Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka soo barakacay colaado Shabeellaha Hoose ka taagan oo soo gaaray Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
August 24, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Warbixin beeraleey ka soo barakacday Jubada dhexe 28 June, 2016

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

180 qoys oo beeraley ah oo ka soo barakacay tuulooyin Haduuman, Buula-sheekh iyo Farxaane oo hoostaga degmaa Qoryooley ee Shabeelaha hoose ayaa labadii toddobad ee u dambeeyay soo gaaray kaamka Barwaaqo oo ku yaalla deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
dadka halkaan soo gaaray ayaa shegay in sababaha ay ugu hakan waayeey degmada Qoryooleey ay tahay dagaalo mararka qaar ka dhaca iyo in aysan jirin cid isku xilqaameysa in ay caawiyaan.
Qoysaskan ayaa ka soo barakacay deegaannadooda kaddib markii sida ay sheegeen ay biyo loo adeegsaday tuubooyin waa weyn oo webiga Shabeelle looga soo qaaday lagu furay jidadka tuulooyinkaas gala, taasoo keentay in biyuhu ay wada gaaraan guryahooda iyo beerihii ay qoysaska lahaayeen, jidadkiina ay gooyaan.
Inta badan dadka kasoo barakacay degaanada hoostaga degmada Qoryooley ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in si bilaash ah baabur ay kusoo raaceen oo keenay halka hadda ay kunool yihiin, iyadoo ay jireen qoysas kale oo lacgo heystay oo qarashka iska bixiyay.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ka dambeysay arrintan iyo sababta biyaha loogu furay tuulooyinkan haddana dadka soo barakacay ayaa ku doodayo in ay la xiriirto colaadda ka taagan gobolka Shabeellaha hoose ee u dhexeysa ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Muumino Cali Xuseen oo ah hooyada sagaal carruur ah ah waxay qoyskeedu ka soo barakaceen tuulada Haduuman oo 4km dhinaca bari ka xiga degmada Qoryooley, waxaa ay hadda ku sugan tahay deegaanka Siinka-dheer oo ay soo gaartay afar maalmood ka hor.
Waa beeraley oo beer dhan saddex hektar oo geley ay uga soo go’day ay ka baabi’iyeen biyaha webiga. Sidoo kalana waxa ay laheyd lix neef oo lo’ ah iyo 14 neef oo ari ah oo ay kaga soo tagtay deegaankii ay ku nooleed, sababo ay ku sheegtay in ay weysay meel ay mariso.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in markii gurigii ay deganeyd ay biyuhu qaadeen ay go’aansatay in nafta carruurteeda ay kala cararto.
Hal wakhti ayey sheegtay in ay carruurteeda ay wax cunaan hadda, muddada ay halkan ay ku sugneyd ayey tilmantay in ay heshay soddon kilo oo raashin ah oo isgu jira bariis, sonkor iyo saliid oo ay ka heshay ganacsatada deegaanka Siinka-dheer oo u gurmaday.
“Xeradaan aan joogno hadda, odaygaygiina waa ila socdaa, hoy kuma haysano, dhar iyo gogol toona ha sheegin” Ayey tiri Muumino
Lacag dhan labo milyan iyo lix boqol oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $108 ayey sheegtay in ay gelisay falidda iyo ka shaqeynta beerta, lacagtaas oo ay xustay in ay soo amaahatay markii hore, iyadoo rajeyneysay in ay iska bixiso marka dalaga beerta ay iib-geyso. Galeyda uga go’day beerta ayaa dhulka taallay, waxaana qorshuhu ahaa in jawaano lagu guro si loo gado.
Axmed Cali Sheekh waxa uu toddobo maalin isna ku sugan yahay xerada Barwaaqo, wuxuu ka soo baracay deegaanka Buulo-sheekh oo dhanka koonfureed ka xiga degmada Qoryooley, una jirta 5km.
Biyaha la soo furay ayuu sheegay inay ka baa bi,iyeen geley u tubnayd oo uga soo go’day hal hiktar oo beer uu lahaa, wuxuu xusay in keliya uu ka badbaadsay jirgaan galeey ay ugu jirtay oo xaafada u yiilay.
Afar carrur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ayuu sheegay inuu kala soo barakacay deegankii uu ku noolaa, noloshiisana waxay ku tiirsanayd tacabka beeraha iyo xoogiisa oo uu kaga soo shaqaysan jiray beeraha degaanka oo maalintii uu ka helayey 2 dollar iyo bar.
“Toban iyo labo maalmood ayaan go’doon ku aheyn Buulo-sheekh. Markaas kaddib waaxan go’asaday inaan isaga tagno oo meel kale nolosha ku badbaadino. Carruurta tuurta ayaan ku soo qaaday oo laamiga ku keenay. Qoryooleey lug ayaan ku tagnay. Labo neef oo ari ah oo aan lahaa ayaan iibiyey sidaas ayaan ku soo gaaray halkaan” Ayuu yiri Axmed.
Wax shaqo ah ma hayo,oo waa guri joog, wuxuu Ergo u sheegay in uusan garaneyn meel uu ka raadiyo nolosha reerkiisa. Hadda waxay qoyskiisa cunaan raashin ay ay iyagana ka heleen ganacsatada deegaanka oo ka kooban soddon kilo oo bariis ,sonkor iyo saliid isugu jira.
Siid Cali Ibraahim Xasan oo ah gudoomiyaha degmada Qoryooley ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhibaatadaan biyaha webiga ee la furay ka dhalatay ay sidoo kale 500 oo qoys iyana barakac ku yihiin gudaha degmada.
Guddoomiyaha xerada barakaca Barwaaqo ee ay qoysaskan ku soo barakaceen Xeydar Kuusoow Xuseen ayaa sheegay in guryo cooshado ka sameysan ay dejiyeen qoysaska soo barakacay, guryahaas oo ay dhawaantan ka guureen qoysas dib ugu laabtay deegaannadoodii oo ay markii hore abaaro uga soo barakaceen.
Waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii qoysaska cusub ee soo gaaray ay u caawin lahaayeen,inta ay kala qabsanayaan deegaanka ay hada ku nool yihiin.
Qoysaska soo gaaray duleedka muqdisho gaar ahaan degaanka siinka dheer waxa ay kusoo biireen qoysas badan oo kaga soo horeeyay halka ay deegansanayaan,kuwaas oo Iyana kasoo barakacay abaaraha iyo colaadaha kajira goballada baay,bakool iyo shabeellaha hoose.
Raja sidaa u buuran qoysaskaan kama qaabaan in markale ay heli doonaan cid caawisa sida markoodii ugu horeeyay loo garab istaagay,waxaa taasi dheer in aysan aqoon meel ay u shaqa tagaan,

Previous Post

Boqolaal qoys oo ka soo barakacay colaado Shabeellaha Hoose ka dhacay oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

16 arday qaxootiga wax ku baratay oo deeq wax barasho u aaday Kanada

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
16 arday qaxootiga wax ku baratay oo deeq wax barasho u aaday Kanada

16 arday qaxootiga wax ku baratay oo deeq wax barasho u aaday Kanada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo