Dhaqan ahaan qoysaska Soomaalidu muddo badan waxbarashada gabdhaha iyo wiilasha umaysan sinayn, taasina waxay keentay in tirada gabdhaha waxbarashada aadaa ay aad uga hooseeyaan marka la bar bar dhigo wiilasha.
Arrintan ayaa ugu sii daran goobaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn. Haddaba macalin Siciid Saalax oo waxbarashada Soomaaliya ku soo jiray kontan sano ka badan ayaa Maxamed Xasan oo Ergo ka tirsan uga waramay hab dhaqankaas iyo waxa isbedelay wakhtiyadaan.










