Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaaliya: Cunista hilibka kalluunka oo ku soo badaneysa magaalooyinka

Radio Ergo by Radio Ergo
July 26, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Deegaannada Somaliland iyo Puntland oo uu ku batay cunista hilibka kalluunka

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Iibka hilibka kalluunka ayaa suuq fiican yeeshay labadii sano ee la soo dhaafay, waxayna arrintaan timid markii uu yaraaday hilibkii xoolaha uuna qaaliyoobay abaarti darteed, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Ismaaciil Caabbi Yaasiin oo agaasimaha xarunta keydka kalluunka Berbera ee la yiraahdo Netfish.

4,000 oo kiilo oo kalluun ah ayaa subax walba la keenaa xarunta keydka kalluunka ee Berbera, waxaana kalluunkaasi loo iib geeyaa magaalooyin Laascaanood, Burco iyo Boorama. Waxaa sidoo kale kordhay dadka ka shaqeysta kalluumeysiga ee ka soo jillaabta gudaha badda ayna hadda gaarayaan 1,200 oo qof oo ku kalluumeysta 400 oo doonyaha yaryar ah.

Wuxuu sheegay in 7 shirkadood oo ah kuwa kalluunka u iib geeya gudaha ay subax walba xarunta keydka kalluunka ee Berbera ka rartaan kalluun badan.

Shirkado ka ganacsada kalluunka ayaa ka furmay magaalooyinka Burco, Laascaanood iyo Buuhoodle, oo ah magaalooyin aad looga cuni jiray hilibka xoolaha. 29 goobood oo kalluunka lagu iibiyo ayaa hadda ku yaalla magaalooyinkaas.

Shirkadaha kalluunka iibiya kuma eka Somaliland oo keliya, waxay sidoo kale ka jiraan Puntland oo ka mid ah meelihii ay abaarti saameysay. Kalluunka deegaannada Puntland laga isticmaalo waxaa laga keenaa Eyl iyo Boosaaso.

Maxamed Cadaysay waa milkiilaha shirkad la yiraahdo Raasul-khayma oo xarunteedu tahay Boosaaso. Shirkaddiisa waxay kalluunka u iib gaysaa Qardho, Dangorayo, Laascaanood, Garoowe iyo Burtinle. 1,200 oo kiilo oo kalluun ah ayay maalin walba gaari qaboojiye leh ku geeyaan Garoowe.

Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xarun lagu keydiyo kalluunka aysan ka jirin Puntland, marar badan oo ay maamulka arrintaas kala hadleenna aan waxba laga qaban. Wuxuu xusay in baabuur qaboojiyeyaal leh ay kalluunka uga soo qaadaan xeebaha kaddibna ay sidaas ku suuq geeyaan.

Dadka kalluunka ka soo iibsado Boosaaso iyo Eyl waxaa ka mid ah Cabdi Axmed Barre oo meel kalluunka lagu iibiyo ku leh Laascaanood. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay  intaysan abaartu xoolaha yareynin in uu toddobaadki oo dhan iibin jiray 300 oo kiilo oo kalluun ah, laakiin hadda afartii maalinba waxaa laga iibsadaa 1,100 kiilo.

Wuxuu tilmaamay in dadku ay hadda si weyn ula qabsadeen cunista hilibka kalluunka. “Billowgii dadku waa urayaa ayay oranayeen, haddase waa la soo qabsadeen,” ayuu yiri Cabdi.

Eyl oo ku taalla badweynta Hindiya una jirta Laascaanood 300 km iyo Boosaaso oo ku taal badda Cas una jirta 700 km ayaa Cabdi kalluunka looga keenaa.

Halkii kiilo ee kalluun ah wuxuu Laascaanood ka marayaa $1.5, halka kiiladi hilibka xoolaha ay u dhexeyso $10 ilaa 11 doolar.

Hilibka kalluunka oo ka raqiisan kan xoolaha ayay u riyaaqeen dadka danyarta ah. Cabdiraxmaan Faarax Aadan oo ku nool Burco kana shaqeeya dhismaha guryaha ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in nuskiiladii hilibka kalluunka laga siiyo hal doolar iyo bar, laakiin intaas oo kale oo hilibka xoolaha ah ayaa Burco lagu kala iibsadaa 6 doolar. Qoyska Cabdiraxmaan oo 5 qof ah ayaa cunista kalluunka billaabay bishii Febraayo ee sanadkaan 2018-ka.

Previous Post

Somaliland: Qoys oo biyo la’aan uga barakacay deegaannadii duufaantu ku dhufatay

Next Post

Olole talaalka cudurka dabaysha oo Muqdisho iyo gobollada ku xeeran laga fuliyey

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Olole talaalka cudurka dabaysha oo Muqdisho iyo gobollada ku xeeran laga fuliyey

Olole talaalka cudurka dabaysha oo Muqdisho iyo gobollada ku xeeran laga fuliyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-SEP-2026

IDAACADDA 20-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo