Dugsi hoose dhexe oo bilaash ah ayaa laga furay tuulada Xayira oo 80 km dhanka bari kaga beegan magaalada Burco. Dugsiga ayaa sidoo kale leh jiif, si ardaydu aanay bannaanka inay aadaan ugu baahan, ulana guurguurin qoysaska ay ka soo jeedaan oo xoolo-dhaqato ah. 120 arday ayaa hadda wax ka barata dugsiga oo la furay dhammaadkii bishii la soo dhaafay ee Agoosto, sida uu warbixintaan ku faahfaahinayo weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Burco Sidiiq Yuusuf Khalaf.










