Beeraley horay u ahaan jirtay xoolo dhaqato ayaaa ka faa’iideysana wax soo saarka beero ay ka tabcadeen deegaanno ka tirsan gobolka Sool.
Xoolo dhaqatadan beeraleyda isku beddeshay ayaa soo galay magaalooyinka kaddib markii ay xoolahoodii ku waayeen abaaro, waxayna horaantii sanadkan beerteen dalagyo kala duwan, dalagaas oo hadda soo galay.
Haddaba sida ay uga faa’iideysanayaan iyo waxa wax soo saarka beerahan uu nolosha iyaga iyo qoysaskooda ka beddelaya, waxaa warbixinta ku faahfaahinaya weriyaha Ergo ee Laascaanood, Faarax Dubbad.










