyo, waxay xustay in xitaa deegaannada kale haddii aad ka soo qaadato dadku weydiinayaan in qodobbadii dadka deegaanku ku heshiiyeen ay jabiyeen.

“Ceerigaabo ayaan gaadhi ka soo saaray kiish dhuxula, wiil yar oo aan eeddo u ahay ayaa i dhahay eeddo qoddobkii deegaanka ayaa ku qabanaya , waxaan dhahay eeddo waxaan u sitaa uunsigii ayaan weynay waxaan ku shidanno.  Heer waxaan gaadhnay aan taas joojinno oo xitaa uunsigii koronto u soo iibsanno”

 

Previous Post

Jaamacadda PSU oo cilmi baaris ka soo saartay daawooyinka

Next Post

Dhageyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

Dhageyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo