Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo dhaqato beeraley isu beddelay oo maareynaya nolosha qoysaskooda markii ay beerihii u soo go’een

Radio Ergo by Radio Ergo
July 24, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO): Xoolo-dhaqato Soomaalyeed oo ku ceyroobay abaarihii dalka ka dhacay oo bishii March ee sanadkan beero ka tabcaday deegaanka Xargaaga  oo 18km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ayaa hadda ka faa’iideysanaya wax soo saarka beerahaas kaddib markii horaantii bishan ay u soo go’een dalagyadii ay beerteen.

Cabdinaasir Warsame Cabdi Shirdoon waa aabaha siddeed carruur ah, waxaana uu kamid yahay xoolo dhaqatada beeraleyda isku beddeshay, isaga iyo rag kale oo iyaguna xoolo dhaqato ahaan jiray waxay 22 beerood ka tabcadeen deegaanka Xargaaga, iyagoo gacan ka helaya dad ay ehel yihiin iyo guddiga iskaashada beeraleyda Laascaanood.

Isaga iyo qoyskiisa oo ku nool hadda Xargaaga, wuxuu halkaas halkaas ka billlaabay tabcashada beeraha kaddib markii lacag deyn ah oo dhan $500 ka helay dad ay ehel yihiin oo ku sugan Laascaanood.

Beerta Cabdinaasir waxaa ka soo go’ay khudaar sida yaanyada, basal, iyo tamaandho, wuxuuna dalagaas qaar kamid ah ku maareeyey nolosha qoyskiisa, isagoo intii kalana u iibgeeyey  suuqyada magaalada Laascaanood. Lacag $300 oo uu ka helay iibinta dalaga ayaa u suurtageliyey in uu ku soo iibsado 15 xabo oo digaag ah oo hadda qoyskiisu ay dhaqmaan, ugunta digaagaas uu dhalana qoyska ayaa sii iibiya.

Cabdinaasir waxaa uu sheegay in uu iska bixiyey lacagtii deynta ee lagu lahaa, haatana uu gaaray isku filnaansho badan oo uu maareeyey noloshii qoyskiisa.

Waxaa uu abaaraha ku waayay 200 oo neef aru ah iyo 50 geel ah. Waxaa uu sheegay in uu go’aansaday in uu beeraley noqda kaddib markii dhammaan xoolihiisii ka dhamaadeen oo nolosha qoyskiisa ku adkaatay.

Beeraha ay tabcadeen xoolo dhaqatadan ayaa isugu jira kuwa waraabka

Cabdiraxamaan Cali Ciise wuxuu isna kamid yahay xoolo dhaqatada, beeraleyda noqday. Wuxuu Xargaaga ku leeyahay beer laba hektar ah. Dalag ka kooban basbaas,yaanyo,galley, bocor,xabxabka, kaarooto iyo saladh oo beerta uga soo go’ay ayuu uu iibgeeyey suuqa khudaarta ee magaalada Laascaanood.

Waxaa uu sheegay in qiimo dhan 30,000 oo shilin oo u dhiganta $1 uu ku iibsaday kiiladii yaanyada, lacag gaareyso $500 oo uu ka helay dalagaas uu iibgeeyey uu qaarna dib u geliyey beerta, qaarna uu qoyskiisa raashin ay cunaan uu ugu soo gaday.

Cabdiraxmaan waa aabaha toddoba carruur ah, waxaa uuna Xargaaga yimid dabayaaqadii sanadkii hore markii 150 neef oo ari ah iyo 15 geel ah uu ku waayey abaar ku qabsatay deegaanka Abeesalay oo Laascaanood 25 dhanka waqooyi ka xigta.

Waxay haatan qoyskiisu deggen yihiin deegaanka lagu barakacay ee Canjiid oo u dhow Laascaanood, wuxuuna qorsheynayaa in uu soo dejiyo deegaanka Xargaaga ee ay beertiisu ku taalla.

Waxaa uu sheegay in nolosha qoyskiisa ay wax badan ka beddeshay beerta uu tabcaday, wixii hadda ka horeeyeyna ay xitaa qoyska ku adkeyd in ay helaan hal waqti oo kamid ah saddexda waqti ee caadiyan wax lagu cuno

“Xoolihii markii ay baxeen waxaanu ahayn  dad caydh ah oo ku nool gacan bila’aadam bil  aan raashin helno caawimo ah iyo mar aanu wayno, mararka qaar carruurta waxaan u waayay waxaan siiyo oo raashin ah. In badan ayaan qatooyo ku seexiyay. Maanta markaan  beerta  sidaa way ka duwan tahay nolosha aniga iyo qoyskayga ayaan maareeyay. Hadda kama welwelo nolosha qoyskayga waayo beert aan beeray ayaan kaga baxay baahidii waxayn ii buuxisay halkii xooluhu noogu jireen”

Xoolo dhaqatadan beeraha beertay ma jirin xirfad kale oo ay  ku shaqeystaan,  waxayna ahaayeen rag ku  noolaa miyiga oo yaqaanay sida loo raaco xoolaha o keliya, waana markii ugu horreysay oo ay beero tabcadaan.

Deeegaannada ay qoysaskooda u soo barakaceen markii ay xoolahoodii abaartu marisay ayaa waxaa kamid ah Dhag-xanyo-caddo, canjiid,iyo adhicadeeye. Boqolaalo barakacayaal ah ayaa wali deegaannadaas ku nool.

Ururka horumarin  beeraha iyo deegaanka ee fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa ku caawiyey beeraleyda abuur, waxay sidoo kale siiyeen tababaro ku aaddan habka beerta loo abuurta, sida looga faa’iideysto iyo wacyigelin guud, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey guddoomiyaha ururkaas Cabdirisaaq Xuseen Bootaan.

Previous Post

Hiiraan: Xoololey ka cabanaya cudurro kaga dhacay xoolihii abaarta uga soo badbaaday

Next Post

Hargeysa: Waalidiinta qaba xanuunka HIV/AIDS-ka oo dhala carruur caafimaad qaba

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Degaanka Inamed oo bari ka xiga Dhuusamareeb oo aan lahayn adeeg caafimaad

Hargeysa: Waalidiinta qaba xanuunka HIV/AIDS-ka oo dhala carruur caafimaad qaba

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo