Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Carruur aan la tallaalin oo jadeeco ugu geeriyootay Shabeellaha dhexe

Radio Ergo by Radio Ergo
October 25, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur aan horey tallaal u helin oo jadeeco laga dawaynayo

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kow iyo toban carruur ahaa ayaa geeriyootay in ka badan afartan kalena way la xanuunsan yihiin, kaddib markii ay ku dhacday jadeeco shanti toddobaad ee u dambeysay ka jirtay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Sida laga soo xigtay hay’adda Intersos oo maamusha isbitaalka degmada Jowhar iyo sidoo kale dhowr xarumo caafimaad oo ku yaalla meelo gobolka ka tirsan, qoysas badan oo ku nool tuulooyin kala duwan ayay saameysay jadeecada oo dillaacday 20-kii bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Kiisaskii u horreeyay ee jadeecada ayaa  lagu arkay tuulooyinka Dhaafo oo ka tirsan Mahadaay iyo Buurane oo Jowhar ka tirsan.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Cabdiraxmaan oo ah agaasimaha isbitaalka Intersos ayaa xaqiijiyay dhimashada kow iyo tobanka carruurta ahaa, wuxuu intaas ku daray in kuwo kale ay aad ugu nugul yihiin geeri  ama naafonimo waarta oo ay ka dhaxlaan heerarka tallaalka oo hooseeya.

“Marki u dambeysay ee olole tallaal laga sameeyo tuulooyinkaas waxay ahayd 2017,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan. “Carruurta ugu badan ee jadeecadu saameysay waa kuwo aan helin tallaalka, sababtoo ah waalidiintood ayaan fahamsaneen muhiimaddiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Jacfar Jimcaale Mahad waa aabbaha toddobo carruur ah oo ku nool tuulada Dhaafo, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in saddex carruurtiisa ka tirsan oo kala ah gabar iyo labo wiil ay ku dhacday jadeecada.

Wuxuu daawo dhaqameed ahaan u adeegsanayay geedka Mareerka la yiraahdo si uu udaweeyo carruurtiisa.

Wuxuu sheegay in labada wiil ay ka bogsadeen cudurka maalmo kaddib, laakiin xaaladda gabadhiisa ay ka sii dartay ilaa ay indho la’aan noqotay.

“Waxaan isticmaaleynay Mareer si aan u daweyno carruurta, wiilashu aad bay u caafimaadeen laakiin gabadha waxay xanuunsaneyd 22 maalmood. Mar dambe ayaan ogaannay in gabadhu aanay waxba arki karin, waxaan u qaadnay isbitaalka, waxayna dhakhaatiirtu noo xaqiijiyeen inay beeshay isha midig,” ayuu yiri Jacfar.

Aadan Muuse waa 41 jir ku nool tuulada Buurane oo 20 km u jirta degmada Jowhar, waxaa cudurka jadeecada uga geeriyootay gabar uu dhalay oo jirtay siddeed bilood. Afar ka tirsan carruurtiisa ayay ku dhacday jadeecada.

“Gabar ayaa cudurka iiga geeriyootay, saddex ayaa hadda bogsootay. Ma laha xarun caafimaad tuuladeenna, wayna adag tahay in la helo wax daawo ah haddii uu qof xanuunsado,” ayuu yiri Aadan.

Madiina Cismaan Dugow oo iyaduna ku nool tuulada Dhaafo ayay jadeecada ka dishay gabar ay dhashay oo afar sano jir ahayd. Waxay sheegtay in dhimashada gabadheeda ay sabab u tahay tallaal la’aan.

“Shan carruur ah ayay iiga dhacday jadeecada, afar horay loo tallaalay durbaba way caafimaadeen, laakiin gabadha oo aan weligeed la tallaalin ayaa u dhimatay cudurka,” ayay hooyo Madiino u sheegtay Raadiyo Ergo.

Previous Post

Barnaamijka dalandool

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Wararkii Qiimaha Xoolaha

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo