Mas’uuliyiinta waxbarashada ee gobolka waqooyi-bari Kenya waxay walaac ka muujinayaan tiro badan oo ardayda gaaray heerka waxbarashada oo aan iskuullada dhigan.
Carruurtaas aan waxba baran waxaa kamid ah kuwa qoysas ku nool magaalooyinka iyo qaar ay dhaleen qoysaska reer miyiga. Weriyaheena Axmednuur Maxamed Cabdullaahi Yogol ayaa arrintaas ka wareysatay Xabbad Sheekh Cabdi oo ah maareeyaha guud ee dugsiyada aas-aasiga ee gobolka waqooyi-bari u qaabilsan wasaaradda waxbarashada Kenya.










