Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dadka qaxootiga ah oo ka cabanaya la’aanta adeegyo ay biyaha ka mid yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
September 6, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas hor leh oo abaaraha koonfurta Mudug ku barakacaya

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya, ayaa sheegaya inay ku adag yihiin helitaanka adeegyada saxada, biyaha iyo bacaha guryaha la saaro, adeegyadaan oo dadka qaxootiga ku nool muhiim u ah noloshooda.

Xasan Ibrahim Xasan waa aabbe qoyskiisa ka kooban yahay 9 qof,  waxuu Raadiyo Ergo u sheegay in musqushii ay ka  buuxsantay bishii Juun ee sanadkaan,  ilaa haddana uusan haysan musqul, taas bedelkeedna dantu ku khasabto in ay bannaanka masaafo hal km iyo bar ah u lugeeyaan si ay u helaan goob ay ku xaajo gutaan.

“Carruurtayda bannanka guryaha ayey ku saxaroodan, dadkeenna waaweyna waxaan u baryo tagnaa qoysas kale oo aysan weli ka buuxsamin, iyadoo ay inta badan na diidaan, mar kasta oo aan hayadaha u tago waxay igu dhahaan dhaqaale ma hayno,” Ayuu yiri Xasan

Musuqulaha xeryaha ayaa shan mitir la qodaa, waxayna qoysaska isticmaalaan muddo laba sano ah, waxaa lagu dhisaa geedo baxar-saaf ah oo gudaha Kenya laga keeno, sideed xabbo oo jiingad ah, shamiinto iyo dhagax shub ah, agabkaasna dhaqaale ahaan qaxootiga ma awoodaan.

“Musqulaha guryaha way ka yara durugsan yihiin, hog haddii aad ka dhinac qoddo oo istiraahdo ku geddi kii buuxsamay, waxaad u baahan tahay inaad hesho geedo iyo jawaano lagu dhiso, sidoo kale dhagax dusha laga saaro, si uusan u dumin, mana awoodno inaan waxaas helno,” Ayuu yiri Xasan.

Xasan oo yimid xerada qaxootiga ee Xagardheer sanadkii 2010-kii, xilligaas oo uu ka soo barakacay gobolka Jubbada dhexe wuxuu sheegay in aysan hadda ka hor dhibkaani ku dhicin.

Hay’adda gargaarka ee Care Intrational oo mudd 25 sano ah ka shaqaynaysay adeegyada guriyeynta, biyaha iyo saxada ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegtay in dhaqaale la’aan soo wajahday ay ku keentay inay istagaan qeybo ka mid ah hawlahaasi.

Aadan Ismaaciil Sanweyne oo ah madaxa adeegyadaan ee xeryaha ayaa Radiyo Ergo u sheegay in ku dhowaad 210 kun oo qof ay adeegyada musqulaha la’ yihiin, iyadoo biyahana ay ciriiri yihiin, adeegyadan ayaa laf-dhabar u ah nolosha qaxootiga.

“Hay’adaha waxay ku tiirsanaayeen dhaqale ay caalamka iyo deeq-bixiyeyaal ka helan deeqdiina hoos ayay udhacday sanadkaan,” Ayuu yiri Sanweyne

Wuxuuna intaas ku daray in hay’addaha xeryaha ka shaqeeya ay dhaqaale la’aantaani saamaysay, wuxuuna sheegay in ilaa 27 xafiis oo hay’ado gargaar oo kala duwani ku lahaayeen xeryaha Dhadhaab hadda la xiray.

Adeegyada kale ee hadda dhibka ka taagan yahay waa dhinaca hoyga, oo ay adag tahay in dadka u baahan ay helaan bacaha guryaha korka laga saaro, oo iyana markasta ay qorraxdu dhamayso, si joogto ahna loo bedelo.

Cosobo Buulle Takhal, waa hooyo qoyskeeda ka kooban yahay 9 qof, waxay ku nooshahay xerada qaxootiga ee Dhagaxley tan iyo sanadkii 2009-kii, waxay u sheegtay Raadiyo Ergo in bacda guryaha la saaro oo ka samaysanayd balaastiig ay qorraxda u adkaysan karin, ayna dal dalooshanto.

“Hay’aduhu bacaha guryaha aan saarno way bixin jireen, suuqa kama gadan kartid oo maba helaysid, tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan gurigayga waa dul qaawana, iyadoo xilli roobaadyo la soo maray, haddana roobab kale la sugayo, markaan hay’adda u tagana waxba ma hayno ayay igu yiraahdaan,” ayay tiri Cosobo.

Hay’adda Care ayaa sheegtay in 21 ceel oo ku shaqeeya matoorro iyo soolar oo biyaha siiya xeryaha qaaxootiga, ayay dayac tiro la’aan ba’ani haysataa, iyadoo qaarkood toddobaadyo aysan shaqayn, taasoo yareysay xilligii iyo cadadkii biyaha ee ay qaxootiga helayeen.

“Ceelashaani markii adeegyadooda  iyo dayactirkoodu u dhammaa maalintii waxay soo saarayeen 8 milyan oo litir oo biyo ah, haddana waxay soo saaraan wax ka yar 4 milyan oo litir maalintii, toosoo ay ugu wacan tahay dhaqalihii ku baxayay shidaalka iyo dayac-tirka oo aan lahayn,” ayuu yiri Sanweyne.

Qof kasta oo qaxootiga ku nool waxaa loogu talagay in 24 saacba uu helo 20 litir oo biyo ah, haddase qofkii biyo helay wuxuu helaa wax ka yar 10 litir, meelaha biyaha laga dhaansado ayaana aad ku arkaysaa in ciriiri iyo buuq badan ka jiro.

Qaxootiga xeryaha ku jira ayaa sheegaya inay culaysyada hadda ka jira adeegyadaan yaraaday aysan horay u soo marin.

Khaliif Ibrahim wuxuu xerada Ifo yimid sanadii 1991-kii wuxuuna ka mid ahaa qaxootiga lagu billabay xeryaha, qoyskiisa wuxuu ka koobanyahay 30 qof oo iskugu jira labadiisa xaas waxuu dhalay iyo waxay sii dhalan,

Waxuu Radio Ergo usheegay, in r xaalad kasta oo dhanka nolosha ah oo ay soo mareen aysan la mid ahayn tan hadda ay ku jiraan, aysanna haysanin biyo iyo musqulo.

“Isma lahayn xaaladan oo kale ayaad la kulmi, hay’adaha guryaha ayay na siin jireen musqushana intaan qodanno ayay na siin jireen jiingadda aan ku dhisan lahayn, geediha, shamitadii, hadda waxay mari xageed seexan ama ku saxaroon,” ayuu yiri Khaliif.

Hay’adda Care ayaa sheegtay in dhaqaalaha ay qaaxootiga ku maareeyaan iyaga iyo hay’adaha samafalka ee ka howlaga xeryaha Dhadhaab ay boqolkiiba lixdan deeqo dhaqale ka heli jireen dalka Mareynka gaar ahaan waaxda xaafiska arrimaha qaxootiga, tirada iyo arimaha socdaalka ee (Bureau of Population, Refugees and Migration), xafiiskaasina uu sanadkaan jaray deeqihii ay siin jireen, taasoo ay u sababeeyeen madaxweyne Trump oo gargaarkii dibadda ee Mareykanku uu bixin jiray aad u dhimay.

Waana taasi midda keentay in hoos-u-dhacan ku yimaado adeegyadii qaxootiga loo fidin jiray hay’adaha qaarna xiraan xafisyadoodii Dhadhaab.

Previous Post

Dhegeyso habkii jaamacadda Minnesota looga billaabay barashada maaddada Af-Soomaaliga

Next Post

Dhadhaab: Qaxootiga oo ka cabanaya la’aanta adeegyada guriyeynta, saxada iyo biyaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qunsulka Soomaaliya ee Cadan oo sheegay in 700 qof oo qaxooti Soomaali ahi doonayaan inay dib ugu noqdaan wadankooda

Dhadhaab: Qaxootiga oo ka cabanaya la'aanta adeegyada guriyeynta, saxada iyo biyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo