Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Guriceel: 65-jir ka ganacsada dhir uu beero dibna usii iibiyo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 29, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin nolosha qoyskiisa ka soo saara iibinta dhir noocyo kala duwan ah

Haajirow

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mushaari Xasan oo 65 jir ah, kuna nool degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, wuxuu nolosha qoyskiisa oo siddeed qof ah ku maareeyaa iibinta dhir, qudaar, geed-miroodyo iyo ubaxyo isugu jirta oo uu beero dibna u sii iibiyo.

Muddo afar bil ka hor ayuu Mashuuri bilaabay ka ganacsiga dhirta oo 80 nooc ah. Dhul saddex boos ah oo uu deggan yahay ayuu ku diyaariyaa dhirta oo uu ka soo iibsado magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale beerista dhirta wuxuu u adeegsadaa carro-dhoobey looga keeno Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Maalin walba waxaa laga iibsadaa 30 ilaa 40 geed oo noocyo kala duwan ah. Kuwa ugu badan ee sida joogtada ah looga iibsado ayaa ah liin-dhanaanta iyo raqayga. Inkasta oo uu kala qiime iibiyo, hadana wuxuu sheegay in geedka ugu qaalisan uu iibiyo $4. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in sidoo kale laga iibsado dhirta la harsado sida geed-tallaalka ama geed-hindiga iyo dhirta ubaxyada ah ee guryaha hortooda iyo darjiimada lagu qurxiyo.

Labo jeer ayuu bishiiba soo iibsadaa dhirta uu beero ee looga keeno Beledweyne, waxaana uga baxa halki marba $50 doolar. Sidoo kale waraabintooda ayuu tilmaamay inay bishii uga baxdo lacag dhan $150.

Dhirta oo u baahan deegaano iyo cimilooyin kala duwan ayuu Mushaari sheegay inuu ku ogaaday dabeecadaha geedaha u beeran iyo ciida ku haboon kaddib tijaabooyin uu ku sameeyey dhir iyo ciid uu gobollo kala duwan ka keenay.

Macaamiisha ka iibsata geedaha ayuu siiyaa talooyin la xiriira korriimada, waraabka, daweynta iyo xannaanada kasta oo uu guudka u baahan yahay. Sidoo kale mararka qaar ayuu xusay in macaamiisha uu u raaco guryahooda, si uu ula hubiyo in geedka lagu abuuray meel ku habboon iyo mararka qaarkood oo ay ku wargeliyaan haddii geedku siday filayeen u bixi waayo ama badqabkiisa oo uu ka talo siiyo.

Guriceel oo ah degmo ay ku yar yihiin dhirta la harsado iyo ubaxyada wax lagu qurxiyo, ayaa waxaa si aad uga baxa geedka quraca la yiraahdo, kaas oo ah geed qodxeed aan inta badan har lahayn. Dadka ayaana bilaabay inay guryahooda ka jaraan quraca, si ay baddelkiisa u beertaan geedaha harka leh oo hadda ay ka heli karaan iyagoo beeran gudaha degmada.

Sidoo kale dadka deegaanku wax beerashadu aad ayay ugu yarayd. Saddex sano ka hor dadka deegaanku waxba maanay beeran jirin, laakiin horraantii sanadkii 2016-kii ayay dad deegaanka ka soo jeeda oo qurbaha ka yimid iyo kuwo horay u joogay bilaabeen beero tacbashada. Dadka sameystay beeraha laftooda malahan aqoon beereed, waxaana beeraha uga shaqeeyo dad ka soo jeedo gobollada Shabeellooyinka oo ay mushahar ku siiyaan shaqadaas.

Mashuuri inkastoo uu toddobo sano ka shaqeynayay qodista musqulaha iyo godadka qashinka, oo uu ka dhaxlay inuu kala barto lakabyada carrada iyo noocyadeeda, haddana wuxuu sheegay inay ahady shaqo dhib badan oo uu ka nastay.

Previous Post

Nin nolosha qoyskiisa ka soo saara iibinta dhir noocyo kala duwan ah

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
BAIDOA LIVESTOCK SALES BOOSTED BY TIES WITH BERBERA EXPORTERS

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-AUG-2026

IDAACADDA 25-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo