Maxamed Macalin Cali oo 48 jir ah aabaha siddeed carruur ah, wuxuu muddo 28-dii sano kaga shaqaysanayay magaalada Garowe ee xarunta Puntland xirfadda dhireynta guryaha iyo goobaha gaarka loo leeyahay – waxayna shaqadan u aheyd tan keliya ee uu nolosha qoyskiisa ka maareeyo oo dhan iyo xataa waxbarashadda carruurtiisa Siddeeda ah ku maareeyo. Waxaa uu tan iyo markii uu billaabay howsha dhireynta sanadkii 19dii uu ku guuleystay in uu ku beero magaalada Garowe qiyaastii 100,000 oo geed oo isugu jira dhir hareedka, ubax iyo khudaar.
Waxay ugu suurtagashay dhirtani waa dhir uu guryo, goobo gaar loo leeyahay, ganacsiyo, xaruumo dowladeed iyo kuwa hay’adeedba ku beeray, xisaabtuna waa qiyaastii in ka badan yihiin buuba qabaa.
Muddadii uu shaqada dhireynta waday waxay u aheyd shaqadiisa keliya ee uu nolosha qoyskiisa ka maareeyo – oo marba uu faa’iido aan joogto aheyn uu ka heli jiray. Shan kamid ah carruurtiisa ayaa dhigto dugsiyada hoose/dhexe iyo saree e Garowe oo uu lacagta iskuulka ka wada bixiyaa.
“Ujeedada hadafkayga ugu weyn wuxuu ahaa in aan magaaladda ku soo kordhiyo quruxda magaalooyinka kale ay leeyihiin ee bilicda ah ee dhiraynta ah, annaguna aan ku noolaano. Faham wanaagsan oo aad iyo aad ah baa hadda jira oo ay bulshaddu qaadatay, sidaad ka warqabtaan”
Si howlaha uu muddada intaas la’eg u hayey ballaariyo, iyo fahamkii ay bulshadu ka heysatay dhireynta oo isbeddelay awgeed ayaa Maxamed Macallin iyo rag kale waxay laba sano ka hor Garowe ka hirgeliyeen xaruuntii ugu horreysay ee dhiraynta oo loo bixiyay Dalsan taas oo bixisa adeegyo ay ka mid yihiin dhireynta guryaha, xarumaha hay’adaha, jaamacadaha, jidadka iyo goobaha bulshada ka dhexeeya, iyadoo islamarkaasna adeegyo la talinta ah siisa xaruumaha waa weyn ee la dhireeyo.
Garowe oo ku taala dhul kulayle xigeen ah oo dhirtu ku yartahay ayaa la rumaysan yahay in hadii la dhireeyo ay wax ka bedeli karaan cimiladeeda, sida ay ku taliyaan khuburadda deegaanku.
Waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed in waayadii hore aysan bulshadu ku baraarugsaneyn in guryaha iyo goobaha dadka ka dhexeeya aanay muhim aheyn in dhir lagu beero – keliyana ay muhimad u arkayeen in beeraha uun wax lagu beero, laakiin fahamka isbeddelay xilliyadan dmabe uu yahay in dadku ay raadiyaan dhir ay ku qurxi karaan guryahooda ama xarumaha ay ku shaqetaan.
Maxamed oo maamula xarunta waxaa maalin kasta shaqeeyaa 10 saacadood. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay bil walba iib-geeyaan 500 – 1,500 oo geed. Waxaa inta badan geedahaas laga soo dalbadaa gudaha magaalada Garowe. Waxay sidoo kale u iib-geeyaan magaalooyin kale oo ay ku jiraan Boosaaso, Gaalkacyo, Goldogob iyo Kismaayo.
“Bishii waxaa laga yaabaa in aan dhirayno ugu yaraan 30 guri. Waxaan tagnaa Garowe iyadoo la leeyahay dhulkaan dhiri kama baxdo, geedo kama baxaan waa adag yahay waa wadan dhoodi ah, kadibse waa la ogaaday in dhiri ka baxayso, guryihii iyo dabaqyadii oo sii balaartay oo magaaladii oo caasimad noqotayna way ku soo kordhisay, waxaana yimi dad ilbax ah,”
Dabayaaqadii bishii June ee sanadkan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, oo hadal ka jeedinayay wado cusub oo laami ah oo maamulka uu ka dhisaay Garowe ayaa dowladda hoose ee magaaladda u jeediyay in ay dejiyaan nidaam iyo mashaariic dhireyn ah oo wax looga beddelayo muuqaalka magaalada oo ah mid aan dhir badan ku jirin, taas oo dadka aqoonta u lihi deegaanka ay ku sheegeen inuu yahay mid aan u fiicnayn caafimaadka bulshadda iyo bilicda magaalooyinka soo koraya.
Waxaa Maxamed Macallin la shaqeeya 24 dhallinyaro ah, kuwaasoo iyagana nolosha qoysaskooda ka maareeya dhireynta. Waxay bixiyaan adeegyada, iyagoo subax kasta ku wareega xaafadaha, suuqyada iyo goobaha kale ee laga soo dalbada.
Waxay xaruntooda ku keydiyaan, isla markaasna ku iibiyaan dhir hareedka iyo dhirtii miyiga Soomaaliya ka bixi jirtay ee manfaca nololeed lahaa, taas oo qaarkood ay dadka reer magaalka ahi ilaaween, waxaana kamid ah dhirta ay hadda ku beeraan guryaha, quraca, yicibta, dhafaruurta, gumushka iyo cadeyga.
Maxamed wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay muddo dheer gacanta ku sii hayaan dhirta ay beeraan, iyagoo sid loo ilaaliyo caafimaadka geedka, waraabka iyo xanaanayntiisaba u tababara dad ay u beeraan. Taas oo ah dabeecad shaqo oo lagu bartay iyaguna ay joogteeyeen, waxayna ujeedadeedu tahay in dadka dhirta ay u beereen aysan ka caajisin xaanaynta dhirtaas.
“Waxaa dadku hadda naga qaataan geed hadheed iyo jirdiin ubax oo quraxda ah iyo dhirteenii nabaad guurtay ayaan soo celinay oo hadda haynaa, sida yicibtii, qudhicii, galoolkii, dhafaruurtii iyo gumushkii, waxaa lagu beeraa meelaha xirmooyinka ah iyo qayb ka mid ah guryaha caadi loo beero sida cadayga. Geed aanan anagu gacanta ku haynin magaaladda wuu yar yahay, marka annagu waan daba soconaa dhirta aan beerno, xanuunkeeda iyo jiradeeda iyo wexeeda”
Maxamed wuxuu warbixinta ku sheegay in ay dhalinyaro badani ay ku tiirsan yihiin shaqaddan oo ay subax walba u soo kalahaan, kuwaas dhaqaale door ah ka hela suuqa sii kordhaya ee dhiraynta oo ay lacag wanaagsan ka sameeyaan – cod
“Qofka ugu yar ayaa maalintii $10 ka hela, wuxuu ku helaa dhirtuu soo beraa soona jaraa markaas bay dadku soo siiyaan joornaati, anaguna wax commission ah kuma lihin, laakiin annagu waxaan iyaga wax ku siinaa qandaraasyadda markaan qaadanayo” ayuu yiri Maxamed
Waxaa kaloo uu sheegay in muddo aan fogeyn ka hor ay adkeyd in la helo cid lagala shaqeeyo oo u baahan adeeggan dhireynta, marar dhexena ay xaaladu isa soo bedelaysay markii ay qurbajoogtu soo noqdeen, balse ay weli yareyd baahidu.
Maxamed Macallin Cali waxaa uu rajeynayaa in magaalada Garowe oo ku taalla dhul saxaro xigeen ah ay isaga ka shidaal qaadanaya waaya-aragnimadiisa, kaashanayana dhallinyarada la shaqeysa ay ka dhigi ka dhigi karaan magaalada oo dhan dhul wada cagaar ah – waddooyinkeeda, xaafadaheeda iyo dhammaan goobaha dadku isugu yimaadaan.










