(ERGO) – Barakacayaal gaaraya 1,800 oo qoys oo deggan afar xero oo ku yaalla deegaanka Ari-cadeeye oo 32 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafay aan helin wax gargaar ah, kaddib markii ilaa afar jeer dib looga celiyay gargaar loo waday. Hay’adihii waday gargaarka ayaa la kulmay xanibaadyo ka dhashay is qabqabsi u dhexeeya 12 xubnood oo ah guddiyada xeryahaas maamula. Arrintaas oo keentay in dadkaas ay waayaan dhammaan kaalmadii ay sugayeen.
Maamulka deegaanka ayaa 30-kii bishii Juun hishiis ka gaaray is mari waagaas, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha Ari-cadeeye ee gobolka Sool Cabdirisaaq Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Maamulka iyo guddiyada ayaa isla qaatay in dadka hab beeleed wax loogu qeybiyo. Go’aankaas oo keenay in 4-tii bishan July la geeyo xeryahaas raashin ku filan 250 qoys.
Dadka nasiibka u helay deeqda waxaa kamid ah Faadumo Cali Ismaaciil oo 12 caruur ah haysata. Waxay sheegtay in la siiyay 60kg oo isugu jira bur, bariis, sonkor iyo saliid. Raashinkan ayay sheegtay inuu wax ka bedelo cuno yaridii haysay muddo lix bilood ah.
Dadka xeryaha ku nool oo qaarkood ay ehelladoodu dibada jiraan, ayay sheegtay in ay noloshoodu ku tiirsanayd oo ay wax la cuni jireen, muddadii gargaarku ka maqnaa xeryaha.
Muddo sannad iyo bar ah ayay Faadumo sheegtay in ay hadda ku nooshahay xeryaha kaddib markii abaartu ka dhammaysay 180 neef oo ari ah ayay ku dhaqan jireen deegaanka Dhiiri-goobo oo 20 km qiyaastii bari uga beegan Ari-cadeeye. Waxay intaas ku dartay in ninkeedu uu la joogo xerada, laakiinse aanu shaqo ahayn maadaama aanu lahayn xirfad uu ku shaqaysto.
Aamina Jaamac Dirir waa gabar 25 jir ah, waxay xerada ku haysaa aabeheed oo 75 jir ah oo indho la’. Waxaa intaas u dheer xanuun dhimirka ah oo uu sannad iyo bar la xanuunsanayo. Faadumo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in xanuunka dhimirku ku dhacay kaddib markii abaarihii labadii sano ee la soo dhaafay gobolka Sool ka jiray uu ku waayay bilowgii sanadkii la soo dhaafay 300 oo neef oo ari ah iyo 13 geel ah.
“Meel aan wax uga keeno ma aqaan, kama shaqo tegi karo oo wuxuu u baahan yahay ilaalin, oodaha xeryaha ayuu ku dhacayaa,” ayay tiri.
Aamina waxay hadda heshay 60 kg oo raashin ah oo ay sheegtay in iyada aabeheed uu ku filan yahay muddo bil ah. Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayay sheegtay in ay la noolaayeen qoys qaraabadooda ah oo raashin uga soo diri jiray magaalada.
Dadka ku jira xeryaha barakaca ayaa ku eedaynaya guddiyada xeryaha maamula inay danahooda gaarka ah ka eegtaan gargaarka loo waday dadka aan waxba haysan ee badankoodu abaaraha ku soo cayroobay.
Baashe Maxamed Canshuur, wuxuu kamid yahay guddiyada xeryaha maamula ee lagu eedaynayo inay caqabad ku noqdeen gargaarka. Wuxuu masuul ka yahay xerada Siixowle oo ku taalla Ari-cadeeye. Wuxuu Ergo u sheegay in gargaarkii ugu dambeeyey ee la keenay xeryaha dib loo celiyay 28 bishii May ee sannadkan, kaddib markii guddiyadu isku khilaafeen cidda la siinayo.











