Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Hargeysa: Carruur nafaqa darro ugu geeriyooday Balimataan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 14, 2018
in Caafimaadka, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur ay nafaqo-darro ku hayso deegaan ku yaalla koonfurta Hargaysa

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Saddex carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso laba ilaa saddex sano jir ayaa nafaqo darro ugu geeriyooday xarunta xanaanada hooyada iyo dhallaanka ee ku taalla degmada Balli-mataan oo Hargeysa koonfur kaga beegan 82KM. Carruurtan waxay kamid yihiin ilaa 300 oo carruur da’doodu ka yar tahay shan sano oo MCH diiwaangeliyey muddo bil ah gudaheeda, kuwaasoo laga helay in ay nafaqo darro qabaan. Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey Khaalid Cabdi Yuusuf oo ah madaxa MHC degmada.

Dr Khaalid ayaa sheegay in 30 carruur ay haatan u jiifa nafaqo daro. Waxaa uu intaas ku daray in 12 kale oo carruur ah oo ay heysa nafaqo darro nooca daran loo gudbiyay cisbitaalka guud ee Hargeysa 7 ilaa 12 bishan.

Carruurtaan nafaqa daradu hayso ee MCHka jiifa ayaa la siinayaa buskudka nafaqo darrada dhexe lagula tacaalo iyo boorash. Tirada caruurta loo keenayo xarunta nafaqo darrada ayaa sii kordheysa iyadoo maanta oo kaliya laga diwaan galiyay siddeed iyo toban carruur ah.

Khaalid Cabdi Yuusuf, madaxa xarunta caafimaadka ee degmada Ballimataan ayaa sheegay in carruurtaan qabta nafqa darada laga keenayo xero barakaca oo ku taala degmada Ballimataan.

“Ilmihii oo miisaankiisu is dhimay oo barar keenay ayey keenayaan haweenku, waxaa xiligan keenay nafaqo darada xerada oo cuno yaraani ka jirto ilmihii cuno nafaqo leh cuni maayo”ayuu yidhi dhakhtar Khaalid.

Faadumo Iimaan waa hooyo 50 jir ah ah, shan carruur ah oo ay saddex iyada dhashay, labana ay ayeeyo u tahay ayey keentay MCHka Ballimataan Arbacadii todobaadkan.

Itaalyari, indhaha oo gotay iyo barar ayay ku aragtay carruurta, koox wasaarada caafimaadka Somaliland oo xeryaha kormeer ku sameeya oo xerada ku booqday ayaa kula taliyay inay xarunta geyso carruurteeda si loo daweeyo.

“Cuno yaraan ayaa nagu dhacday oo hal wakhti ayaan u kariyaa markaan is idhaahdo iima cunayaan, gurigii kama baxayaan oo way wada jiifaan awood ay ku kacayeen ayaanay laheyn,”ayay tidhi Faadumo.

Ergo ayay u sheegtay in raashinka ay hadba kusoo iibsato lacago ay usoo diraan qaraabadeeda ku nool magaalada Hargeysa.
Faadumo waxay kamid tahay xeradan deggan tahay muddo sanad iyo lix bilood ah, waxayna kamid tahay 2000 oo qoys oo ku nool xerada.
Waxaa qoysaskan raashin gargaar ah siin jirtay haayada Alkhayriya, laakiin gargaarkaas ayaa istaagay muddo hadda laga joogo lix bilood sida uu noo sheegay Aadan Cabdilaahi Muxumed Guddoomiyaha Degmada Ballimataan.

Haayadu waxaa ay u sheegtay barakacayaasha in wakhtigii ay xerada ka shaqeynaysa ka dhamaaday, hadda qoyskeedu waxaa ay ku noolyihiin lacagaha amma raashinka ay usoo diraan dadka ay qaraabada yihiin eek u nool Hargeysa iyo Ballimataan.
Qoysaska xeradan deggan waa dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee abaarihii labadii sano ee u dambeysay ka dhacay deegaannada Somaliland ku ceyrtoobay kuwaasi oo ka yimid deegaano xuduudka Itoobiya ah iyo baadiyaha Gobolka Hawd ee Koonfurta Somaliland.

“Biyo la’aan iyo nolol kasta oo adag ayaa nagu soo martay halkan ilaahay ayaa wax bixiya ee kuwana way iska bogsan annaguna halkaasi ayaanu alle iskaga sugo meel aanu u naqaano ma naqaano, MCH Buskud iyo Boorash ayaa nagula siinayaa si nafaqada caruurta loosoo celiyo”ayay tidhi Faadumo.

Caasha Cabdi Nuur Gabadh yar oo laba jir oo ay dhashey ayaa shanti maalmood ee u dambeeyay u jiifta nafaqo daro, ergo ayay u sheegtay in cuno la’aan ku haysata xerada ay ku keentay inay hoos u dhaco miisaanka gabadheeda yar.

Hadda waxaa ay qaadanaysaa buskud iyo caano lagu soo celinayo nafaqada. “laba maalmood Ayaan halkan ku jiraa markii ay soo dhaami wayday ee ay taransi yeelan wayday Ayaan keenay xarunta hadda waxaad mooda inay sidii aan ku keenay soo dhaameyso”
Waa hooyada lix caruur ah oo xerada ku nool muddo sanad ah waxay ka cabsi qabtaa in caruurta kale ay nafaqo daro iyo shuban xarunta ka jiraa kaga dhacaan haddii raashin la’aantu ay sidan usii haysato, Garow odeygeedu kasoo diray deegaan ka tirsan Itoobiya ayay hal wakhti u karisaa caruurta maalinkii.

“kuwii kale waxay cunaan ma haystaan Ilaahay iyo dadka xerada kula nool Ayaan kaga imid tanbaan lasoo cararay intaanay naftu ka bixin”ayay tidhi Caasha.

Dr Khaalid ayaa sheegay in heerka nafaqo darada ee xerada ka jiraa uu sii xumaanayo haddii aan raashin la siinin dadka barakaca ee ku nool Ballimataan.

Barakacayaasha ku nool xerada waxaa haysta xaalado shaqo la’aan oo ka jirta deegaanka taas oo keentay inay ku noolaadaan xeryaha barakaca kadib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay ku noolaayeen abaarta ka hor.

Previous Post

Nafaqa darro ka jirta degaano ka tirsan koonfurta Hargeysa

Next Post

Waraysi ku saabsan beer tijaabo ah oo Muqdisho laga hir geliyey

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Waraysi ku saabsan beer tijaabo ah oo Muqdisho laga hir geliyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-SEP-2026

IDAACADDA 21-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo