Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargeysa: Dhallinyaro ka tahriibay sharciga dowladda hoose oo aan oggoleyn habka ay ku ganacsadaan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 13, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Maxaa sababay in Shilin Soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xarigga iyo ganaaxa ay kala kulmaan dowladda hoose ee Hargeysa ayaa dhallinyarada ku ganacsada hareeraha waddooyinka ku khasba inay tahriibaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdisamed Maxamed Cabdilaahi oo cilmiga arrimaha bulshada ka dhiga jaamacadda Hargeysa oo ku ogaaday qaar ka tirsan dhallinyarada oo uu la kulmay.

Dhallinyaradaas oo ganacsiga ku billaaba ugu badnaa $500, waxay iibiyaan dhar, kabo, waxyaabaha jirka la marsado iyo waxa la isku carfiyo, laakiin ma awoodaan inay kireystaan dukaamada suuqyada magaalada, dhaqaalahooda oo aan u saamaxeynin darteed. Kirada suuqyada lagu ganacsado ee Hargeysa laga bixiyo waxay u dhexeysaa $300 ilaa kun doolar.

Ciidanka booliska ayaa soo qabqabta iyagoo fulinaya amarka dowladda hoose oo aan oggoleyn in lagu ganacsado waddooyinka. Caqabadaha ay la kulmaan waxa ka mid ah inta ay howlgallada socdaan inay ka lumaan alaabaha ay ka ganacsadaan. Waxay alaabaha ku qaataan bacaha roobka la iskaga celiyo ama gaari-gacanno.

Ma jirto cid diiwaan-gelisay ama haysa tirada dhallinyarada waratada suuqyada Hargeysa ee tahriibtay.

Laakiin Shuceyb Aadan oo ah 25 jir, cirifka waddada ku ganacsada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sagaal dhallinyaro ah oo ay wada ganacsan jireen ay tahriibeen markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay kala kulmaan suuqyada.

Dhallinyaradan waxay tahriibeen intii u dhaxeysay bishii Agoosto ee 2016 ilaa Agoostadii la soo dhaafay ee sanadkaan 2018. Dhammaantood waxay isku barteen suuqa oo waxay ahaayeen saaxiib isku dhow oo isla xamaalan jiray.

Shuceyb waxay ciidamada boolisku xireen lix jeer, isaga oo shaqadiisa wato. Wuxuu sheegay in mararka qaar ay qoyskiisu yimaadaan saldhigga lagu xiro si ay uga sii daayaan, sidaasina lagu fasaxo, halka mararka qaarna ay dhallinyarada la xiro lacag si hoose u siiyaan askarta sida uu sheegay Shuceyb.

Hadda lafteeda wuxuu markasta uu diyaar yahay inuu cararo haddii uu arko bilays howlgal sameynaya. “Galab iyo aroor walaal ma hadhsano oo waxaan bacdaa u haystaa si aan u ordo,” ayuu yiri Shuceyb.

Booliiska iyo dowladda hoose waxay ka qaadaan dhallinyarada marka ay xiraan waxay ku ganaaxaan lacag u dhexeeya 10 ilaa 30 doolar si loo sii daayo.

Maxamed Cali Faarax oo ahaa 28 sano jir hareeraha waddooyinka suuqa Waaheen ku iibin jiray dhar, ayaa ka mid ah dhallinyarada u tahriibay caqabadaha ay la kulmaan.

Yuusuf Cali Faarax oo la dhashay Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in walaakiis uu tahriibay bishii labaad ee sanadkii 2017, markii uu waayay goob uu ku ganacsado.

Labo sano oo uu Maxamed ku jiray ganacsiga hareeraha waddooyinka, waxay booliska iyo dowladda hoose oo howlgallo sameynayo xireen 4 jeer oo ah sanadihii 2016 iyo 2017, sida uu sheegay Yuusuf.

Markii u dambeysay ee la xiro oo ahayd bishii labaad ee sanadkii hore, wuxuu xabsiga ku jiray shan maalmood. Markaas kaddib Maxamed wuxuu go’aansaday inuu tahriibo, wuxuuna safar ku maray Boosaaso oo uu uga sii gudbay Yemen, Sudan, ilaa Libya oo uu kaga tallaabay Talyaaniga isagoo maray badda. Hadda wuxuu muddo sanad iyo afar bilood ah ku nool yahay magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Muddadii uu tahriibta ku jiray waxaa la xiray labo jeer, waxaana laga qaatay lacag madaxfurasho ah oo 11 kun oo doolar ah.

Cabdisamed Maxamed Cabdullaahi oo cilmiga arrimaha bulshada ka dhiga jaamacadda Hargeysa ayaa  sheegay in dhallinyarada ka tahriibeysa shaqooyinka ay hayaan ee suuqyada cadaadiska kala kulma ay keeni karto in la waayo dad ganacsiyada yaryar qabto ayna kororto tirada dhallinyarada  shaqo la’aanta ku ah gudaha Somaliland.

“Dhallinyaradaa waad naxaysaa markay askartu eryanayso,” ayuu yiri Cabdisamed oo ku taliyay in dowladda ay waajib ku tahay inay goobo ay ku ganacsadaan u sameyso dhallinyarada ama ay shaqo-abuur u sameyso.

 

Previous Post

Buuhoodle: Tuulada Banyaal oo yeelatay xaruntii caafimaad ee ugu horreysay

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya deegaan hoostaga Baraawe, markii colaad ay soo salkicisay

November 24, 2026
Qoysas reer-miyi ah oo u weecday shaqada kalluumeysiga xoolo la’aan awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas reer-miyi ah oo u weecday shaqada kalluumeysiga xoolo la’aan awgeed

November 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween waxbarasho ku helay geed hoostiis, kaas oo ku yaala duleedka Muqdisho

November 20, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

November 19, 2026
Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

November 18, 2026
Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-NOV 2026

IDAACADDA 24-NOV 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-NOV 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-NOV 2026
November 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-NOV-2026
November 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-NOV-2026
November 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2026
November 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-NOV-2026
November 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo