Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Biyo la’aan saamayn ku yeelatay nolosha dad oo ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag

Radio Ergo by Radio Ergo
September 17, 2018
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan ka jirta degaanno ka tirsan garbahaarey

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Labo boqol iyo lixdan iyo afar qoys oo ku nool xero barakac oo ku taalla tuulada God-waraabe ee Gobolka Sanaag ayaa wajahaya xaalad biyo la’aan ah oo adag saddexdii todobaad ee u dambeeyay. Tuulada ayaa Waqooyi kaga beegan magaalada Ceel-afweyn 27KM.

Qoysaskan oo kasoo barakacay abaartii ku dhuftay Gobolka Sanaag sanadkii 2017 ayaa waxay ka cabi jireen ceelal iyo Balliyo ku yaalay tuulada, kuwaas oo hadda qallalay, sidoo kale waxaa ku yaraa tuulada roobkii gu’ga ee gobolkaasi ka da’ay.

Canab Aadan Xirsi oo xerada barakaca ku haysata shan caruur ah ayaa afar qad ku dhaansata laba jirkaan oo biyaha oo ay kasoo dhaansato magaalada Ceel-afweyn. Helidda biyaha waxaa ay ku qaadataa muddo lix saacah, waxay sheegtay inay dhabarka kusoo qaadaan iyada iyo wiilka ugu weyn caruurteeda oo shan iyo toban jir ah.

Waa maalintii kow iyo labaatanaad ee aanay tuulada ay nooshahay ka helin biyo ay ku noolaadaan caruurteedu, afartanka litir ee ay soo dhaansadaan waxay isticmaalaan afar maalin oo xiriir ah.

“Biyo la’aan lama fadhiyi karo carruurta waxay cabaan iyo waxaan cunada ugu kariyo ayaan u doonaa, hadda aan kula hadlayo ayaan kasoo galay biyo dhaamis wakhtigu waa iska adag yahay hooyo, laakiin Ilaahay ayaa naga saari, biyo la’aantan ayaa haddana noogu soo diran”

Labaatanka litir ee biyaha waxaa ay ku gadataa saddex kun(3000) oo shiling Somaliland una dhiganta $0.4, labada jirkaana waxaa ay ku iibsataa lix kun oo shilin oo u dhiganta $0.6. Canab waxay ii sheegtay in maydhashadii caruurta, cuno karintii saddexda wakhti iyo dhar dhaqistii ay joojiyeen oo ay bil ka hor ugu dambeysay, waxay sheegtay inaanay haysan biyo ay ku qabato shaqooyinka oo ay ka ku dadaasho in harRaadka ay ka tirto caruurta iyo in laba wakhti ama hal wakhti ay cuno u kariso.

“Meeshu way nagu fogtahay, waxaanu raacno ma haysano, lacagta yar ee aan ku iibsado gabadh aan walaalo nahay ayaa Burco iiga soo dirta, xaaladii guriga  biyo la’aan iyo kuleylka Xagaaga ayaa isku biirsaday oo caruurtii way arag xunyihiin”

Tuulada waxaa ku nool boqol iyo konton  qoys oo kale oo deegaan ay u tahay God-waraabe kuwaasi waxaa ay ka dhaansadaan booyado biyaha uga keena Ceel-afweyn ama gaadiid ayay ku shubtaan shidaal si ay ugu soo dhaansadaan biyaha sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Jaamac Maxamed Guddoomiyaha Tuulada God-waraabe.

Wuxuu sheegay inaanay awoodin biyo dhaamis ay u sameeyaan dadkaasi oo aanay lacag haysan maamulkoodu, hase yeeshee ay la hadlaan hay’adda gurmad Somaliland oo aanay wali jawaab helin.

Bilihii May June iyo July waxaa xerada biyo dhaamis u sameysan jiray hay’adda Care International balse August iyo September ma helin biyahaas dadka ku nool xerada Baracaka ee God-waraabe.

Mukhtaar Cumar Muumin madaxa hay’adda Care ee gobolka Sanaag ayaa ii sheegay in biyo dhaamis deegaankaasi ay ka sameyn jireen balse aanay hadda ka sameyn.

Aamina Maxamuud Cabdilaahi waxaa ay ii sheegtay in xerada ay ku nooshahay muddo sanad ah iyada iyo saddex caruur ah oo ay dhashey, Saddex maalmoodba maalin ayay aroor tagtaa si ay biyo ugu soo hesho caruurta.

Hal jirkaan ayay soo dhaansataa oo ay dhabarka kusoo qaado, waxaa ay ii sheegtay in culeyska biyaha uu dhabarku xanuunay balse aanay deyn karin oo ay caruurtu ka doonayaan waxay cabaan.

Odeygeeda oo xaabo kasoo gura Kaymo u dhow una iibgeeya Ceelafweyn ayaa ka bixiya lacagta laga siiyo Biyaha.

“Dhibta caruurta ayaa nagaga daran dhibaato kasta oo aan qabno, waa isku nuug caruurtu guri ayaan kusii xidhaa, maalintii intaan ka maqanahay halkaasi ayay iskaga jiraan oo ay isku sii hayaan, Halkan xerada markii biyaha na loogu shubayay waanu iska ladneyn oo bacda ayaan kasoo dhaansan jirnay,”ayay tidhi Aamina.

Raashinka waxay ku gataan dadka ku nool xeradani lacag ay siiso Hay’ada Oxfam oo bishii $85 teleefoonka ugu shubta, balse xaaladda biyo la’aan ee ay hadda wajahayaan ay dhib ku tahay haweenka deggan xerada oo biyaha meel fog kaga soo qaada dhabarkooda.

 

Previous Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Next Post

Sanaag: Haweenka oo masaafo dheer dhabar uga soo qaada biyo ay carruurta siiyaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Dhibaatooyinkay qabaan haweenka biyaha dusha ku dhaamiya ee ku sugan Muqdisho

Sanaag: Haweenka oo masaafo dheer dhabar uga soo qaada biyo ay carruurta siiyaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo