Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Guurka degdegga ah oo gabdhaha waxbarashada ka joojiya

Radio Ergo by Radio Ergo
September 20, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Baydhabo: Guurka degdegga ah oo gabdhuhu uga haraan waxbarashada

Gabdho ku jira iskuulka Cabdala Deerow Baydhabo/Sawir/Muxiyadiin/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Guurka degdegga ah ayaa ka mid ah caqabadaha gabdho badan ka hortaagan inay waxbarashada sii wataan. Iskuulka Cabdalla Deerow ee magaalada Baydhabo oo keliya 19 gabdhood oo fasalka sideedaad, todobaad iyo lixaad ahaa ayaa sanadkaan uga tegey waxbarashada guurka dartiis.

“Gabdhaha hadda fasalka afraad ee dugsiga sare sanadkaan fadhiyaa waa 28, markii ay form one soo gelayeenna waxay ahaayeen 78, 50 kale ay guur ayey uga tageen”ayey tiri Xaawo Cabdillaahi Cali oo ah maamulaha Iskuulka.

Dugsiga Cabdalla Deerow oo lacag la’aan wax lagu barto, wuxuu gaar u yahay gabdhaha, haween ayaa maamula, macalimiinta u badan.

Xaawo ayaa sheegtay in waalidiinta ay gabdhaha ku khasbaan guurka, iyadoo ay sababtu tahay waalidka oo xeerinaya dhaqaalaha yar ee ninka gabadha soo doontay uu bixinayo, maadaama ay saboolnimo darani ka jirto magaalada, halka waalidna ay aaminsan yihiin in gabadha inay guursato ay uga muhiimsan tahay waxbarashada.

Xaawo waxay sheegtay inay hadda waalidiinta shirar la yeeshaan ayna isku dayaan inay ku qanciyaan in gabdhaha aysan kula degdegin guur, ayna ku taageeraan inay waxbarashada sii wataan.

Maamulaha Iskuulka ayaa sheegtay in si ay uga hortagaan in gabdhuhu uga tagaan iskuulka guur dartiis ay iskuulka ku diyaariyeen qol ay gabdhaha ku dhar bedeshaan, sidoo kale gabdhaha la guursado markay uur yeeshaan inay siiyaan fasax iyo macalimiin si gaar ah xiisadihii dhaafay ugu soo celiya. Intaanise aysan ku filnayn oo loo bahan yahay waalidiinta, culimada, maamulka iyo dugsiyada waxbarashadu si wada jir ah uga wada qayb qaataan.

50 laga guursaday gabdhaha fasalka afraad fadhiya sanadkaan waxaa waxbarashada sii watay laba gabdhood oo keliya, mid hadda fasax dhalmo ku maqan iyo Duniyo Aadan Maxamed oo 19 sano jir ah oo hadda nuujisa gabadh toddobo bil jirta.

Duniya waxaa la guursaday 2016 oo ay ahayd fasalka koowaad ee dugsiga sare,waxay bishii labaad ee sanadka dhashay ilmihii labaad intay dhiganaysay dugsiga sare, ilmihii hore wuxuu u dhashay bilowgii 2017 wuuna ka dhintay, muddo 3 bilood oo ay umul ahayd ayaa ay ka maqnayd fasalka.

“Annigoon war ka hayn ayaa la i yiri nin ayaa lagu siiyey, inkastoo aad uga naxay, haddana wax aan sameeyo oo kale ma jirin, qoyskaygana ma lumin karin, waanan aqblay” ayey tiri Duniyo

Waxay intaas ku dartay inay markii ay guri gashayba isku taxaluujisay inay waxbarasheeda aysan ka harin oo sii wadato, ninka guursaday oo macalin iskuul ahna uu isna gacan ku siiyey.

“Subaxii ayaan soo nuujiyaa, hooyaday ayaanan uga soo tagaa intaan masaasad caanaheed ugu diyaariyo, markaan ku noqda guriga 1 duhurnimo ayaan haddana nuujinta kale siiyaa, waanan wadayaa waxbaashadayda intaan ka gaarayo jamacad” ayey tiri Duniyo.

Iskuulkaan oo ka kooban 13 fasal oo 4 fasal yihiin dugsiga sare, sanad dugsiyeedkaan waxaa dugsiga hoose dhexe dhigta 1087 gabdhood oo gala labada gelin, halka 96 ay dhigtaan dugsiga sare.

Gabdhaha hadda dhigta fasalka afraad waxaa ka mid ah kuwo sheegaya in iyagu diideen guurkii qoysaskoodu u soo bandhigeen, waxanaa ka mid ah gabdhahaas Deeqa Axmed Yuusuf oo 18 jir ah, waxay sheegtay in tiro sedex jeer ay diidey guur dhanka qoyska kula taliyeen, iyadoo markaas u jeedkeeda ahaa in aysan ka kala go,in waxbarashadeeda.

“Waxaan aqaan 15 gabdhood oo aan isku fasal ahayn oo guur uga haray waxbarashadii, nolol fiican ma haystaan, tacliintoodiina ka hare” ayey tiri Deeqa

Waxay intas ku dartay gabdhaha haddii ay guur ka badbaadan ay markasta haystaan culayso guriga ah, loose baahan yahay in gabdhuhu aysan is dhiibin, waxay sheegtay in degan tahay xaafadda Onodka oo koonfurta Baydhabo ku taal, ayna ku qaadato 1 saac inay ku tiimaado iskuulka, subax kastana ka soo daahdo xiisadda hore, taasoo ay ugu wacan tahay shaqada guriga oo ay subaxa hore soo qabato.

Previous Post

Afgooye: Beeralayda oo aan si hagaagsan ula tacaalin qararka webiga

Next Post

Dab baabi’iyey dhul daaqsimeed ku yaal koonfurta Wajeer

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Dab baabi'iyey dhul daaqsimeed ku yaal koonfurta Wajeer

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo