(ERGO) – Mushaari Xasan oo 65 jir ah, kuna nool degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, wuxuu nolosha qoyskiisa oo siddeed qof ah ku maareeyaa iibinta dhir, qudaar, geed-miroodyo iyo ubaxyo isugu jirta oo uu beero dibna u sii iibiyo.
Muddo afar bil ka hor ayuu Mashuuri bilaabay ka ganacsiga dhirta oo 80 nooc ah. Dhul saddex boos ah oo uu deggan yahay ayuu ku diyaariyaa dhirta oo uu ka soo iibsado magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale beerista dhirta wuxuu u adeegsadaa carro-dhoobey looga keeno Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.
Maalin walba waxaa laga iibsadaa 30 ilaa 40 geed oo noocyo kala duwan ah. Kuwa ugu badan ee sida joogtada ah looga iibsado ayaa ah liin-dhanaanta iyo raqayga. Inkasta oo uu kala qiime iibiyo, hadana wuxuu sheegay in geedka ugu qaalisan uu iibiyo $4. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in sidoo kale laga iibsado dhirta la harsado sida geed-tallaalka ama geed-hindiga iyo dhirta ubaxyada ah ee guryaha hortooda iyo darjiimada lagu qurxiyo.
Labo jeer ayuu bishiiba soo iibsadaa dhirta uu beero ee looga keeno Beledweyne, waxaana uga baxa halki marba $50 doolar. Sidoo kale waraabintooda ayuu tilmaamay inay bishii uga baxdo lacag dhan $150.
Dhirta oo u baahan deegaano iyo cimilooyin kala duwan ayuu Mushaari sheegay inuu ku ogaaday dabeecadaha geedaha u beeran iyo ciida ku haboon kaddib tijaabooyin uu ku sameeyey dhir iyo ciid uu gobollo kala duwan ka keenay.
Macaamiisha ka iibsata geedaha ayuu siiyaa talooyin la xiriira korriimada, waraabka, daweynta iyo xannaanada kasta oo uu guudka u baahan yahay. Sidoo kale mararka qaar ayuu xusay in macaamiisha uu u raaco guryahooda, si uu ula hubiyo in geedka lagu abuuray meel ku habboon iyo mararka qaarkood oo ay ku wargeliyaan haddii geedku siday filayeen u bixi waayo ama badqabkiisa oo uu ka talo siiyo.
Guriceel oo ah degmo ay ku yar yihiin dhirta la harsado iyo ubaxyada wax lagu qurxiyo, ayaa waxaa si aad uga baxa geedka quraca la yiraahdo, kaas oo ah geed qodxeed aan inta badan har lahayn. Dadka ayaana bilaabay inay guryahooda ka jaraan quraca, si ay baddelkiisa u beertaan geedaha harka leh oo hadda ay ka heli karaan iyagoo beeran gudaha degmada.
Sidoo kale dadka deegaanku wax beerashadu aad ayay ugu yarayd. Saddex sano ka hor dadka deegaanku waxba maanay beeran jirin, laakiin horraantii sanadkii 2016-kii ayay dad deegaanka ka soo jeeda oo qurbaha ka yimid iyo kuwo horay u joogay bilaabeen beero tacbashada. Dadka sameystay beeraha laftooda malahan aqoon beereed, waxaana beeraha uga shaqeeyo dad ka soo jeedo gobollada Shabeellooyinka oo ay mushahar ku siiyaan shaqadaas.
Mashuuri inkastoo uu toddobo sano ka shaqeynayay qodista musqulaha iyo godadka qashinka, oo uu ka dhaxlay inuu kala barto lakabyada carrada iyo noocyadeeda, haddana wuxuu sheegay inay ahady shaqo dhib badan oo uu ka nastay.









