(ERGO): Xoolo-dhaqato Soomaalyeed oo ku ceyroobay abaarihii dalka ka dhacay oo bishii March ee sanadkan beero ka tabcaday deegaanka Xargaaga oo 18km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ayaa hadda ka faa’iideysanaya wax soo saarka beerahaas kaddib markii horaantii bishan ay u soo go’een dalagyadii ay beerteen.
Cabdinaasir Warsame Cabdi Shirdoon waa aabaha siddeed carruur ah, waxaana uu kamid yahay xoolo dhaqatada beeraleyda isku beddeshay, isaga iyo rag kale oo iyaguna xoolo dhaqato ahaan jiray waxay 22 beerood ka tabcadeen deegaanka Xargaaga, iyagoo gacan ka helaya dad ay ehel yihiin iyo guddiga iskaashada beeraleyda Laascaanood.
Isaga iyo qoyskiisa oo ku nool hadda Xargaaga, wuxuu halkaas halkaas ka billlaabay tabcashada beeraha kaddib markii lacag deyn ah oo dhan $500 ka helay dad ay ehel yihiin oo ku sugan Laascaanood.
Beerta Cabdinaasir waxaa ka soo go’ay khudaar sida yaanyada, basal, iyo tamaandho, wuxuuna dalagaas qaar kamid ah ku maareeyey nolosha qoyskiisa, isagoo intii kalana u iibgeeyey suuqyada magaalada Laascaanood. Lacag $300 oo uu ka helay iibinta dalaga ayaa u suurtageliyey in uu ku soo iibsado 15 xabo oo digaag ah oo hadda qoyskiisu ay dhaqmaan, ugunta digaagaas uu dhalana qoyska ayaa sii iibiya.
Cabdinaasir waxaa uu sheegay in uu iska bixiyey lacagtii deynta ee lagu lahaa, haatana uu gaaray isku filnaansho badan oo uu maareeyey noloshii qoyskiisa.
Waxaa uu abaaraha ku waayay 200 oo neef aru ah iyo 50 geel ah. Waxaa uu sheegay in uu go’aansaday in uu beeraley noqda kaddib markii dhammaan xoolihiisii ka dhamaadeen oo nolosha qoyskiisa ku adkaatay.
Beeraha ay tabcadeen xoolo dhaqatadan ayaa isugu jira kuwa waraabka
Cabdiraxamaan Cali Ciise wuxuu isna kamid yahay xoolo dhaqatada, beeraleyda noqday. Wuxuu Xargaaga ku leeyahay beer laba hektar ah. Dalag ka kooban basbaas,yaanyo,galley, bocor,xabxabka, kaarooto iyo saladh oo beerta uga soo go’ay ayuu uu iibgeeyey suuqa khudaarta ee magaalada Laascaanood.
Waxaa uu sheegay in qiimo dhan 30,000 oo shilin oo u dhiganta $1 uu ku iibsaday kiiladii yaanyada, lacag gaareyso $500 oo uu ka helay dalagaas uu iibgeeyey uu qaarna dib u geliyey beerta, qaarna uu qoyskiisa raashin ay cunaan uu ugu soo gaday.
Cabdiraxmaan waa aabaha toddoba carruur ah, waxaa uuna Xargaaga yimid dabayaaqadii sanadkii hore markii 150 neef oo ari ah iyo 15 geel ah uu ku waayey abaar ku qabsatay deegaanka Abeesalay oo Laascaanood 25 dhanka waqooyi ka xigta.
Waxay haatan qoyskiisu deggen yihiin deegaanka lagu barakacay ee Canjiid oo u dhow Laascaanood, wuxuuna qorsheynayaa in uu soo dejiyo deegaanka Xargaaga ee ay beertiisu ku taalla.
Waxaa uu sheegay in nolosha qoyskiisa ay wax badan ka beddeshay beerta uu tabcaday, wixii hadda ka horeeyeyna ay xitaa qoyska ku adkeyd in ay helaan hal waqti oo kamid ah saddexda waqti ee caadiyan wax lagu cuno
“Xoolihii markii ay baxeen waxaanu ahayn dad caydh ah oo ku nool gacan bila’aadam bil aan raashin helno caawimo ah iyo mar aanu wayno, mararka qaar carruurta waxaan u waayay waxaan siiyo oo raashin ah. In badan ayaan qatooyo ku seexiyay. Maanta markaan beerta sidaa way ka duwan tahay nolosha aniga iyo qoyskayga ayaan maareeyay. Hadda kama welwelo nolosha qoyskayga waayo beert aan beeray ayaan kaga baxay baahidii waxayn ii buuxisay halkii xooluhu noogu jireen”
Xoolo dhaqatadan beeraha beertay ma jirin xirfad kale oo ay ku shaqeystaan, waxayna ahaayeen rag ku noolaa miyiga oo yaqaanay sida loo raaco xoolaha o keliya, waana markii ugu horreysay oo ay beero tabcadaan.
Deeegaannada ay qoysaskooda u soo barakaceen markii ay xoolahoodii abaartu marisay ayaa waxaa kamid ah Dhag-xanyo-caddo, canjiid,iyo adhicadeeye. Boqolaalo barakacayaal ah ayaa wali deegaannadaas ku nool.
Ururka horumarin beeraha iyo deegaanka ee fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa ku caawiyey beeraleyda abuur, waxay sidoo kale siiyeen tababaro ku aaddan habka beerta loo abuurta, sida looga faa’iideysto iyo wacyigelin guud, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey guddoomiyaha ururkaas Cabdirisaaq Xuseen Bootaan.










