Iyadoo la dhaqan-gelinayo heshiis dadka deegaanka degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ay ka gaareen joojinta dhuxusha ayaa toddobaadkan waxay meel fagaare ah ku gubeen ilaa 10 kiish oo dhuxul ah oo laga keenay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Dhuxusha oo la rabay in magaalada laga dhexgado ayaa dadka deegaanku ku gubeen goob fagaare, iyadoo arrintan ay ka dambaysay markii dadku isku raaceen xilligii la joojinayay jarista dhirtay in magaalada aan laga isticmaali karin dhuxusha. Waxaa deegaanka laga dareemay isbeddelo ballaaran kuwaas oo ay kamid tahay soo laabashada bilicda deegaanka iyo duurjoogta.
Xeer dadka deegaanku ay dhigteen ayaa sheegayay qodobbo ay kamid yihiin hal sano la xirayo qofkii la arko isagoo geed goynaya ama dhuxul keenaya magaalada, in la ganaaxayo gaarigii keena dhuxul iyo in la gubayo dhuxul kasta oo laga helo magaalada.
Guddi iskood isu xilmaaqay oo dadka deegaanku sameystay ayaa isu taagay joojinta dhuxusha, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Ismaaciil Cabdi Shabeelle oo kamid ah guddiga joojinta dhir jarista ee deegaannada Dhahar hoostaga.
“Deegaanku waa dhul xoolo dhaqaoa ah, dhir buu leeyahay dhirtaas haddaan la ilaalin dhulku xaaluf buu isku beddelayaa, si arrintaas looga hortago waxaan sameynay sharci, kaas oo noqday in wax walboo deegaanka dhib u keeni kara laga hortago.’’
Kulan guddiga iyo dadka deegaanku dhammaadkii bishii hore isugu yimaadeen ayuu sheegay Ismaaciil, in dadka loogu sheegayay baraarujin ku saabsan in xeerkii lagu soo dhaqmayay uu yahay mid sidiisii u sii jiri doono.
Horumar badan ayuu xusay in laga sameeyay Dhahar oo cid dhir jari kartaa aanay jirin, iyadoo la mamnuucay dhuxushii deegaanka laga isticmaalayay si aan dhirba loo jarin.
Wuxuu sheegay in dhuxusha laga shido dhirta laga jaro deegaanka laga dhoofin jiray dekedaha waddanka oo dhuxusha degaanka laga shido keliya aanay ku ekeyn waxa deegaanka xaalufinayay xilligii xeerka la sameeyay.
Xeerka waxaa dhaqan gelistiisa leh guddigan joojinta jarista dhirta ee degmada Dhahar oo isugu jira 25 gole fulin ah, 84 haween ah iyo 100 ilaaliyaal ah, kuwaas oo soo xirista dadka ka kaashada ciidamada booliska degmada.
“Mid dhulka lagu iibiyo iyo mid magaaladu isticmaasho ilaa hadda ma jirto, guddigaas oo kaashanaya dadweynaha deegaanka ayaa joojiyey, khatar weyn ayaa la dareemay, gudigan keliyana wax ma qabane ummadda oo dhan ayaa garab taagan” ayuu yidhi Ismaaciil”.
Wuxuu xusay in ay soo mareen heerar kala duwan oo markii hore wacyigelin ay sameeyeen ka hor inta aanay tallaabo qaadin, kaddibna ay qabanayeen howllagada lagu celinayay dhir jarista taas oo aanay jirin caqabad ay kala kulmeen intii howlahan ay wadeen.
Cawil Dhiilood Samatar oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in deegaanka oo saxare ahaa markii laga jari jiray dhirta uu hadda yahay mid doog leh oo roob iyo la’aanba xooluhu ay ku nacfiyaan.
”Waxaa aad isku beddelay dhulka, wuxuu noqday dhul keyma ah oo roobku mar kasta ku da’o, xoolihii baa naafac yeeshay, wax badan baa soo noqday, noloshii ayaa soo noqotay xataa ugaadhii waxay gaadhay heer aad moodo in iyaga iyo ariga iyo dadkiibu ay saaxiib yihiin oo ay isku soo dhawaadeen”.
Muxubbo Maxamed Cismaan oo kamid ah dadka deegaanka, horayna u isticmaali jirtay dhuxusha waxay sheegtay in Dhahar aan laga shidan wax dhuxul ah oo dadku isku dayeen in ay ka maarmaan si deegaanka aanu u nabad guurin.
“Dadka qeybi waxay shidataa gaas, qeybi waxay shidataa bahal yar oo shoolad la yiraahdo oo gaas lagu shubo, qeybina waxay shitaan xaabo laga soo guro duurka oo ka dhaca marka geeduhu duqoobaan, isbaddal waxaa noo muuqda dhulkii oo hagaagay dhirtii oo baxday xoolihii oo daaq heley “
Muxubbo ayaa sheegtay in dadka deegaanka oo carruurtu ku jirto ay la qabsadeen in deegaanka aan dhir laga jari karin dhuxul laga sameeyo, waxay xustay in xitaa deegaannada kale haddii aad ka soo qaadato dadku weydiinayaan in qodobbadii dadka deegaanku ku heshiiyeen ay jabiyeen.
“Ceerigaabo ayaan gaadhi ka soo saaray kiish dhuxula, wiil yar oo aan eeddo u ahay ayaa i dhahay eeddo qoddobkii deegaanka ayaa ku qabanaya , waxaan dhahay eeddo waxaan u sitaa uunsigii ayaan weynay waxaan ku shidanno. Heer waxaan gaadhnay aan taas joojinno oo xitaa uunsigii koronto u soo iibsanno”









